Author Topic: Hooyooyinka iyo Daryeelka Dhiciska (Qoraal Xiiso Leh)  (Read 17354 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Hooyooyinka iyo Daryeelka Dhiciska (Qoraal Xiiso Leh)
« on: May 14, 2016, 01:18:59 PM »


Bismllahi..

Waxaan qoraalkaan ka hadli doonaa daryeelka dhiciska iyo dowrka ay hooyada ka geysato sidii ilmaheeda u siin lahayd daryeel ku filan inta uu ka gudbayo marxaladda halista ah ee uu ku jiro.

Waxaan qoraalkaan ku bilaabayaa sheeko gaaban oo na dhex martay hooyo ila soo xiriirtay, hooyadu waxay ii sheegtay in gabadheeda ay ku dhashay isbitaal wadanka dibaddiisa ah, waxay ii sheegtay in gabadheedu ay dhashay cunug 7 bilood jiro, dhakhaatiirtii isbitaalka waxay cunugii geliyeen dhalo lagu xanaanaynayo, dhaladaas waxaa ku baxayo qarash 300$ maalin kasta, annagane ma awoodno, markaan ka codsday in ilmaha dhalada la iiga soo saarane waxaa la ii sheegay inuu la'aanteed noolaan karin, wixii ka yimaadane in aan mas'uul ka noqonayo, Aniga oo ayeeyo u ah cunuga, waxaan ku dhashay 7 bilood meel baadiyo ah, gabadhayda laftirkeeda waxay ku dhalatay 7 bilood, wax dhib ahne lama aan soo kulmin oo si dabiic ah ayaan u kornay, waxay marka iiga sheekaysay qaabkii labadoodaba loola soo tacaalay.

Marka inta aanan su'aasha hooyadaan ka jawaabin, waa in aan isla ogaannaa arrimahaan soo socda:

Dhicisku waa ilmaha oo dhasho iyagoo waqtigooda aanan dhamaysan, cilladaha ugu badan ee dhicisku la kulmo ama u dhinto waa saddax mid:
  • Dhaxanta / Heerkulka dhacsan: Ilmaha maadaama korriinkoodu uu wax ka dhiman yahay, oogadooda awood uma lahan inay kontaroosho heerkulka bii'ada ku hareeraysan, sidaa awgeed haddii ay dabayl, dhaxan ama biyo qabow ay la kulmaan si degdeg ah ayuu heerkulkooda u dhacaa, wayna u dhintaan, waana sabab ka mid ah asbaabta loogu xareeyo dhalada, maadaama uu ku rakiban yahay qalab diirrimaad siinayo dhiciska.
  • Sonkorta oo dhacdo: Ilmahaan waxay u baahan yihiin inay helaan tamar ay iskaga difaaci karaan tabaryarida iyo nafaqo darrida, waxayna u baahan yihiin awood ay naas ku nuugi karaan, haddii intaasba aysan jirin ama ilmaha wax qaadashadoodu ay liidato, waa halis oo waxaa dhici karta in sokorta dhiigga ay hoos u dhacdo, sidaasne uu ku naf waayo, marka waa muhiim in hooyada ay naaska kala quusan dhiciska oo mar waliba siiso kana badan sida caadiga ah ee ilmaheeda kale u soo nuujisay, ilmaha leh awooda naas nuujinta way badbaadaan badanaa.
  • Dhaqaska oo ku dhago: Ilmaha ku dhahso 7 bilood, sambabadooda safiican uma bislaan oo waxaa ka maqan walxo eebe ugu talagalay in uurjiifka sambabkiisa lagu abuuro 8 bilood markuu gaaro, hadii marka ilmuhu dhashaan iyagoo yixda cabay ama dhaqasku ku dhagan yahay, waxay u baahnaan karaan oksajiin lagu xiro inta ay ka helayaan awood ay kaligood ku neefsan karaan, ilmaha sidaan ah haddii aysan isbitaal joogin badanaa way u dhintaan.


Marka labada cillad ee kore, waa lagula tacaali karaa guriga haddii ay hooyadu tahay qof taxaddar badan, aqoone u leh sida dhiciska loo koriyo, laakiin haddii aysan aqoontaas lahayn waa halis in hooyadu cunuga ku xanaanayso guriga.

Sidee soomaalidii hore u daryeeli jireen dhiciska?
Waxay isticmaali jireen siyaabo kala duwan uu alle fahansiiyay khaasatan waxa ilmaha dhiciska ah laga ilaalinayo iyo waxa loogu dadaalayo, laakiin nasiib xumo hooyooyinka reer magaalka ah, aqoontaas kamaysan dhaxlin dadkii hore illaa dad yar mooyee, waana arrin muhiim u ah meelaha aysan oollin qalabyadaan dhiciska lagu xanaaneeyo.
  • Qaabka Xayawaanka Kangaroo: waa qaab laga bartay xayawaanka loo yaqaano "Kangaroo" oo ku nool dhulka Australia, illaa iyo haddane dunida laga isticmaalo, waxaana loo yaqaanaa "Kangaroo Mother Care", waa in cunuga ay hooyadu markasta ku sido laabta ama shafka iyadoo xabadka cunuga iyo xabadka hooyada oo qaawan la isku haynayo, ilmaha waxay markaas hooyada ka helaan diirrimaad ka fiican markii busto ama dhar lagu duuduubo, waxaa kaloo fursad fiican u helaan naas nuujinta iyo kalgacalka hooyada, waana sadax arrimood oo muhiim u ah korriimada degdegta ah ee caruurta dhiciska.
    Xayawaankaan Kangaroo wuxuu ka mid yahay xayawaannada mucjisa ah oo aad ka baranaysid awoodda alle, waxayna dadka qaar ay sheegaan in dunidaba loo keenay si aan uga baranno daryeelka ilmaha dhiciska iyo ilmaha nafaqo darrida hayso, sababtoo ah xayawaankaan wuxuu dhalaa ilmo hal far la eg oo hilib dhogor aan lahayn, kadibne wuxuu ku ritaa meel kolosh ah oo alle u abuuray, halkaas gudihiisa waxaa ugu dhex yaallo naasaha, wuxuuna naasahaas midkiiba ku dhaganaadaa dhowr maalmood, wuxuuna halkaas ku jiraa dhowr bilood illaa uu ka koro, kadib ayuu banaanka u soo baxaa isagoo waynaaday, ka fiirso halkaan filin gaaban oo looga sheekeynayo arrintaan:
  • Daboolidda: Ilmaha oo lagu daboolo waxyaabo dabaysha iyo dhaxanta ka xigsado sida maro, harag, masaf, xaarin iyo wax la mid ah. laakiin habeenkii hooyada markay jiifsanayso waa in cunuga ay laabta galisaa.
  • Qandacinta iyo kululeynta: Hooyooyinka qaar waxay aqlaka u shidi jireen dab si caruurta ay uga helaan diirrimaad, qaarkoodne waxay ku dhex ridi jireen biyo qandac ah, waxayna intaas kala dagaallamayeen in aysan dhaxan gaarin.
  • Naas-nuujinta: Ilmaha oo joogto loo naas nuujiyo waa arrin aad u muhiim ah oo hooyooyinkii hore kula dadaali jireen ilmaha dhiciska ah, maxaayeelay wuxuu u baahan yahay awood iyo tamar ka badan caruurta kale, wuxuuna u baahan yahay inuu si dhakhso ah u koro, marka hooyadu waa in aysan waqti u yeelin naas nuujinta ilmaha dhiciska ah.

Haddii ay hooyadu intaa u hesho ilmaheeda dhiciska ah, badanaa way badbaadaan, dhibne lama kulmaan.
Marka haddii ilmo dhicis ah aad isbitaal ku dhashid, waa in aad hubisaa in neefsashadiisu dabiici tahay, naaskane uu qabsan karo oo nuugayo inta aadan go'aansan in aad kala baxdo isbitaalka.

Ilmaha ku dhasho 7 bilood iyo 8 bilood, maxay ku kala duwan yihiin?
Ummado badan oo aan xittaa soomaali ahayn ayaa aaminsan in ilmaha ku dhasha 7 bilood inay ka rajo fiican yihiin ilmaha ku dhasha 8 bilood, oo waxaa la sheegaa in ilmaha ku dhasho 7 bilood ay badanaa badbaadaan, ilmaha 8 bilood ku dhashane ay badanaa dhintaan.
Arrintaan waa arrin cilmiga caafimaadku uu diidan yahay illaa iyo hadda, maxaa yeelay waxaa la ogyahay kullamaa ilmuhu ay u sii dhawaadaan sagaalka bilood in korriimadoodu jir iyo maskax ahaan ay sii wanaagsanaanayso, sidaas awgeed waxaa jiray dhakhaatiir arrintaan baaris ugu dhaqaaqay inay ogaadaan meesha ay fikraddaan salka ku hayso iyagoo booqasho ku tagay wadamo badan, waraysina la yeeshay hooyooyin kala duwan, waxayna ka diyaariyeen arrintaan diraasad ay ku soo gabagabeeyeen in arrintaani ay tahay khuraafat laga dhaxlay Giriiga, iyagoo kutubtooda ku qori jireen in ilmaha 8-da ku dhasho ay dhintaan, intaas kadib waxay arrintaan ka mid noqotay khuraafaatkii lagu daray buuggii Talmuudka ay yahuuda marjic diineedka u ah iyadoo loo aaminay inay tahay wax diin ahaan loo dhaxlay, sidasne dunida ugu faaftay!!, haddii aad xiisaynayso in diraasadaan wax badan ka ogaatid iyo faahfaahin dheeraad ah, ka akhriso halkaan: https://www.hods.org/pdf/8-month%20old%20Fetus%20Full%20article1.pdf

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaad, fadlan iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Boogaha Cudurka Macaanka iyo ku Bogsoshada Malabka - Qoraal muhiim ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 54215
Last post September 13, 2015, 04:26:15 PM
by SomaliDoc
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 41100
Last post March 11, 2016, 09:48:07 PM
by SomaliDoc
Iska ilaali Maraq Digaaga (Qoraal Digniin Ah)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 135815
Last post April 10, 2016, 08:17:29 PM
by Gantaal
Ku jooji dhiigbaxa fudud si dabiici ah (Qoraal muhiim ah..)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33763
Last post May 22, 2016, 03:59:10 PM
by SomaliDoc
10 Cunno oo aan Haboonayn in lagu Casheeyo (Qoraal Cilmibaaris)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 66506
Last post June 02, 2016, 12:30:53 AM
by Axmed love