Author Topic: Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!  (Read 22246 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!
« on: August 29, 2011, 05:18:26 AM »
Asc Dhaqaatirta iyo Aqyaarta? Ramadaan Kariim Iid-Mubaarak. Dhaqtar waxaan jeclahay inaad si qoto dheer noogu sheegto waxa uu yahay 'Mayiiko' ama sexual-maniac, Aniga waxa aann macnaha 'Mayiiko' u aqaanaa oo kaliya qof Wasmada ku falan oo wuxu arko damcaya amase qabsanaya, qofka 'Mayiikada' qaba (lab ama dhegid) kama xishoodo ceeb kamana baqo hadhow iyo reply, wuxuna qalqaalsadaa wax kasta oo uu damco in uu Waso, hadday tahay anta yaryar iyo hadday ahaato anta waaweynba iyo xitaa Animalska! Doctor, waxaan haddaba rabaa in aan fahmo in ay Mayiikadu Cudur tahay oo la daaweyn karo & in kale. Maadaama qaabka uu qofka 'Mayiikada' uu u eg yahay Waali Qarsoon fadlan Doctor ii sheeg. Mahadsanid. Thanks 2 all. Rmdn krm.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!
« Reply #1 on: September 27, 2011, 11:50:16 PM »
Mayiiko ama ku walfidda galmada waa dhibaato timaada markii qofka uu leeyahay dhaqan, dabci ama fakar u muqda mid aan kontroolneyn.

Badanaa aqoonyahannada waxay u kala qaybsamaan labo koox markii laga hadlayo cilladaan: qaar aaminsanyahay in uu yahay walfis uusan ahayn xanuu nafsaani ah oo sida khamriga iyo daroogada loogu walfo oo kale una baahanyahay in qofka laga gooyo.
kooxda kale waxay aaminsantahay in uu yahay cudur ka mid ah cudurrada maskaxda oo u baahan takhtar, la talin iyo daaweyn maadaama qofka uusanba aaminsaneyn in uu xanuunsanyahay uusanne nafsaddiisa uusan ka fakarayn.

Badanaa mayiikada waxaa la socdo in qofka uusan lahayn wax celiyo sida shakhsiyad, diin, dhaqan ama moral intaba.

Mayiikada waa xanuun lagu tiriyo xanuunnada ku dhaca maskaxda wuxuuna leeyahay heerar kala daran wuxuuna ku dhacaa ragga iyo dumarka si isugu mid ah.

Badanaa dadka noocaan ah ma qirsane in uu xanuun hayo, waxayna badanaa cudurdaar u raadiyaan falalkooda.

Dadka qaba mayiikada waa dad halis u bareera kamana fikiraa khatarta ka dhalan karta galmoodkooda aan kontoroolneyn sida cudurrada galmada la isku qaadsiiyo ama waxyaabaha ka dhalan kara falkaas taasoo saameyn ku reebta qofka xiriirkiisa iyo noloshiisa bulshadeed.

Dadkaan waxay mararka qaar ku dhaqaaqaan falal la yaab leh sida in ay isku qaawiyaan meelo bulsho joogto iyo in ay faduuliyaan caruurta.

Xaaladdaa mayiikannimada waxa la socdo oo lagu garto waxaa ka mid ah:
1- Siigeysi joogto ah
2- Gogol-dhaaf iyo u tagis dad kala duwan
3- Isitcmaalidda filimaanta iyo sawirrada jinsiga ah
4- Sharmuutannimo iyo dhilleysi
5- Is qaawin
6- Shukaansi lagu waasho.
7- Fiirsashada dadka qaawan
8- Kufsasho ama caruur xoogis

Dadkaan marka ay sameeyaan falalkooda ma dareemaan danbi ama ka xumaasho mana awoodaan in ay kontaroolaan nafsaddooda.

Daaweynta qofka noocaan ahi waxaa ka horreeya inuu aaminsanyahay in uu xanuun hayo uuna u baahanyahay in la daaweeyo inkastoo badankood ay takhaatiirta la xiriiraan markii dhib weyn soo qabsado sida in shaqada laga eryo, cudur galmo ka qaadaan, guurkooda dumo ama xabsi la dhigo.

Daaweynta waxaa ka mid ah in qofka looga sheekeeyo galmada caafimaadka leh, diinta islaamka waxa ay ka qabto dadka sineysta, in la siiyo latalin joogto ah iyo qofka alle ka cabsigiisa lagu abuuro.

In qofka uu raadsado guur xalaal ah ama soonka badiyo kaasoo diinteenna noo sheegtay in uu dareenka dajiyo.

Waxaa kaloo jira daawooyin la siiyo oo lagu hilmaansiinayo cilladaan maskaxda kaga taagan.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!
« Reply #2 on: September 28, 2011, 01:04:34 AM »
Dhakhtar waad ku mahadsan tahay jawaabtaan qiimaha badan, cid kastoo aqoon, cibaaro iyo cashar wax gal ah uu u noqdo markay akhristaan, Ilaahay ajar ha kaa siiyo inta ku hanuunta mowduucaan. Inta kale ee aan mayiikada & dhibkeeda aqoonna Allaha siiyo garasho ku filan oo ay kaga gaashaantaan mayiikada. Qof walboo muslim ahna ha ka fogaado daawashada filimaanta sex-ka (xxx) ah, anigu waxaan is idhaahdaa filimaantaan waxaaba loogu tala galay in dadka Islaamka ah lagu mayiikeeyo. Waa kuwaas Blue tooth-yada lays kaga xawilayo oo badanaa ay dhalintu mobeelada ku shubtaan.
Mayiikadu waxay u muuqataa "Kulli fitna cinda Filim!"
Qof walbow Aakhiradaada ilaalsho.
~Somalidoctors aad baad u mahadsan tihiin idinka & Aqyaarta web-ka-ba.
Salaama Allaah...
Talo SAARO Allaah

Offline Muna O.Hamari

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!
« Reply #3 on: January 24, 2017, 12:09:23 PM »
Cudurkani Qofka Qaba Da,dee Lagu Garankaraa? Caruurnimo Miyaa Lagu Aqoosan karaa Se Hadaad ku aragto Dhakhtar nooce ah baad La xiriireysaa?

Waayo Gabar yer oo 4 jir ah oo Asxaabta ka dhaltey baa lagu xantaa ama Astamaahan aad sheegeyso leh... Waan ka naxsanahay ee Ma dhici kartaa In Caruurnimadu lagu bilaabo Ilahay ha inaga hayee Cudur sahalan ma ahan!

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay Mayiiko?!
« Reply #4 on: April 27, 2017, 04:21:51 PM »
Maya, cilladaan ma ahan wax caruurta ku dhaca, fadlan gabadha la xiriir dhakhtar caruurta ah haddii aad caafimaadkeeda ka shakisan tahay, sababtoo ah astaamah kor ku xusan maba samayn karo cunug afar sano jiro iyo wax u dhaw.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66636
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69653
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62585
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46841
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45083
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc