Author Topic: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?  (Read 119997 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« on: August 27, 2011, 08:25:12 PM »
Asc Dhaqaatiirta Sharafta leh iyo dhamaan Members-ka webka Somalidoc.com. Intaas ka dib. Dhaqtar waxaan rabaa in aad faahfaahin naga siiso macluumaadka Malabka, faa'iidooyinkiisa & siyaabaha loo isticmaali karo. Sidoo kale Dhaqtar Malabka ma la siin kara Caruurta ka yar hal Sano asagoo saafi (Fresh) ah?. Thank you all Doctors. Ramadan Kariim Aqyaareey.


Talo SAARO Allaah


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #1 on: September 26, 2011, 10:28:47 AM »
Marka hore waydun wada salaaman tihiin. Su'aasha ku saabsan Malabka waxaan soo dhigay webka Ramadaantii, hase ahaatee lagama jawaabin, haddaba aniga ayaa jawaabta soo dilin dileynaya maadaama aqoon la isku kordhina hayo.
     MALABKA:
Malabka taariikh ahaan waxaa la sheegaa in la isticmaali jiray muddo 3000 (saddex kun) oo sano Nabi Ciise (RC) ka hor.
Sidoo kale Faraaciintii hore uu ugu jiri jiray maadooyinka wax lagu xifdiyo sida hilibka, khudradda IWM. Iyadoo meydkana ay marin jireen. Bakteeriyaduna awood uma laha in ay ku noolaato malabka dhexdiisa in ka yar toban (10) daqiiqo.
Malabka sida la sheego 700 (todoba boqol) oo sano ka hor ilmo dhintay oo lagu riday ama lagu keydiyey santuuq malab ah, ayaan wax is badal ah ku imaan. Malabka waxa uu ka mid ahaa hadyooyinkii qaaliga ahaa ee la is guddoon siin jiray, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Nabi Yuusuf (RC) wixii loola yimid.
Sidaas oo kale waxa uu soo wariyey kitaabka Towreed magac ahaan Nabi Suleymaan (RC) waxa uu amri jiray ciidankiisa in ay raadiyaan malabka waana uu isticmaali jiray.
Haddaba qiimaha malabka waxaa uu Rabbi (SWT) ku sheegay Qur'aanka Kariimka ah, suuradda lagu magacaabo suuratul Naxli aayaddaha 68 ilaa 69aad. Sidoo kale suuradda Muxammed aayadda 15aad. Sidaas si la mid ah Nabiga (NNKHA) meelo badan ayuu kaga hadlay malabka in uu daawo yahay.
Haddaba aynu isla eegno malabka inta uu u dhigmo cunto ahaan...
Waxa la tilmaamaa inuu malabku dhaliyo firfircooni. Wuxuuna 100grm (boqol garaam) oo malab ah jirka siiyaa 300 (saddex boqol) xaraarad ah, halkii kiiloo garaam (1kg) wuxu u dhigmaa cunto ahaan shan liitar (5ltr) oo caano ah, ama lix-iyo labaatan (26) xabo oo muus (moos=banana) ah, ama lixdan (60) xabo oo liimo Bambeelmo ah, ama konton (50) xabo oo ukun (egg) ah, ama kow iyo toban kiilo iyo todobaatan iyo shan garaam (11.750grm) oo hilib ah siiba hilibka Dibi, ama-se laba iyo toban kiilo (12kg) oo khudrad (vegetables) iyo macmacaanka oo u leh wax tar dheef shiidka iyo xubnaha.
Sidoo kale dhanaanka malabka waxa uu qofka u furaa cuntada isla markaa waxaa kororta korodhsiimada dhiigga, wuxuuna u qaas yahay feytamiinada (Vitamines) A, B, & G.
Sida la og yahay malabka waxaa ka buuxa macaadin, waxana ilaa imminka la hayaa oo laga soo saaray shan iyo toban (15) nooc. Waxa ka mid ah:
Protein, macdanta, Naxaasta, Kubriyam, Botaasiyam, Mingiliisiyam, Phosphor, Color Sowdiyan, Kalsiyam Silkooyet, Silikom, Manganiis iyo faytamiinada B, B2, B5, B6, G iyo khamiirka, sidoo kale Nitroojin sitrik iyo saliida.
Haddaba haddii la rabo in la isticmaalo malabka waa in la kariyaa lagana qaado xoorta, waa hubaal daawadiisa.
Si gaar ah wuxu daawo u yahay Beerka (The Liver) ama ba beer-xanuunka mana dhaco ruuxii daa'ima isticmaalka malabka!
Ilmaha (children) waxa looga daaweeyaa ama looga ilaaliyaa Burukiitada, hargabka cunto xumada, nafaqo la'aanta, tani waa haddii loo daa'imo oo la siiyo maalin kasta saddex jeer (3 times) min nus qaado (1/2 teespoon).

FG: Xubnaha webka Waa ay ka doodi karaan Mowduucaan. Waadna ku mahadsan tihiin haddii aad sii horu marisaan ku baraarujinta faa'iidada malabka uu u leeyahay dadka. Thanks Doctors & Members.
 
Talo SAARO Allaah

Offline Cabdulahi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #2 on: September 26, 2011, 03:02:30 PM »
asc  walaal qabakee loo istic malaa malabka taas manoo faah fahin kartaa drs  mala karinayaa ilaa misa mnt ayaa dabka uu saar naan hayaa maxaa lagu darayaa isaga kaligii miyaa lakarin hayaa
qabaka loo istic maali karo walal nosoo sheega  solaida isoo kaligii ah ayan malqad lee ku cunaa qiyaas la'aan marka taas noo soo sharaxa  mahadsanidin asc

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #3 on: September 26, 2011, 04:42:18 PM »
Cabdulaahi walaal, haddii aan jawaabta anigu kula garab galo, marka hore waxaad sameyneysaa:
-> Haddii uu malabku yahay mid cusub oo saafi ah oo xabag iyo shini & wax la mid ah ay ka buuxaan, oo markaad is tidhaahdo xoogaa ka shub uu socodkiisu culus yahay, markaan waa marka uu ugu saafisan yahay waana marka uu Alerjiga keeni karo (dadka qaar waxay kala kulmaan alerji ama cuncun gaar ahaan carabka, dhuunta iyo afka). Malabka cusub ee aan miirneyn Waxa la saarayaa dab wax lagu darayaana ma jirto, xoogaa markuu dabka saarnaado ayaa waxa dusha wada imaanaya wixii miirmida u diidanaa malabka (waa xabagtii, waa shinnidii IWM), markay xoor ahaan kor u yimaadaan ayaa malgacad ama qaado shabaq ah korka looga gurayaa, waxa markaas soo hadhaya malabkii oo miir ah waana la qaboojinayaa. Dabkuna waa inuusan aheyn mid xooggan ama mid liita, haddana malabku waa in uusan karkarin.
-> Habka aan anigu u isticmaalay dad badana aan ka bartay waxa weeyaan
1x3 tablespoonfuls ama saddex waqti maalintii ayadoo la isticmaala hayo qaadada miiska. Dadka qaarkood waxay ku isticmaalaan hal galaas oo biyo nadiif ah oo lagu daray hal qaado oo malab ah oo lagu walaaqay, saddex jeer maalin kasta, waana sidatan: 1 qaado oo malab ah + hal galaas oo biyo ah x saddex waqti oo min afar saac isku jir jira ama sidaad rabtid. Hadduu qofku iska badiyo inta uu halmar isticmaali karo, waxa dhici karta in uu kala kulmo dhib, tusaale alerjiga oo kale iyo caloosha oo kacda.
-> Waxa jira waxyaalo malabka lagu dar daro sida sonkor ama sur ama wax kale. Kuwaas oo laga yaabo in ay dhibaato hor leh u keenaan dadka isticmaalaya.
FIIRO GAAR AH. Ha isticmaalin malabka haddii aadan aqoonin, qoraalkaan webka somalidoc kuma talinin, aniguna ma ku talinayo in qofku uu malab isku dal dalo. Kala tasho habka aad u isticmaali laheyd malabka dadka iibiya iyo dhakhtarada Daawo dhireedka ama Qaado talada Somalidoc marka uu jawaab tifaftiran ka bixiyo MALABKA. Thanks...



Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #4 on: September 27, 2011, 10:30:15 PM »


Malabka faaidadiisa maahan mid halkaan lagu soo koobi karo oo eebbe ayaa quraanka kariimka noogu sheegay in malabka aan caafimaad iyo daawo u yahay bini-aadanka iyadoo lagu daaweyo cudur kasta.

Haddii aan isku dayo xanuunnada lagu daaweeyo, reer galbeedkane ay ku waafaqsanyihiin muslimiinta waxaa ka mid ah:

  • Inuu yahay maaddo nafaqo qaali leh ayna cuni karaan dad waaweyn iyo kuwo yaryar labadaba, calooshane kuma raago oo dhakhso ayay calooshu shiiddaa, jirkane si sahlan ayuu u nuugaa oo isla markaa wareegga dhiigga ayuu gaaraa.
  • Malabku wuxuu buuxiyaa booska tamarta jirka bini'aadanka u baahanyahay oo dhan.
  • Malabka wuxuu xoojiyaa murqaha wadnaha, dadka joogteeyane way yartahay halistooda ku aadan hawlgabka wadnaha ama wadno istaagga.
  • Malabka wuxuu aad u nidaamiyaa dhiigkarka, wuxuuna jirka ku badiyaa birta "Hemoglobin".
  • Malabka wuxuu dowr weyn ka ciyaaraa korriinka ilkaha iyo xifdintooda.

Liiska cudurrada lagu daaweeyo malabka:
  • Gaaska
  • Beer xanuunka
  • Neerfaha
  • Hurdo la'aanta
  • Daafka
  • Kansarka
  • Cudurrada maqaarka
  • Shuban dhiigga
  • Dhiigyarida
  • Riixa / lafo-xanuunka
  • Timo-daadashada
  • Caabuqa kaadi-heysta
  • Ilko-xanuunka
  • Hargabka
  • Kacsi yarida
  • Calool qasanka
  • Dheefshiid xumada
  • Daalka
  • Af-qurunka
  • Madax xanuunka
  • Sare u qaadista difaaca jirka.

Qoraallo xiriir la leh:
Tijaabadii Malabka iyo Dhaawacyada (Qoraal muhiim ah)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mozil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #5 on: January 09, 2013, 12:09:38 PM »
Asc all su'al la is ku mari wayey aa jawab wacan laka codsanaa inee kabixiyan doctoradeena Indhaha caadka fuula malabka malaku daaween karaa. Hebeenkii hal dhibic malaku dhibcinkaraa. Hadhoow se dhibaato miyee keeni kartaa?

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #6 on: January 17, 2013, 12:05:17 AM »
Way jirtaa in ay dadka qaarkood sheegaan ama ay aaminsan yihiin in Malabka indhaha lagu daaweeyo. Laakiin si rasmi ah arrintaan la iskugu ma raacsana. Waxaa jira Malab lagu sumoobi karo amaba sumoobay; sida Malabka warshadaysan iyo Malabka wadanka new Zealand oo la sheegay in uu sun yahay sababtoo ah dhirta iyo ubaxyada ay Shinidu dagto oo qaarkood sun ah.
#
Waxa kale oo la sheegaa in ka hor inta aan indhaha la marin Malabka in lagu daro xoogaa biyo ah ka dibna la kariyo, markii ay qaboobaanna in dhibic lagu dhibciyo isha bukta ama labadaba min hal dhibic, balse maadaama uu malabku yahay anti bakteeriya awood badan u leh suulinta bakteeriyada, haddana waxa aan caddeyn qiyaasta biyaha iyo malabka ee la isku darayo inta ay le'eg yihiin iyo muddada lagu  isticmaalayo indhaha inta ay tahay.
#
Haddii ay jirto dhibaato dhinaca indhaha ah, fadlan la xidhiidh Dhakhtar ku taqasusay daaweynta cudurrada indhaha...
#
Indhaha waa xubno muhiim ah, sidaas darteed,  kuma haboona in wax lagu tijaabiyo iyo wax la mid ah.
Talo SAARO Allaah

Offline Habiib

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Wax tarka Malabka waa maxay?
« Reply #7 on: May 12, 2016, 12:09:55 PM »
masha allah


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66555
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69569
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62501
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46757
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45003
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc