Diseases and Conditions > Qaybta Wacyi Galinta

Yaa Ka Mas'uul ah?

<< < (2/2)

Diagnostic:
1-aaway dhaartii ay dhaarteen dhakhatiirta an kor kusoo xusnay?
Qofkii ilaahay ka furtay, dhaar ma celineyso.
2-away amanadii Cilmiga oo lagu soo aminay dhakhatiirtaas? 
Dagaalkii ayey ku tagtay.
3-makula tahay in ay arimahaas ku qasbeen dhakhatirtaas bahi dhaqaalo kaliya?
Maya, waa sida uu waxbaro ku jawaabay (dhaqan darro ee dhaqaalo darri maahan)
4-maxaad ka dhihilahayd dhakhatiirta noocas hadii ra'yigaga lagu waydiiyo?
Iyadoo la isku wada duubanyahay halaga soo horjeesto, taasi oo ula jeedo (Qabiil ayey ku hoos dhuuntaan, ee halaga soo hoos bixiyo = halaga bari noqdo)!!
5-sidee kula tahay in looga hortago arimaha noocan oo kale si aysan ugu faafin jiilka cusub oo hada soo baxayo?
In sidaanoo kale looga hadlo oo dadka la wacyi galiyo
6-ugu danbayntii maxaad kula talinlahayd dhakhatiirtas?
Inay waxay wadaan joojiyaan, kana cudur daartaan qaladkii ka dhacay.

Waxbaro!:

--- Quote from: Munim on November 06, 2007, 05:44:42 PM ---Thanks walaal waxbaro aad ayan kaaga mahadnaqaya tacliiqaaga aadka u qiimaha badan oo si sax u tabanaya mushkilada jirta.
walal waxbaro waxan rabay in aan ku xasuusiyo in dhakhaatirta ku dhaqmaysa dhaqamada foosha xun in ay ku jiraan kuwa dhamaysatay jamacadaha waqtigii dowlada ay jirtay  oo waxan kuu haaya daliil cad.
sanadkii 2006 mar aan fasax ku tagay Somalia gaar ahaan magalada muqdisho waxan isbitaal geeyay islan ayeeyadey ah oo waxa ay u bahatay dhaqtar (Cardiologist) waxaana gaynay isbitaal ka mid ah isbitalada  ugu waa wayn magalada muqdisho oo aan rabin hada in aan xuso magaciisa waxana u galnay dhaqtarka markii aan arkayna waan fajacay oo dhaqtarkii aan u galnay oo sheeganaya takhasuska Cardiologist waxa uu noqday dhakhtar aan aqoon buuxo u leeyahay in uusan soo takhasusin oo waliba taas waxa uu ka qirtay afkiisa mar aan hada ka hor ku kulanay Sudan oo uu boqosho ku joogay. macrifada aan u lahaay dhakhtarkaasna  aad ayay u fiicneed oo saas ayuu iigu shegay informationkas iyo anigoo ah Medical Student.markii aan kasoo baxay ayan dib u fiiriyay waxa ugu qoran xafiiskiisa korkiisa bal laga yaba in aan aniga si qaldan wax u aqriyay lakiin indhahayga waxa ay aqriyeen run ayay ahaayen oo waa (Dhakhtarka cudurada guud iyo wadnaha ) (اخصا ئي الباطنية و امراض القلب).markii uu dhameeyay baritaankii ayan meesha isku salanay oon waydiiyay bal hadii uu wax diyarin ah sameeyay ama waxbarsho ah uu ubaxay mudadii aan ismoogeen tasoo ah ku dhawaad 2sano waxa uuna ii shegay in uusan wax waxbarsho ah usan galin mudadaas balse uu ku mashquulsana shaqadiisa isbitalka kadibna waan iska amusay waana kasoo tagay.
runtii aad ayan uga xumaday oo waa dhakhtar ka tirsan jiilkii hore ee jamacada umada somaliyeed ka qalijibiyay oo wadanka in badan ka soo shaqeeyay oo wax badan shacabka usoo qabtay lakiin ku dhaqmay qiyaano iyo masuuliyad daro.
marka walaal waxbaro sidoo kale mushkilada waxa ka mid ah in dhaqtaka uu u diro qofka bukanka ah baritaano cafimaad oo aan loo bahnayn si loo kasbado lacag, ama in loo qoro dawoyin usan u bahnayn si farmashiyaha shaqadiisa lo socodsiiyo taasna waa dhibaato aad iyo aad u xun oo wax ka qabad u bahan.
Thanks all of U waana sugayna ra'yigiina si aan u gaarno xal miro dhal leh.

--- End quote ---

Walaal Munim, waa runtaa way jiraan wayna buuxaan lakin inkastoo jawaabteyda xooga aanan ku saarin waan tilmaamay.
dhakhaatiirtaan aan ka soo sheekeynay oo laug daray farmashiistayaasha iyo kuwa baaritaanka sameynaya oo uusan u baahneen bukaanka waa kooxo burcad oo shaati cadka wax ku dhaca, meesha kuwa kale ay qoryo qaateen.

waana dad isku xiran sida mafiyada oo kale, kuwaasoo ku heshiiyay sida bukaanka jeebkiisa loo faaruqin lahaa, waxaa ka soo bilawdaa kuwa daawada dhacday ama la dhimay ka keena shirkado aan la aqoon kadibna ku qora in lagu soo sameeyay wadamo kale, iyo kan gadaya, kan computerka meesha dhigtay oo dadka saaray, xitaa aanan garaneyn sida loo akhryo, kuwaasi oo dhan waxa ay isla shaqeestaan dhakhaatiirta aan ka soo sheekeynay.
Waxbaro!

Pharmacist:
I agree with you guys.
It's time to face fake doctors and fake pharmacists.
This Mafia's network should be revealed to the puplic.
Real Pharmacist

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version