Author Topic: Sidee baan u isticmaalaa webka?!  (Read 118847 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« on: February 06, 2007, 04:58:16 PM »
Asalamu Alaikum

Walaal qeybta ugu muhiimsan webka aadne u baahantahay in laguu sharxo waa qeybta forumka.
Forumku waa meesha dadka xubnaha kamid ahi webkaan ay ku qoraan maqaaladooda kala duwan ee caafimaadka khuseeya, ayna fikradaha isku weydaarsadaan, ku wada doodaan, ku kala faaideystaan wixii la qorayne ra'yigooda ka dhiibtaan.

Walaal si aad u siticmaasho forumka waa inaad is register garaysaa marka ugu horeysa oo suubsataa magac iyo password oo aad ku soo gasho mar walba aad soo booqato webka.

Markii aad is register gareyso waxaa laguu soo diri doonaa email adigoo kuu sheegi doona sidii aad ku activate garayn laheed magacaaga si loo hubiyo in emailka aad isku register garaysay in uu saxsan yahay iyo in kale.

Hadii aad emailka ka arki weyso 'Inbox"-kaaga waxaad ka fiirisaa folderka "Spam" ama "Junk" mail.

Markii aad is activate garayso emailkaaga waxaa laguu soo diri doonaa email kale oo kuu sheegi doono in aad magacaaga aad adeegsan karto wixii ka bilawdo markaas.

Tani waxa ay kugu kaalmayneysaa in laguu ogalaado waxyaabo badan oo aan loo ogoleyn dadka martida ah.

walaal magaca aad dooraneysid ha noqdo magac naaneeys kuu ah ama magacaaga oo gaaban tusaale ahaan inta aad qori laheeed magacaaga oo sadaxan (bashiir cali muuse) waxaa kugu filan (bashiir) kaliya.

Forumka waxaa ka soo gali kartaa meesha ay ku qorantahay "SD Forums" oo bogga hore ah dhinaca bidixda. ama linkigaan (http://www.somalidoc.com/smf/index.php).

Marka aad soo gasho waxa aad arkaysaa box yar oo leh laba meel oo banaan oo loogu tala galay inaad galiso magacaaga iyo passwordkaaga waxaa ku xiga meel kale aad ka dooraneysid inta muddo ah aad ku jirayso forumka (saacad, maalin, usbuuc, bil ama weligaaba), hadii aad ka soo gashay computer aadan laheen ama dad ka wada dhaxeeya ha dooranin "forever" oo ah macnaheeda weligey waan ku jirayaa, tani waxay keeni kartaa in qof walba oo fura webka uu siduu rabo ka yeeli karo accountigaaga.

Marka aad magacaaga ku soo gasho, booskii box-ka waxaa ka soo muuqanaya magacaaga
Kadib waxaa ka sii hooseeya meel buttonno oo la xariira qeybo kale oo forumka ku shaqo leh:

WEBSITE: Buttonkaan waxa uu kugu celinayaa bogga ugu horeeya ee aad webka ka soo gashay oo ah www.somalidoc.com
HOME: Bottonkaan waxa uu ku keenayaa meesha aad hada joogto oo ah forumka bilawgiisa hadii aad forumka meel kale uga jirto
HELP: Buttonkaan hadaa riixdo waxa uu kuu sharxayaa sida ugu haboon aad u isticmaali kartid webka khaas ahaan is sajlida, soo galida, haduu passwordka kaa lumo, sidii aad wax ugu qori laheed, sidii qof xubin ka ah aad message ugu diri laheed iyo sidii aad forumka dhaxdiisa wax uga baaran laheed.
SEARCH: Waa buttonka baaritaanka forumka
ADMIN: Waa halka laga maamula forumka oo loo ogolyahay dad gooni ah.
PROFILE: Waa bogaaga oo qofkii magacaaga riixo oo informationka kugu saabsan uu ka heli karto sida emailkaaga, meesha aad joogto, da'daada, forumka xubinta aad ka tahay, inta mawduuc aad qortay iyo waxyaabo kalaba.
MY MESSAGES: Qeybtaan waa qeybta aad ka akhrisanayso fariimaha ay kuu soo diraan xubnaha kale ama aad adiga uga diri karto.
CHAT: Waa qeyb ay ku sheekeystaan xubnaha forumka, laakiin hadda way xirantahay dib ayaana u furi doonnaa.
CALENDAR: Meeshaani waxaa ka daawan kartaa kuna qoran kartaa wax alle wixii aad u baahantahay in lagu xasuusiyo iyo waxyaabo kale oo badan oo xubnaha qaar loo ogol yahay.
MEMBERS: Qeybtani waxaa ka helaysaa informationada ku saabsan xubnaha forumka ka tirsan sida meesha ay wax ka bartaan ama ay ka shaqeestaan oo kale.
LOGOUT: Halkani waa buttonkii aad uga bixi laheed forumka.

Hadii aan intaan uga gudbo sharaxida buttonda kore, forumka waxa uu ka koobanyahay ilaa 36 qeybood oo loo kala yaqaano "Boards".

Maadaama webkani ay xubno ka yihiin kana faaideystaan qof walba oo lug ku leh caafimaadka sida dhakhaatiirta, ardayda caafimaadka barata, kalkaaliyaasha, farmashiilayaasha, shaybaariistayaasha, dhakhaatiirta ilkaha iyo kuwa kale oo badan, forumka waxuu u kala qeybsan yahay qeybahaas caafimaadeed ee kala duwan.

Waxaa ka sii hooseeya intaas meel ay ku qorantahay "Recent posts"  waa meesha aad kala socon kartid mawduucyadii ee ugu dambeeyay ee lagu qoray forumka si ay kugu sahlanaato akhriskooda.

Waxaa ka sii hooseeya "Forum stats" oo ku shaqo lah macluumaatka iyo tirakoobka forumka waxaana ka helaysaa oo kale inta mawduuc ee lagu qoray, inta qof ee ka sajilan, qofkii ugu dambeeyay, mawduucii ugu dambeeyay.

waxaa ku xiga meel ay ku qorantahay "View the most recent posts on the forum" hadii aad riixdo meeshaas waxaa ka akhrisan kartaa wixii ugu dambeeyay forumka ee lagu qoray oo hal bog la isugu keenay.

Akhristaheena sharafta lahaw waxaa is waydiin kartaa, sidee ku ogaanaa intii mqaal ee la qoray inta aan ka maqnaa forumka, waxaa ka heli kartaa meesha kore, khaas ahaan markaa furto daaqadii aan horay kuugu soo sharxay waxaa arkaysaa meel ay ku qorantahay: "Show unread posts since last visit".

Waxaa kaloo arkaysaa "Show new replies to your posts" oo ah macnaheeda i tusi mawaadiicdii aan qoray hadii qof uu wax ku daray, ama ra'yi ka dhiibtay.

Intaan aan hada aan soo sharxay waxa ay fikrad guud kaa siinaysaa forumka iyo qeybihiisa kala duwan waxaan ugudbeynaa hada qeybo kale oo muhiim ah

Sidee Wax Ugu Qoraa forumka???!!!
Tani wa mid sahlan hadii aad leedahay magac iyo password aad ku soo gashid forumka, marka ugu horeysa mawduuca aad rabto inaad qorto qeybta ugu haboon ee lagu qori karo waa inaad taqaano tusaale ahaan, waxaan rabaa inaan su'aal caafimaad aan takhaatiirta weydiiyo waxaad tagaysaa "Qeybta Su'aalaha".

Ok Waan helay qeybtii aan ku qori lahaa ee see u qoraa?
Qeybta ayaa riixaysaa waxaa kuu furmaya bog cusub oo ay ku jiraan qoraaladii hore ee lagu qoray qeybtaas aad hadda furtay.

Qoraalada ku qoran waxaa ka koreeya "Khad", "shariid" ama "bar" midkaa u taqaanaba oo buluug ah oo ku qorantahay "Subject" oo ah cinwaanka maqaalka, "Started by" oo ah qofka qoray maqaalka, "Replies" inta qof ee ra'yi ka dhiibatay ama wax ku dartay, "Views" inta jeer ee la akhristay, "Last post" qofka ugu dambeeya ee maqaalkaas wax ka dhahay iyo goortii uu ku qoray.

markaa meeshaas joogtid waxaa shariidka kor saaran shariid kale oo gaaban oo dhinaca midig kaliya ku eg oo ay ku qorantahay: "MARK UNREAD", "NOTIFY", "NEW TOPIC" IYO "POST NEW POLL". (Ogow hadii aadan magacaaga ku soo galin forumka arki maysid meeshaan aan sharxayo)

Waxaa riixaysaa "New Topic" si aad mawduuc cusub u qortid, kadib waxaa kuu furmaya bog cusub oo meel wax lagu qoro leh, cinwaanka qor, kadib mawduuca qor, markaa dhamaysid waxaad riixi kartaa "Preview" si aad u daawato waxa aad qortay sida ay ku soo bixi doonaan ama "Post dheh" si aad u dirto ama "spelling check" si luqad ahaan u saxato englishka aad qortay.

Markaa intaa samayso waxaa soo baxaya boggii qeybta ay ku qornaayeen qoraalladii, taasoo qoraalkaagii uu ugu koreeyo ee hadda aad qortay.

Sidee Mawduuc qoran aan wax ugu daraa?
Marka aad furtid mawduuca aad rabto waxaa ku arkaysaa hoostiisa buttono oo kamid yihiin "Reply", "NOTIFY", "ADD POLL" "SEND THIS TOPIC", "PRINT" (Ogow hadii aadan magacaaga ku soo galin forumka arki maysid meeshaan aan sharxayo).
Waxaa click sinaysaa buttonka "Reply" si aad wax ugu darto, ama ra'yi uga dhiibato mawduuca.

Haddii aad rabto waxaad riixi kartaa "Notify" si wixii ku soo kordha mawduucaas oo cusub khaas ahaan waxaa loo isticmaalaa mawduuc aad qortay oo jeceshay in wixii ra'yi laga dhiibtay inaad ogaatid ayaa click siinaysaa isla markii email ayaa laguu soo dirayaa oo ku leh: hebel waxa uu mawduuc hebel ku daray wax siyaado ah ama ra'yi ayuu ka dhiibtay.
Hadii mawduuc aad la dhacday oo aad rabtid inaad saaxiibka u dirtid buttonka "Send this topic" ayaa isticmaali kartaa .
Hadii aad rabto inaad daabacato waxaa riixeysaa "Print".(martida waxa loo ogolyahay kaliya inay daabacdaan)

Sidee qof xubin ka ah webka ula xariiri karaa?
waxaa kula xariiri kartaa 3 dariiqadood:
1- inaad hesho isagoo forumka ku jiro oo aad kala sheekaysato daaqada wada sheykeysiga (CHAT)
2- inaad magaciisa click aad siisid kadib profile-kiisa aad ka hesho emailkiisa haduusan qarsanayn.
3- inaad message u dirto oo markaa magaciisa click siisid waxaa kuu soo baxayo bog looga hadlayo xubinkaas kadib dhinaca bidix waxaa ka arkaysaa meel ay ku qorantahay "Send personal message", ama waxaa tagaysaa buttonka Kore ee "My messages" kadib waxaa dooranaysaa "New message" kadib qofka loo dirayo ayaa dooranaysaa.

Xubin ayaan ka ahay lakin waxaa hilmaaya passwordkeyga, magaceyga ama labadoodaba?
way sahlantahay si aad u hesho, meesha aad rabto inaad ka gasho forumka waxaa ka halaysaa sadar ay ku qorantahay "Forgot your password?" isagaa click siinaysaa kadib emailkaagii aad isku register garaysay ayaa galinaysaa, isla markiiba password ayaa laguu soo dirayaa, marmar waxaa dhici karta inuu galo "Junk mail" ee halkaane ka fiiri hadii "Inbox" - kaaga aad ka wayso.

Sidee uga baxaa forumka?
Waxaad click siinaysaa buttonka "LOGOUT" ee kore.

Intani waa inta ugu muhiimsan ee kugu saacidi karta inaad forumka kaligaa baarato oo wixii kale aanan kuu sharxin raadsato, lakin wixii kaa horyimaada ama kugu cusboonaada isla halkaan ayaa ku waydiin kartaa adigoo buttonka "Reply" oo hoos ku yaala riixda, laakiin waxaad ogaataa buttonnada aan kuu wada sharxay hadii aadan forumka magacaaga ku soo galin arki maysid inta aan ka ahayn buttonka "print".

Haddii aad u baahantahay warbixin tafatiran ee kaa saacideysa forumka wax walba aad uga baahato waxaad ka akhrisan kartaa boggaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?action=help
Haddii ay jiraan wax aad weli fahmi la'dahay ee ku aadan forumka ama webka gudu ahaan emailkaan ayaad nagala soo xiriir kartaa help@somalidoc.com

Mahadsanid


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Pharmacist

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 231
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Real Pharmacist
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #1 on: December 19, 2007, 03:46:04 AM »
Thanks Dr.Mahdi

Really waa mawduuc muhiim oo in muddo ah la sugayay, qofkii afsoomaliga ku adag ama u baahan faahfaahin dheeri ah halkaan haka akhristo http://somalidoc.com/smf/index.php?action=help

Mahadsanidiin

Real Pharmacist
Pharmacist is highly-trained and skilled healthcare professional who perform various roles to ensure optimal health outcomes for his patients.

Offline Mohamed414

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Mohamed Abdi Osman
    • www.somalidoc.com
Warbixin dheerad ah iga Siiya Syndrome Case Management approach
« Reply #2 on: September 24, 2008, 12:59:24 PM »
Dhamaan tiin waan idiin Salamaayaa bacda salaan waxaan aad iyo aad u jeclaa inaad si wacan oo waliba la fahmi karo igu sheegtaan qaabkan cudurrada STI Loo wajaho amase loo daweeyo iyadoo la isticmaalayo Syndrome Case Management Approach.
Waad mahadsantihiin Dhamaantiin
Mohamed.
"If The Doctor Cures, The Sun Sees It; If He Kills, The Earth Hides It."

Offline dr-awale

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 129
  • Points: +7/-0
  • Gender: Male
  • i love my doughter
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #3 on: December 13, 2008, 11:42:14 PM »
than ku u
LEAVE
WOUNDS
OPEN !

Offline Faarax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #4 on: July 09, 2009, 12:52:51 PM »
Asc


walala aad baad uamah santihiin maamulka

wackumaslaam

Offline Matt77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • images of asia
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #5 on: March 18, 2011, 09:55:24 AM »
Well, this is my first visit to your blog! We are a group of volunteers and starting a new initiative in a community in the same niche. Your blog provided us valuable information to work on. You have done a marvellous job!

Offline Badal_sml

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #6 on: September 15, 2011, 07:13:43 AM »
A/S/C  bacada sala waxan halkaan mahad naq balaaran u gu soojeedinay dhamaan DR   ku dadalaya inay kor u qaadaan heerka aqoonta cafimadak bulsha dooda ,
wayo waxan og nahay cafimaad ku inuuyahay  laf dhabarka aadamah , tasina waxay  caday naysaa hadii cafimada jiran   waxa nolo ah haba yaratee inasan jirn .
 tani na waa guul u soohoyaatay  jiilka soosocda iyo kan hada sii jeeda, markaaa waxan idin leeyahay bartaa kaga haya ,(keep going)

Offline Caliqadar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Sidee baan u isticmaalaa webka?!
« Reply #7 on: July 04, 2020, 02:33:47 PM »
Dhabar xanuun

waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad bulshadiina ugu caawineysaan


Aniga waxaan ka cabanayaa dhabar xanuur dhabarka ilaa barida hoosteeda , fadhigeyga wuu badan yahay oo shaqadeydaa ah Fadhi


dhaqaatiirta sharafta leh waxaan ka codsanayaa in daawoon aan isticmaalo ii sheegaan talo wanaagsana i siiyaan


Mahadsanidiin



 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33518
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21081
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53535
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26194
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22563
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc