Author Topic: Caro Rag iyo Ceeb Aduun (Qiso Dhab ah)  (Read 23123 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline dr-awale

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 129
  • Points: +7/-0
  • Gender: Male
  • i love my doughter
Caro Rag iyo Ceeb Aduun (Qiso Dhab ah)
« on: August 26, 2011, 01:27:14 PM »

Qisadan oo ah Mid Cajiib ah Inbadanna aad la yaabidoontaan qaabka ay u dhacday ayaa waxa ay dhex martay Labo wiil oo dhalinyaro ah ooh al magaalo kusoo wada Koray Sxbo Dadka isugu Jecelna ahaa Mudo Dheer.

Horaa loo dhahay Jaceylkaaga Hore Ha Badinin Nebcaan Doontidaane lama Ogee Labadii wiil ee sxbada ahaa ayaa Mudo Dheer ka Dib Aduunyadu waa ay wajiyo badan tahaye waxa ay noqdeen Dad Cadaw isku ah oo Midiba Midka kale uu Shar iyo Dhib la Damacsanyahay waxbana isumey Reeban.

Mid ka mid ah Ragaasi sxbada ahaa ee Cadawga isu ah imika ayaa Ka Dhoofay Magaaladii malaha intuusan safrinna waxa uu Hagardaamooyin iyo wax uusan jecleysan ku sameeyay sxbkiisii hore ee hada Cadawgiisaa oo Caro kula Haray Magaaladii.

Somalidu waxey tiraahdaa God sired ha qodin Hadaa Qodana Ha dheereyn Ku dhici doontidaa lama Ogee.

Ninkii Dhoofay Ceyr ku Helyaa iyo dhidid ku Bixiyaaba Hantiile ayuu Noqday waxa uuna Magaaladii uu Sanado ka Hor ka dhoofay kasoo Doontay Gabadh ay wada Daganaayeen oo Qurux asluub iyo wanaag badan uu ku Ogaa Aroos ay Gabadha kali ku Tahayna waa Loo dhigay.

Maalmo ka dib Aqbaarta Arooskan ayaa waxa ay Gaartay sxbkiisii shalay cadawgiisii maanta Ninkii ahaa ee ku noolaa Magaaladii ay waa wada Joogeen gabadhuna hada ay ku Nooshahay Waxa uuna usoo Tafo Xeytay in uu Gabadha soo Abaaro maadaama ay is Garanayeen Asigoo Xumaan La Doonaya.

Ninkaad dili Ninkaad Dagi iyo Ninkaad Dabin u qowleysid.

Waa liisu kala Daadiyaa Yuusan kaa Didine.

Xumaan doonihii Gabadhii oo warmoog ah ayuu soo aaday salaan Qiimo badanna waa uu ku salaamay uga ma waramin waxii dhex maray wiilka Gabadhan Guursaday ee qorbe Jooga ah hase yeeshee waxa uu u sheegay gabadha in uu ku Faraxsanyahay Guurkeeda iyo Ninka qiimaha leh ee Guursaday sidaas ayuuna uga Gudbayay maalintaas iyo maalmihii Xigay.

Naagi nin ay taqaan cadow ma moodee waxa uu isaga dhigay xubin muhiim ah oo asxaabteeda ka mid ah Kaftan waayeelna waa uu Bilowday Mudo kadibna Salaan iyo Bariido howsha waa ka Gudubtay oo Sxbtinimo aan alle Raali ka Aheyn ayey isku Badashay.


Howshu waxa ay ku Bilaabatay Hal mar iyo caawa kaliya, Towbad baa Jiri doonta Xajna waan ka Rajo qabnaa ma Anaa I aamini weysay iyo hadale kale oo qalbiga Jilcinaya Sheydaana Sadax buu ku ahaa shirkaas.

Dumarku waa ay Beerjilcan yihiine waa ay is Xakameyn kari weyday Gabadhii oo waxaa ka tagay miyarkii ilaa uu Sir qabihii ka Saad caleeyay Gabadha oo uu Gaaray Halkii ugu Muhiimsaneed Gabadha Gabar Nimadeeda Allow ceebta Astur.

Dhagar Qabihii ayaa Gaaray Qeybtii koowaad ee Hadafkiisa waxa uuna Bilaabay in uu isu diyaariyo Sidii uu U fadeexeyn lahaa Gabadha Saygeeda Cusubna ugu Hungoobi lahaa Rabitaankiisa uu Qarashka Badan Ku Bixiyay.

Maalinkii xigay Camera Nooca Xaada Duubta ah ayuu qolkiisa ku Xiray Waxa uuna Markale Balansaday Gabadhii Caruusada aheyd ee Saygeeda uu Dibadda ku Maqnaa walina aaney kulmin.

Gabadhu Bowdkaba Balaayo kama Fileyne waxa ay Timi Daqiiqado iyadoo kasoo Dib dhacday Xiligii Balanta Waxa ayna Gudaha usoo Gashay qolkii miineysnaa iyadoo Mooda in aduunyo ay sidii hore tahay.



Inkastoo ay aheyd in Gabadha kasokow Cameradan ay ka Fekerto in Alle Ogyahay Xumaanta ay Sameynayaan hadana waa ay ka indha Xirneed oo xog iyo Xaalba ma Heyn.

Waa liis Bariidiyay waxaana Bilowday Hadal Hoose oo Dareenka Kicinaya Daqiiqado kadibna waxaa dhacay waxii dhici rabay ee Xumaan ahaa Cameradana waxa ay aheyd Mid duubeysa Dhamaanba Dhacdooyinka ka dhacayay Halkaasi Dantiisii Markuu gaarayna Dhagar qabihii waxa uu Mac salaameeyay Gabadhii oo uu u sheegay in xitaa aanu awoodin in uu dhaweeyo maadaama uu daal Dareemayo sidaas ayeyna ku Jaqaafisaay.

Markii ay Baxday ayuu Bilaabay in uu dib u daawado cajaladii uu ku duubay xumaantii uu ku sameeyay Gabadhii waa Nin Xishoodkii uu Ka Tagee waxa uu Ku Farxay sida ay wax u Noqdeen iyo Xumaanta uu sameeyay asigoo Niyada iska leh alla Maxaan ka Aarsaday ninkii Cadawtooyada ay naga dhaxeysay.

Maalmo ka dib ayaa Gabadhii waxaa lasoo Xariiray saygeedii oo u sheegay in uu doonayo in uu yimaado wadan la daris ah wadankii ay ku nooleed sidaas darteedna Tikidkii uu u diyaariyay halkaasna ay ku aqal gali doonaan.

Gabadhii uu Farxad iyo Reyn Reyn ay qaaday ayaa Soo Macsalaameysay dhamaan Asxaabteedii iyo Eheladeedii Dhagar Qabihiina dadkaas ayuu ka Mid ahaa waxa uuna ka codsaday in maalinka safarkeeda uu Gaarsiiyo ilaa Garoonka si uu u dhaweeyo waa ayna ka Ogolaatay lakin waxaa wanaag saneed in ay ka cudur daarato ama ka diido.

Waxaa la gaaray maalinkii Bixitaankeeda Asigii baana usii dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha, Markii lasii Galayayna waxa uu ku dhahay “Waan aqaan meesha aad u socoto oo waa meel dadkeena uu ku Yar Yahee si aydnaan Cidlo u dareemin hoo Cajaladan iska daawada waa Hindi Waliba la soco waa Dareman” Cajalada uu u dhiibaysa waxa ay aheyd Cajaladii ay ku duubneed waxii xumaan ahaa oo ay wada sameeyeen oo magaca Filim ay jecleyd gabadha korka uu ugasoo qoray.

Gabadhii oo wax jiro moog ah ayaa ku Faraxday Cajaladaas oo ay jecleed ayadoo waliba istiri saygaaga hakula daawado oo ka Hor ha isku Fiirsan si uu ula dhaco Filimkan sida aad u jeceshahay si lamid ah ayuu u jeclaan doonaaye.

Gabadhii alle waa Nabad geeyay halkii ay u socotay Saygeediina waa ay kulmeen Gacalo iyo geel iswaayayba waa ay isku ololaane habeenkii koobaad lama Tabin Cajalad iyo wax kale oo ayagaaba isku hamuun qabay waagii baase Baryay waana lakala daalay Sheeko iyo waxii Raaci karayba.

Gabadhii oo ay Farxadi ka Muuqato ayaa Quraacdii ka dib ku Tiri Seygeedii Xabiibi maan Cajalad Hindi ah oo waliba Aad la dhici doontid oo aan wado ku tuurano.?

Ninkeedii ayaa ku Farxay asigoo doonaya wax uu ku nasto Durbadiina Gabadhii ayaa Bilowday in ay cajaladii ku Tuurto D.V.D-ga Muuqaalkii Ugu Horeeyay ee kasoo Boodaysa maxuu ahaa Sideesa u dareemeen.?

Waa wax Naxdin iyo Argagax leh waa wax aan ku wanaagsaneen in la sheeg sheego waa Wax cajiib ah Indhaha Gabadha iyo saygeeda waxaa qabtay Ooridii qiimaha Badan ugu Fadhiday Caruuskii uuna qaaradaha badan usoo Gooyay oo Cayaar adagi ay dhax mareyso iyada iyo Nin ay Cadaw wada ahaayeen Indhaha ayuuna shaashada ku Gubay lakin waa Awoodi waayay in uu damiyo iyana Haba sheegin. Cajiib!!!!!!!!!!

Hadalkii ayaa ku Xidhmay Midba Midka kale ayuu eegay Malaheygana Oohin ama qosol Gariir Midkood baa kasoo booday Gabadhii.

Farxadii waxa ay isku badashay Durba Murugo, Arooskiina Is Furid,

Maalinkii xigay maalinkaas Ayey Gagida kaduushay Gabadhii iyadoo aan Cidi Macsalaameyn Asigiina Habeenuu kaga Danbeeyay asigoo Murugo la Jiifay Halkii.

Dhamaad



LEAVE
WOUNDS
OPEN !


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Caro Rag iyo Ceeb Aduun (Qiso Dhab ah)
« Reply #1 on: August 26, 2011, 02:16:15 PM »
Acuudu bilaahi mina sheydaani rajiim. Waa qiso aan in naba caadi aheyn. Laakiin aan ku su'aalee xagee bey qisadu ku dhamaatay? Dhagar qabihii maxa lagu sameeyey? Naagtii ma waalatay mise?? Nabsi ma la arkay qisadan qeybaha kale ee ka dhimanaa. QISO MA DHAMAATO ILAA KUWII DHIGAY AY DHIGTO.
Talo SAARO Allaah

Offline Nadar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Caro Rag iyo Ceeb Aduun (Qiso Dhab ah)
« Reply #2 on: September 04, 2011, 08:00:53 PM »
Wow!  What a nasty sheeko, its funny how wilka caqligiisa ushaqeeyaa,and how innocent girls can be! Siiba gabadhaha somalida
Another sheeko saaxib!


 

Qiso Cajiib ah

Started by MunimBoard Feel Free Here

Replies: 4
Views: 6895
Last post January 24, 2008, 01:47:01 PM
by MuslimDoc
Qiso cajiib

Started by MunimBoard Feel Free Here

Replies: 5
Views: 7679
Last post June 26, 2009, 01:47:45 AM
by Munim
Janadii Aduun ayaa dhadhamin lahaaa!!!!!

Started by BahjoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8930
Last post January 03, 2014, 04:31:14 PM
by Bahjo