Author Topic: Yaa Ka Mas'uul ah?  (Read 15563 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Yaa Ka Mas'uul ah?
« on: November 04, 2007, 05:01:32 PM »
Sida aynu ka warqabno markii ay dawladii dhaxe ee Somalia ay burburtay waxa la burburay dhamaan hay'adihii raacsanaa dowlada kuwasoo qaybwayn ka ciyarayay nidaminta bulashada iyo wax u qabadkeeda.
waxa hay'adahas ka mid ahaa Wasaradii cafimaadka iyo dhaman hay'adkii hoos imanjiray oo ka masuul ahaa dhowrida iyo daryeelka cafimaadka jamhuuriyada Somaliya.
sida aad ka warqabtaan wadankasta waxa ka jirta hay'ad lagu magacaabo (The Medical Association) ama (نقابة الاطباء) hay'adaasoo ah meesha ay kawada diwaangashanyihiin dhamaan dhakhatiirta dalkaas awoodna u siinayso dhakhtarka in uu shaqadiisa wato isla markana kontoroloyso waxqabadka dhakhatiirta awoodna u leh la xisaabtankooda marka ay khalad ku dhacan.
hadaba dalkeena SOMALIA waxad ka warqabtaan in uusan lahayn hay'adaas walow ay jiraan midaw ay samayteen dhakhatiirtii isku degaan ahba ama isku dhaw midawgaasna awood uma laha in uu laxisaabtamo dhakhatiirta sida saxda ah arimo la xariiro xaga amanka Somalia.
maqnashaha hay'adaas ( The Medical Association) waxa ay sababtay khaldaad fara badan oo ka dhacay gudaha dalka Somalia taas ay sabab u ahayeen dhakhatiir.HOW?
waxan ka warqabnaa in marki ay dawlada burburtay uu dhakhtarkasta uu iskiisa u furtay Rug cafimaad ama Ciyaado gaar u ah oo ku daaweeyo bukanka lakiin dhibatada waxa ay ka timid markii uu dhakhtarka ku qortay rugtiisa cafimaad Takhasus uusan cilimi ama aqoon uusan u lahayn bal uu fiiriyay baahida dadka ku hareeraysan degankiisa kadibna uu qortay takhasuskas uuna sababay khaldaad aad u fool xun oo bani'adnimada ka baxsan isagoo oo danta kaliya uu leeyahay ay tahay sidee lacag ku helikartaa.
sida aan ku baranay  kuliyada cafimaadka ama lagu dhigo jamacadaha aduunka badankooda wax la dhaho AMAANADA CILMIGA o ah in aanan laga been sheegin cilmiga oo anan la sheegan wax aadan cilmi u lahayn sabab kasto ay noqoto.
waxa kaloo jira dhaar uu dhaaranayo dhakhtarka marka uu Medical Student yahay iyo marka la siinayo fasaxa ama tasriixa Shaqada. taas uu ku dharanaayo in uu ka been sheegidoonin cilmigiisa uuna bukankiisa si bani'adanimo ku jirto ula dhaqmidoono. hadaba waxaan rabaa markaad si fiican u aqriso qoralkan in aad ra'yigaaga ka dhiibato su'alahan soosocda
 1-aaway dhaartii ay dhaarteen dhakhatiirta an kor kusoo xusnay?
 2-away amanadii Cilmiga oo lagu soo aminay dhakhatiirtaas? 
 3-makula tahay in ay arimahaas ku qasbeen dhakhatirtaas bahi dhaqaalo kaliya?
 4-maxaad ka dhihilahayd dhakhatiirta noocas hadii ra'yigaga lagu waydiiyo?
 5-sidee kula tahay in looga hortago arimaha noocan oo kale si aysan ugu faafin jiilka cusub oo hada soo baxayo?
6-ugu danbayntii maxaad kula talinlahayd dhakhatiirtas?

Rayigiinana waa muhiin si ay u noqoto dood cilmiyaysan oo lagu badbaadiyo Shacabkeena
Thanks all of U
Munim


Education Opens the Doors


Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #1 on: November 05, 2007, 01:34:53 AM »
Salamo Caleykom All..

Runtii waa arin shacabka Somaliyeed dhibkiisa ee taabtay mudada burburka oo dhan dad badana ee dadkooda ku waayeen khalad dhakhtareed ama xubnahooda eeku waayeen khalad dhakhtar isku sheege..

qof kasta oo damiir lehna maahan wuxuu naftiisa u ogolaanaayo arintaan , mideeda kale caafimaadka maaha meel maksab ama maal laga doono wax walba ka hor caafimaad waa mihnad insaani ah saas darteed dadkaas isku sheegaayo dhakhaatiirta ama waxee aniga ila tahay

1- Dhaarta ee mareen micnaheeda saxa aha meesan fahmin ama maahan wax ku weeen oo xurmad ka mudan
2-Amaanada cilmiga waxaa ka indha indho tirtay dahanooda gaarka ah
3-99% waxaan dhihi karaa haa iyagoo oo wadan xaalkiisa xunyahay  dakhli kale oo meel kasoo galana eesan heesan
4-Ra'yigeega aniga maku magacaabi laheen dhakhtaro may be Ganacsadayaal or magac kale
5-kahortagida ma adka mana sahlana shacabka oo dhan in la wacyi galiyo iyo dhakhtar walba oo lagu xisaabo gacatiisa waxee geesato hadii eesan jirin hey'ado rasmi ah oo xisaabaayana dad weenahay ha xisaabaan iyagaa ugu filan xisaab
7-waxaa kula talin lahaa waxaa naftiina la jeceshihiin dadkana la jeclaada sideedaan adinkaba uga raali noqon laheen in ilmahiina ee qalaan ama daaweeyaan dad aan khibrad laheen oo dhibaato u geesan khatar galisa caafimaadkooda ama noloshooda xataa saasna uga fakara ilmaha somaliyeed dhamaan iyo kuli shacabka soomaaliyeed , qofkana inuu khaldamo ceeb maaha laakiin waxaa ceeb ah inuu khaladka kusocdo toobadana waligeed wakhti danbe ma imaado.

Ugu danbeentiina xaq uu ka danbeeyo qof daalibaayo malumo oo aan kawado hadii uu qof walba oo khalad dhakhtareed dhibaato kugaareen uusan xaqiisa kaharin mushkilada waayaraanee ama waa iska dhamaanee.

Thnks Dr Munim for ur nice topic ..

Dr:Noora



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #2 on: November 05, 2007, 01:34:04 PM »
Thanks Dr Noora tacliiqaaga wanaagsan.
runti waxan u malaynaya hadii aan indhaha ka daboolano dhibatoyinka cafimad xumo oo lagu haayo shcabkeena in aynan gudan risaladii saxda ahayd oo nagala sugayay ama aan wax u baranay.
marka aan gacmaha iswada qabsano oo aan la dagalano dhaqamada foosha xun ama mas'uuliyad darada ay ku dhaqmayan kuwa sheganaya Dhakhaatiir.
waana sugayna ra'yigiina ku adan arintaan si aan u gaarno xal guud.
Thanks All of U
Munim
Education Opens the Doors

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #3 on: November 06, 2007, 03:59:14 PM »
Walaal Munim, mawduuc aad muhiim ah oo aan jeclaan lahaa inaan ka hadlo ayaa taabatay.

Inta aan ka jawaabin su'aalahaaga horta waxaan isku dayayaa inaa xoogaa iftiimiyo mushkiladan sida ay u jirto iyo asbaabaha keentay?
Markii ay dhacday dawladii siyaad barre, oo uu wadankii dagaal sokeeyey galay, oo amni darro dhacday, dadkii awooday inay cararaan way carareen, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhakhaatiirtii.

Waxaa meesha ku soo haray, dhkhaatiir rasmi ah oo awalba shaqeysanayay oo aan wadankii ka tagin, kuwaasina aad ayaan ugu hambalyeynayaa geesinimadooda iyo daacadnimadooda ay dadkooda wax ugu qabteen, qeybta labaad waa qeybta mushkilada bilawday, uguna darneed, waa qeybtii uu waxbarashada ka kala go'day, oo iyagoo sanadka 3aad ama 4aad maraya dagaalka dhacay, kuwaasi qaar ka mid ahi xarumo dadka lagu daaweeyo ayey furtaan oo dhakhaatiir buuxda bay qorteen, qaarne inay speciality haystaan ayeyba sheegteen, kuwaasi waxa ay dhiira galiyeen, kuwo kale aananba kuliyad caafimaad soo marin, oo iyagane dhakhtarnimo sheegtay, kuwaasi waxa ay u badanyihiin farmashiyiistayaal.

Mushkilada ay dhalisay arintaan mid la koobi kara maahan, dad badan way ku la'deen, dadne way ku naafoobeen, dadne daawooyinkii wadanka yaalay ayay resistant ku noqdeen si daawo kasto loogu qorayay, waana arin caan ah oo jirta, bukaanka marka uu dhakhtarka u soo galo waxaa la siiyaa "bac madaw" wax loo yaqaano, oo 10 daawo oo kala nooc ayaa ku jirto, baynamaa hal kaliya uu u baahanyahay.

Bacmadowga waxaa kaloo ku jirta sheeko kale oo ganacsi la xariirta iyadane oo ah: in bukaanka daawo badan loo qoro kadibne la dhaho soo laabo usbuuc ama laba usbuuc kadib, markuu soo laabto waxaa la leeyahay iska jooji daawada waa fiicnaatay, bukaankii maskiinka ahaa waxa uu leeyahay: ditoore lakin bac dhan ayaan soo gado i dhahday oo guriga ayey taalaa?!, dhakhtarkii waxa uu ku jawaabayaa: iskadaa ha kuu taalo waad u baahnaan doontaa, taasi oo keenta in caruur badan ay ku sumoobaan daawooyinkaas.

Taasine waxa aad ka dareemi kartaa, shacabka somaliyeed aqoonta uu u leeyahay daawooyinka, iyo magacyadooda, taaso keentay inuu sidoo cunto kale uu uga soo gato farmashiyaha.

Inta sheeko ah oo laga hayo mushkiladaan oo hadii laguu sheego wadnaha ku qaracmayo lama soo koobi karo, qaar kamid ahne aan indhaheyga ku arkay.

Hadii aan u gudbo jawaabta su'aalihii aad na waydiisay:

1-aaway dhaartii ay dhaarteen dhakhatiirta an kor kusoo xusnay?
Kuwa aan kor ku soo sheegay, wax dhaartay kuma jiraan, inkastoo ay jiraan kuwo dhaartay oo danahooda ka raacay, kana tagay akhlaaqdii laga rabay inuu ku dhaqmo qofka dhakhtarka ah.
Tani ulamada jeedo, in dhakhaatiirta wadanka wada joogto kuligood ay noocaan kale yihiin, maya kuwa ku sacdo dariiqii saxda ah way buuxaan, kuwaasoo u badan kuwo ka yimid dibadaha, taasoo ku kaliftay kuwa aanan dhameystiran waxbarashadooda, mudadaan dheerne ku shaqeysanayay dhakhatar ahaan inay dibada u raadsadaan dhameestir, kuwaasoo ay gacan qabatay hay'ada WHO.

2-away amanadii Cilmiga oo lagu soo aminay dhakhatiirtaas?
Walaal Munim, su'aashaan waxa ay ku fiicantahay in iyaga la waydiiyo.

3-makula tahay in ay arimahaas ku qasbeen dhakhatirtaas bahi dhaqaalo kaliya?
Dhaqaalaha waa qeyb ka mid ah, laakiin waxaa jira oo kale aqoon dari, iyo dhaqan xumo.
maxaa yeelay meeqo ayaa ganacsata oo ku fakirin arintaan, teeda kale meeshani alaab lama gadayo, insaan adigoo kale ah ayaa naftiisa ilaahay kuu dhiibay, inaa ku ciyaarto oo aad sidaa rabto ka yeesho, dhaqaalaha kugu kalifayo maxey thaay?!!!

4-maxaad ka dhihilahayd dhakhatiirta noocas hadii ra'yigaga lagu waydiiyo?
Kuwani waa kuwo burcad ah, una tashay shacabka somaliyeed, intaas waxba kuma darayo.

5-sidee kula tahay in looga hortago arimaha noocan oo kale si aysan ugu faafin jiilka cusub oo hada soo baxayo?
Maadaama aysan jirin hay'ada aad sheegtay oo wadanka ka howlgasho, xoogna ayan laheen ay wax ku amarto, ama wax ay ku fuliso, waxa ugu muhiimsan ra'yigeyga oo looga hortagi karo waa in shacabka la wacyi galiyaa si ay uga fogaadaan ayne u fiigsanaadaan.
Hadan ilaahaa mahadleh, dadka noocaan u ganacsado gobolada ayay ku bataan oo magaaloyinka waaweyn way ku sii yaraanayaan.
Laakiin haduusan shacabka waxba la socon, taasi waxay ay geesinimo ku sii abuuraysaa dhakhaatiirtaan beenta ah inay sii wadaan shaqadooda.

6-ugu danbayntii maxaad kula talinlahayd dhakhatiirtas?
Waxaa kula talin lahaa kowda hore, ilaah ka cabsada ilaah waxa uu yiri qofkii hal naf dilo waxa ay la mid tahay isagoo dadka aduunka ku nool oo dhan dilay, tan kale hadii ay dhaqaalo ku qasabtay, waxaa jira ilal badan oo dhaqaalaha kaa soo gali karo ee u wareeg.
Kuwa danbiyadaan lugta kula jira ilaahey ha u towbad keenaan.

NB: waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo, mushkilada caafimaadka ee naheysata kuba koobno dadka aan ka soo hadalnay, ee dad badan ayaa lug kuleh waxaana ka mid ah, farmashiyayaasha, sheybaariistayaasha, kuwaasoo markale aan ka hadli doono.

Waxbaro!

Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Munim

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 607
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • رضا ك يا امي
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #4 on: November 06, 2007, 05:44:42 PM »
Thanks walaal waxbaro aad ayan kaaga mahadnaqaya tacliiqaaga aadka u qiimaha badan oo si sax u tabanaya mushkilada jirta.
walal waxbaro waxan rabay in aan ku xasuusiyo in dhakhaatirta ku dhaqmaysa dhaqamada foosha xun in ay ku jiraan kuwa dhamaysatay jamacadaha waqtigii dowlada ay jirtay  oo waxan kuu haaya daliil cad.
sanadkii 2006 mar aan fasax ku tagay Somalia gaar ahaan magalada muqdisho waxan isbitaal geeyay islan ayeeyadey ah oo waxa ay u bahatay dhaqtar (Cardiologist) waxaana gaynay isbitaal ka mid ah isbitalada  ugu waa wayn magalada muqdisho oo aan rabin hada in aan xuso magaciisa waxana u galnay dhaqtarka markii aan arkayna waan fajacay oo dhaqtarkii aan u galnay oo sheeganaya takhasuska Cardiologist waxa uu noqday dhakhtar aan aqoon buuxo u leeyahay in uusan soo takhasusin oo waliba taas waxa uu ka qirtay afkiisa mar aan hada ka hor ku kulanay Sudan oo uu boqosho ku joogay. macrifada aan u lahaay dhakhtarkaasna  aad ayay u fiicneed oo saas ayuu iigu shegay informationkas iyo anigoo ah Medical Student.markii aan kasoo baxay ayan dib u fiiriyay waxa ugu qoran xafiiskiisa korkiisa bal laga yaba in aan aniga si qaldan wax u aqriyay lakiin indhahayga waxa ay aqriyeen run ayay ahaayen oo waa (Dhakhtarka cudurada guud iyo wadnaha ) (اخصا ئي الباطنية و امراض القلب).markii uu dhameeyay baritaankii ayan meesha isku salanay oon waydiiyay bal hadii uu wax diyarin ah sameeyay ama waxbarsho ah uu ubaxay mudadii aan ismoogeen tasoo ah ku dhawaad 2sano waxa uuna ii shegay in uusan wax waxbarsho ah usan galin mudadaas balse uu ku mashquulsana shaqadiisa isbitalka kadibna waan iska amusay waana kasoo tagay.
runtii aad ayan uga xumaday oo waa dhakhtar ka tirsan jiilkii hore ee jamacada umada somaliyeed ka qalijibiyay oo wadanka in badan ka soo shaqeeyay oo wax badan shacabka usoo qabtay lakiin ku dhaqmay qiyaano iyo masuuliyad daro.
marka walaal waxbaro sidoo kale mushkilada waxa ka mid ah in dhaqtaka uu u diro qofka bukanka ah baritaano cafimaad oo aan loo bahnayn si loo kasbado lacag, ama in loo qoro dawoyin usan u bahnayn si farmashiyaha shaqadiisa lo socodsiiyo taasna waa dhibaato aad iyo aad u xun oo wax ka qabad u bahan.
Thanks all of U waana sugayna ra'yigiina si aan u gaarno xal miro dhal leh.
Education Opens the Doors

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #5 on: November 06, 2007, 06:01:10 PM »
1-aaway dhaartii ay dhaarteen dhakhatiirta an kor kusoo xusnay?
Qofkii ilaahay ka furtay, dhaar ma celineyso.
2-away amanadii Cilmiga oo lagu soo aminay dhakhatiirtaas? 
Dagaalkii ayey ku tagtay.
3-makula tahay in ay arimahaas ku qasbeen dhakhatirtaas bahi dhaqaalo kaliya?
Maya, waa sida uu waxbaro ku jawaabay (dhaqan darro ee dhaqaalo darri maahan)
4-maxaad ka dhihilahayd dhakhatiirta noocas hadii ra'yigaga lagu waydiiyo?
Iyadoo la isku wada duubanyahay halaga soo horjeesto, taasi oo ula jeedo (Qabiil ayey ku hoos dhuuntaan, ee halaga soo hoos bixiyo = halaga bari noqdo)!!
5-sidee kula tahay in looga hortago arimaha noocan oo kale si aysan ugu faafin jiilka cusub oo hada soo baxayo?
In sidaanoo kale looga hadlo oo dadka la wacyi galiyo
6-ugu danbayntii maxaad kula talinlahayd dhakhatiirtas?
Inay waxay wadaan joojiyaan, kana cudur daartaan qaladkii ka dhacay.
In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #6 on: November 07, 2007, 12:16:28 AM »
Thanks walaal waxbaro aad ayan kaaga mahadnaqaya tacliiqaaga aadka u qiimaha badan oo si sax u tabanaya mushkilada jirta.
walal waxbaro waxan rabay in aan ku xasuusiyo in dhakhaatirta ku dhaqmaysa dhaqamada foosha xun in ay ku jiraan kuwa dhamaysatay jamacadaha waqtigii dowlada ay jirtay  oo waxan kuu haaya daliil cad.
sanadkii 2006 mar aan fasax ku tagay Somalia gaar ahaan magalada muqdisho waxan isbitaal geeyay islan ayeeyadey ah oo waxa ay u bahatay dhaqtar (Cardiologist) waxaana gaynay isbitaal ka mid ah isbitalada  ugu waa wayn magalada muqdisho oo aan rabin hada in aan xuso magaciisa waxana u galnay dhaqtarka markii aan arkayna waan fajacay oo dhaqtarkii aan u galnay oo sheeganaya takhasuska Cardiologist waxa uu noqday dhakhtar aan aqoon buuxo u leeyahay in uusan soo takhasusin oo waliba taas waxa uu ka qirtay afkiisa mar aan hada ka hor ku kulanay Sudan oo uu boqosho ku joogay. macrifada aan u lahaay dhakhtarkaasna  aad ayay u fiicneed oo saas ayuu iigu shegay informationkas iyo anigoo ah Medical Student.markii aan kasoo baxay ayan dib u fiiriyay waxa ugu qoran xafiiskiisa korkiisa bal laga yaba in aan aniga si qaldan wax u aqriyay lakiin indhahayga waxa ay aqriyeen run ayay ahaayen oo waa (Dhakhtarka cudurada guud iyo wadnaha ) (اخصا ئي الباطنية و امراض القلب).markii uu dhameeyay baritaankii ayan meesha isku salanay oon waydiiyay bal hadii uu wax diyarin ah sameeyay ama waxbarsho ah uu ubaxay mudadii aan ismoogeen tasoo ah ku dhawaad 2sano waxa uuna ii shegay in uusan wax waxbarsho ah usan galin mudadaas balse uu ku mashquulsana shaqadiisa isbitalka kadibna waan iska amusay waana kasoo tagay.
runtii aad ayan uga xumaday oo waa dhakhtar ka tirsan jiilkii hore ee jamacada umada somaliyeed ka qalijibiyay oo wadanka in badan ka soo shaqeeyay oo wax badan shacabka usoo qabtay lakiin ku dhaqmay qiyaano iyo masuuliyad daro.
marka walaal waxbaro sidoo kale mushkilada waxa ka mid ah in dhaqtaka uu u diro qofka bukanka ah baritaano cafimaad oo aan loo bahnayn si loo kasbado lacag, ama in loo qoro dawoyin usan u bahnayn si farmashiyaha shaqadiisa lo socodsiiyo taasna waa dhibaato aad iyo aad u xun oo wax ka qabad u bahan.
Thanks all of U waana sugayna ra'yigiina si aan u gaarno xal miro dhal leh.

Walaal Munim, waa runtaa way jiraan wayna buuxaan lakin inkastoo jawaabteyda xooga aanan ku saarin waan tilmaamay.
dhakhaatiirtaan aan ka soo sheekeynay oo laug daray farmashiistayaasha iyo kuwa baaritaanka sameynaya oo uusan u baahneen bukaanka waa kooxo burcad oo shaati cadka wax ku dhaca, meesha kuwa kale ay qoryo qaateen.

waana dad isku xiran sida mafiyada oo kale, kuwaasoo ku heshiiyay sida bukaanka jeebkiisa loo faaruqin lahaa, waxaa ka soo bilawdaa kuwa daawada dhacday ama la dhimay ka keena shirkado aan la aqoon kadibna ku qora in lagu soo sameeyay wadamo kale, iyo kan gadaya, kan computerka meesha dhigtay oo dadka saaray, xitaa aanan garaneyn sida loo akhryo, kuwaasi oo dhan waxa ay isla shaqeestaan dhakhaatiirta aan ka soo sheekeynay.

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Yaa Ka Mas'uul ah?
« Reply #7 on: November 12, 2007, 04:19:18 PM »
I agree with you guys.
It's time to face fake doctors and fake pharmacists.
This Mafia's network should be revealed to the puplic.

Real Pharmacist
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.