Author Topic: Su'aal: Hypothyroidism makeenaa madhaleysnimo?  (Read 4955 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Umu Eyman

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Hypothyroidism makeenaa madhaleysnimo?
« on: September 01, 2011, 02:06:14 PM »
as/c dhaman dhaqatirta howshan wanagsan isu xilsaray salaan hadan suasha ugudbo
mar 2 sano laga joogo ayaa waxaa u tagay dhaqtar waxey itir waxa aqabtaa thyroid problem ee cun thyroxin tablet lif time u cun subax walba wana 25mcg marka wan qatay hadna wan isku celiayya test ok waaye hada lkn wad ayeye tiri lif timkada marka hada marmar waa iloobaa oo toos uma qaato ma dhib baa iiga imaana hadaan iska dhaafo madama hada blood test meeshi lagrabay sheegaayo

waa mahdsantihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hypothyroidism makeenaa madhaleysnimo?
« Reply #1 on: September 21, 2011, 03:45:13 PM »
Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka hormoonka toroodh ee "Thyroxine" uu hoos u dhacay. taasoo keento calaamado dhowr ah oo ay ugu horreyso: tabardarri, misaanka oo kordha, saxaro adeeg, murqo xanuun, maqaar qalleyl, timo danbas iyo dareemis qabow.
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.

Haddii kaniiniga aad iska joojisid, waxaad dareemeysaa xanuunka kor ku xusan.

Cudurkaan iyo madhalaysnimada waa isla xiriiraan madaama aysan ugxanta aysan soo saarmeen hormoonka maqan awgiis, sidaa darteed in daawada la joogteeyo waa qasab.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Howlgabka Qanjirka Dhuunta ee Thyroid (Hypothyroidism)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 157361
Last post January 14, 2021, 11:24:31 AM
by Milica_soomali
Su'aal: Waa maxay Thyroid? Hypothyroidism? Thyrotoxicosis?

Started by Somali_NabadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 13484
Last post April 08, 2011, 10:11:24 AM
by Somali_Nabad
In Somalia! The cause of Hypothyroidism is under research.

Started by SOYDABoard Humanitarian Aid Organizations

Replies: 1
Views: 9763
Last post March 29, 2008, 08:22:11 PM
by Waxbaro!
Su'aal: Jir dhiska madhaleysnimo makeena?

Started by MahadnurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5692
Last post January 29, 2017, 05:48:27 PM
by SomaliDoc