Author Topic: Su'aal: Dhiig soo laba noqday?  (Read 4376 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Dhiig soo laba noqday?
« on: August 28, 2011, 04:55:15 AM »
a/s dhamaan bahda webkaan waxaan kaloo salamayaa dhaman dhaqatarada u howlan inay caawiyaan walalayaashood dhiban ilaah xasanad ha a siiyo bacda salaan aniga waxaan qabaa suaall inaan weydiiyo dhaqataraka waxaa dhacday inaan helay dhiiga cadada bishii augusta 15 keeda afara casho buu socday 7 asho markay ii hayd wan qubaysatay wan soomay wax iga goay ma leh ila hada an kula hadlaayo wax yar baa socday mar walba marna waa tagayaa marna waa soo noqonaya  colorkiisana waa dar brown ama madoow manta buu hadana xoog u yimadayisagoo dhiig ah  markaa walalow maxa qalqaliyey ma ii sheegi karta uurse ma noqon karaa waxaan rabaa inana ku sheego hada ka hor waligiis sidaa ma noqon waa markii igu horayasya aan isu arko waxaan kaloo ku shegaya ma qal qalin karta irbadaan la yiraahdo cartisone ba laygu dhuftay 3 isbuc a hor ka dib waxan bana isu arkay ad baan u worryin gareenayaa bal ila soo gaara jawaabata somali doctor. ??? :'(




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiig soo laba noqday?
« Reply #1 on: September 21, 2011, 03:54:10 PM »
Hadduu jirka ku bato hormoonka Cortisol, ha badiso cirbad ama welwel qofka ku dhacay dartiis, wuxuu khalkhal galiyaa caadada dumarka.
Sidaa darteed haddii aadan horay isugu arag caado wareer oo markii cirbaddaan aad qaadatay bilawday iyadaa keentay ee waxba ha walwalin, maxaayeelay welwelka laftirkiisa ayaa wuxuu siyaadiyaa Cortisolka.

Halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo jahwareerka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22521
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26296
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20260
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 38314
Last post September 02, 2008, 09:52:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?

Started by Maizah BBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58253
Last post January 13, 2016, 01:48:41 PM
by SomaliDoc