Author Topic: Su'aal: Filimaanta Hororka ah wax ma u dhibi karaan Caafimaadka?  (Read 24968 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Filimaanta Hororka ah wax ma u dhibi karaan Caafimaadka?
« on: September 05, 2011, 01:24:32 PM »
As Salamu caleykum dhaqaatiirta & aqyaarta qadarinta mudan. Waxa jirtay habeen dhaweyd gabdho yaryar 7jir & 9jir ayaa waxay ina la daawadeen filim horor ah oo dishka laga soo daayo, filimka oo aad u argagax badnaa ayey gabdhaha (inĂ mada) sas ka qaadeen habeenkiina way seexan waayeen waxayna ku waasheen 'hayaay hooyoy, aabow, waawarey, waa bahal waa bahal!' wixi markaas ka dambeeyey filim dambe umaynan ogolaan waayo waxaan ka baqay in ay caafimaad ahaan saameyso, haddaba doctor waxani ma fuleynimada gabdhahaa mise waa xaalad la filan karo, waxaase xusid mudan wiil 5jir ah oo filimadan nala daawada kama uu cabsado ama wuu ba xiiseeyaa, maalin kastana gabdhaha ayuu horor mimic ah iskaga dhig dhigaa. Marka dhaqtar maxaynu filmskan ka filan karnaa caafimaad ahaan?. Thank u all.  


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Filimaanta Hororka ah wax ma u dhibi karaan Caafimaadka?
« Reply #1 on: September 22, 2011, 12:44:51 PM »


Filimaanta cabsida leh ee la daawado waaxy isbadal kumeel gaar ah ku samaysaa qaabka uu jirka u shaqeeyo, sida inuu sare u qaado wadne garaaca, cadaadiska dhiigga, heerka neefsashada, qulqulka dhiigga iyo dheecannada hormoonada ee jirka soo daawyo, intaasba waxaa kicinayo isbadallada ku dhaca maskaxda, waxay arintaan la mid tahay dadka isticmaalo daroogada oo kale, inkastoo marka ugu horayso aan cabsi la dareemin, laakiin isbadalada ku yimaado jirka shaqadiisa waa isku mid ah.

Labada xaaladood marka ugu horayso qofka wuuu dhibsan karaa isbadalladaas, laakiin markuu joogteeyo, jirkiisa ayaa la qabsanayo, wuxuuna u baahanayaa mar walba waax jirkiisa sidaa u badalo, taasi ayaa keenayso in qofka u qabatimo sidii balwad oo kale.

Isbadaladaas ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku reebto qaabka uu jirka u shaqeeyo iyo inuu qofka la qabsado waxyaabahaas uu joogteeyo oo ay ka guurto dareemaha qaar sida cabsida, naxariista iyo u daqnashada dadka iyo xaaladaha qaar.

Dhibka ugu wayn ee filimaantaan laga qaado wuxuu ku dhacaa caruurta maadaama ay dhib ku tahay inay kala soocaan runta iyo beenta.

Caruurta joogteyso daawadshada filimada cabsida leh iyo kuwa da'dooda ka weenba waxay ku reebaan cudurro maskaxeed oo ay ka mid yihiin: welwelka, niyadjabka, dhakaakaha iyo qalqaalnimada/fudeydka caruurta (ADHD).

Dhaawaca ay filmadaan gaarsiinayaan maskaxda caruurta waxay qaadataa muddo dheer taasoo xitaa dhici karto in markii ay weynaadaan ay saamaynta ka soo muuqato maadaama caruurta aysan xilliga ay yaryihiin aysan kala ogeyn wixii run ama been kala ah oo sida ay u arkayaan u rumeeyaan sidaasna u saameyso.

Waxyaabaha halista ah oo ay ka qaadaan waxaa ka mid ah cillada argagaxa taasoo u soo muuqan karta mid ay ka dhaxlaan hurdo la'aan, qaraw, calwasaad iyo cabsi joogto ah (Phobia).

Tusaale caruur daawatay filin ka sheekaynayo diyaarad hawada ka soo dhacayso oo lagu la'anayo ama dadkii saarnaa cudur ku dhacayo oo ay is qaadsiinayaan oo ay arkayaan sawirro dhaxdin leh oo rakaabka muujinayo iyagoo la'anayo ama is cunayo sidii bahalladii waxaa laga yaabaa in maskaxda caruurtu ay ku reebto cabsi in ay ka qaadaan diyaaradaha oo xittaa markii ay weynaadaan aysanba diyaarad raaci karin. waa arrin dhacdo oo caafimaad ahaan la yaqaanno.

Waa laga yaabaa caruur jecel filimadaas sida aad ka dhawaajisay laakiin saameynta ay ku reebeyso maahan mid ay fahmi karaan oo xilligii lagu billaabayay daawadashada filimada noocaan ah ayaa waxay ka qaadeen isbedel nafsaani ah oo xitaa caruurto ku walfaan daawadasha dad dhimanayo ama dhiigyo cab ah ama dad tooganayo ama cunayo.

Maadaama caruurto ay jecelyihiin yaraantooda in ay wax jilaan in ay isku dayaanba in ay ku daysadaan filimaantaas oo xitaa ku fakaraan in ay dad dilaan ama ay jirdilaan waxaana calaamadaha cudurka noocaan ah lagu arkaa caruurta iyagoo yar kuwaasoo ka billaaba xayawaannada in ay dilaan ama ay ciqaabaan taasoo waalidu la yaabo meesha iyagane ay ku raaxaysanayaan dilka xayawannadaas.

Diraasad lagu sameeyay dalka maraykanka markii ay badatay dilalka ay geesanayaan dhalinyarada aadka u da'da yar, in ay sabab looga dhigay daawashada filimaanta laga barto "violence", dad dilka, afduubashada, kufsiga iyo waxyaabo kale, taasoo filimaanta iyo musalsalaatka qaar loo ekaysiiyo qofka sidaa samaynayo inuu yahay qof halyey ah oo bulshadu u baahan tahay, markuu uu soo afduubto dad uu u arko in ay dhib ku hayaan bulshada kadibna intuu guri ku soo xirto oo qalab makiinad ah ku jarjaro, kadibne dhiiga qofkaas uu u adeegsado rinji uu wax ku sawirto ama qeybo ka mid ah jirka dadka uu bireeyay uu meel ku xeraysto, taasoo loo ekaysiinayo qof howl fiican bulshada u hayo, musalsalkaan wuxuu ka mid yahay musalsallada loogu daawashada badan dunida ku hadasho luqadda english-ka, bal akhristow maxaa isleedahay oo faa'ido ugu jiro caruur jirta 10 illaa 14 sano in ay fiirsadaan filimaan noocaan ah, iska daa filimaanta ku saabsan kuwa dadka dhiiga ka dhuugo ama reer-aakhiraadka oo noqotay mowdo cusub oo laga helo dakhliga ugu badan ee soo galo qolooyinka filimaanta jilo.!!!

Dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo intaa ka badan ayay caruurta maskax ahaan u saameysaa filimada aad ka hadashay sidaa awgeed waalid walba oo ka fakaraya mustaqbalka caruurtiisa wuu ka fogeeyaa daawadashada filimadaan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: