Author Topic: Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:  (Read 23837 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online Dr.Habiib

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 116
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada ee dalka masar:
« on: September 04, 2011, 04:19:01 AM »
Warbixin guud oo ku saabsan waxbarashada  ee dalka masar:

Hordhac:

Dalka masar waa wadan ka mid wadamada carabta kuna yaalla qaarada afrika, inta badan  waxuu ka mid yahay wadamada tariikhda faca wayn leh ha ahaate xadaradii islamka  ama tariikha islamka xadaaradihii ka horeeyay.
Wadanka masar waxuu ahaa waqti dheer mid cilmiga diiniga iyo midka maadiga loo soo doona jirray taasi ay ugu horeysa jamacada xagga diiniga (AZHAR university) taas oo ku caan baxday in culuma ku can baxay diinta in ay soo saarta. Iy jamacadaha kala ay ka mid yihiin (cairo university) ee haddi jirta ilaa 100 sana in a badan ,waxa kala oo ka mid ah jamacadaha ajaanibta ay ku badan yihiin jamacadda (Ain-shams university). Ardayda jamacadaha masar  ka soo baxay way yaryihiin taasi oo ah manhajka oo aad u adag  lakiin illaah ninkii asoo nabad qaba u dhamaystira jamacadda , cilmi ayuu kala taga marka uu qalin jabinaya. Inta badan caalamkana waa laga ixtiraamaa.

Dadka ugu caansan ee wax barashada wadanka masar ka qalin jabiyay ee soomaalida waxaa ka mid ah :
Sheikh maxamed macalin -oo caalim weyn tafsiirka quraanka ahaa (alle ha u naxiriistee) oomasar wax barasha u so doontay 1958 waqti soomalida ay wali xurnimada  qaadan .
Maxamuud xarbi – halgamaagi sare oo ka mid ahaa aasaasayaashii uruka ardayda soomaaliyeed ee wadanka masar oo ilaa hadda sawirkiis u ku dhagan yahay xafiisa ururka ardayda soomaliyeed ee dalka masar.

Xiriirka wadanka masar iyo  shacabka soomiyeed ka dhaxeeya  mid aad u weyn taasa ilaa hadda dowlada masar ay ilaa waqtigaan ay waxbarasha siisa ardayda soomaaliyeed ayadoo usoo maranaysa safaarada soomalida.

Sidee baan u gudbisan karaa wax  jaamacadaha masar?

Jaamacadaha masar ee wax laga barta waxaan u kala qaybin karaa sidaan:
1. Jaamacadaha dowlada ay xukunta.
2. Jaamacadda azhar.
3. Jaamacadada  gaar loo leeyahay (khaas ah ) waa lacag.


Marka hore jaamacadah  dowlada masar ay xukanta.

Jaamadaha diiwaan galintooda waxay hoos imadaan wasaarada hiddaha iyo tacliinta sare ee wadanka masar, qofka soo gudbisanayana waa in saafarda soo rashaxda.

Haddaba ardayda soomalida maxaa looga baahn yahay.

 1. Waa in soo gudbiyaa shaahada oo orginal oo FPENS ah.
 2. Sawir baasa boorka oo wali aan dhicin.
Intaas marka uu soo gudbiya waxuu usoo gudbinaya qofwalbo oo ka garanaya ama qaraabadiis ee wadanka masar asigaa oo u qabanaya arimahaan.
3. Shahaada asalka ah wa in la geeyaa safaarada soomaliya ee wadanka masar taasi oo soo tiimbara garanaysa.
4. Kadib uu gudbinaya wasaarada arimaha  dibadda ee wadanka masar taasi timbara kala soo saraysa in shahaadan ay la mid tahay shahaada dugsiga sare ee wadanka masar (mucaadalla).
Intaas ka dib waxa uu bilaabaya qofka masar kuu jooga in uu diwaan galiya ardayga waana sidan.
5. waxaa ardayga cusub laga diwaan galinayaa webside ka wasaarada hiddaha iyo tacliinta sare ee wadanka masar qaybta arday ajaanibta ah.
 Wabseedka waxaa lagaa rabaa in aad ku doortid lix kuliyadood oo aad ugu hormaraysid kuliyada aad ugu jecahashay sida (medicine  tusaala ahaan).
Waxaa kala oo lagaa rabaa in aad ku dirtid shahaada labada page iyo sawirka passport ka.
Marka inta aad dhaysa waxaad lasoo baxaysa waraaqda ardayga iyo macluumadkiisa aad ku qortay adoo daabacanaya kadibna  ku qoray cinaanka qofka dibbada jooga iyo cinwaanka masar ee lagal soo xiiiraya iyo tariikha malinka iyo saxiix, ka dibna waraaqa markala ayaa webside ugu direya sida aad shaahada u galisay oo kala.
Intaas marka aad dhamaysa laba maalin ka dib waa in aad tagtaa xafiiska wasaarada tacliinta sare ee masar sii aad u ogaata ardaygii aad diwaan galisay in uu soo gaaray iyo in kala.

FG: wabside waxaa la furaa bisha lixaad 6 dhamaadkeed waxauu dhamadaan gudinta bisha 8 aad aalinta 30 tahay sanad walba.

6. Natiijada jaamacada iyo kuliyada loo aqbalay waxay soo baxdaa bisha 10 dhmaaadkeeda ilaa 11 aad.
7. Kuliyyada marka ay soo baxdaa waa in loo gudbiyaa wasaarada tacliinta sare waxa dukuminta ah kaa dalbata sida shaahada oo orginal iyo waraaq saafaradda ka keentid iyo waraaqda aad jaamacad ku xareysa si faylkaada ay ugu gudbisa jaamacada ay kuu aqbaleen.



Marka labaad qaabka loo gudbistaa jaamacada azhar:

Qabuulka aamacada azhar kuma xirna wasaaradda tacliinta waxaa toos loogu gudbistaa jaamacada azhar.
Mana aqbasha shaahada soomali qofka azhar kudbisanaya waa in uu ka soo dugsiyada azhar.
Qofwalbo oo azhar aya ka soo aqbashaa dibada waxuu maray marka imtixaan qiimayna ee jaamacada azhar ay  u qabata ardayda cusub taase oo ninka ugu nasiib badan uu helay fasalka ugu danbeeya ee dugsiga sare, dadka qaarkoodna loo dira ilaa dugsi dhaxa.

Marka sadexaad qab loo kudbista jamacadaha gaar loo lee yahay:

Jaamadaca gaar loo yahay qabuulkooda waxaa loo gudbistaa jaamacada si toos ah adoo dalbanaysid kuliyada aad rabta iyo laqudaa aad rabta in aad jaamacada ku dhigataa, lakiin dhamaantooda jaamacadaha gaar loo leeyahay waa lacag.

Sidee ban ku heli karaa deeq waxbarasha (minxa)-shcolarship?

Ardayda soomalida ah deeq waxbarasha waxay ka  helaaan -safaarada soomaalida ee masar- sanad kadib marka ay qabuulka jaamacada helaan sababtoo waxaa badan inta dadka gudbisanaya jaamacadaha minxada waxaa bixiyaa bisha 7 inta badan tani oo ay u so suurtoobayn arday cusub markaas gudbisaday in isla sanadkaas uu hela.


Dhibaatoyinka haysta ardayda soomaaliyeed:


Ardayda soomaliyeed waxaa soo wajaha dhibaatooyin badan oo ka mid yihiin.

1. Dhibaatada kowaad oo ardayda soomaliyeed haysata ayaa aha visa lagu soo gala wadanka masar oo aad u adag in hesha.
Jaamacada helideeda way fudadahay lakiin dhibka waa soo galida dalka.

2. Dhibaatada labaad aya waxa tahay degaanka oo arday soomaali aan loo ogalayn ay dagaan degaan jaamacada.

3. waxaa kala oo dhib wayn ka jirra arday soomaalida ay ku adagtahay in qofka labada luqad oo carabiga iyo English ka ay labada ku wada fiicnayna, waa la arkaa nin caraba siifican u yaqaana lakiin English ebark ah, ama English si fiican u yaqaana oo carrabi ah ebar ka ah.
Kuliyadaha science waxay ku baxaan English lakiin maclinka sharxaya waxa u ku sharxaya waa af-carabi taas oo ku qasbays in aad ladabada luqad ee carabiga iyo English ka aad taf ku tahay saad u fahanta.
Intaas iyo in ka badan waxay keen tay in ay yaradaan ardayda soomaaliyeed masar ka qalin jabiya gaar ahaan kuliyada sar sare sida kuliyada caafimadkaaga (medicine).

FG. Waxii faahfaahin oo kala waa waydan kartaa iyo tala ah.
FG. Waxii faahfaahin oo kala waa waydan kartaa iyo tala ah.

BY. Dr.Habiib


Ethical principles of medical professionalism:
1. Beneficence: to do good to patient.
2. Non maleficence: not to harm the patient.
3. Justice: to be fair to all patients.
4. Respect for autonomy: free decision for the patient


 

Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18558
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27851
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan xubinta taranka raga iyo yiridka?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19887
Last post October 02, 2010, 08:11:06 AM
by SomaliDoc
Su'aalo ku saabsan siigeysiga iyo finanka wajiga?

Started by SeidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48732
Last post February 24, 2011, 10:54:29 AM
by SomaliDoc
Su'aalo: ku saabsan gaaska iyo kuwa kale?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 16270
Last post January 02, 2013, 08:04:56 PM
by SomaliDoc