Author Topic: Su'aal: hormonka dumarka ama ka raaxada?  (Read 12205 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Su'aal: hormonka dumarka ama ka raaxada?
« on: September 16, 2011, 09:26:15 AM »
salaan ka dib websitekan waxaan uga baranay su aalo iyo jawaabo  sax ah
shuruudona leh laba isbuuc baan su gaayay su aal aan qoray iyo su aalo dad kale qoreen sida
ciyaalka lugta laga xidho oo nin aqyaarta ka mid ahi soo qoray ana aan rajaynayay  iyo  taydoo ahayd ma la helaa wax dabeeci ah oo kordhiya dareen ama kacsiga dumarka ama daawo ah  waan su gaa markale wa bilaahi tawfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: hormonka dumarka ama ka raaxada?
« Reply #1 on: September 20, 2011, 04:57:41 PM »
Su'aalaha badanaa aan laga jawaabin waa kuwa soo noqnoqda oo horay looga jawaabin.

Fadlan inta aadan su'aasha soo gudbin akhri jawaabihii hore.

Inkastoo aysan jirin qaab daaweed la ansixiyay oo lagula tacaalo kacsi yarida haweenka laakiin waxaa jira dhowr baaritaan ay ku socoto xagga waxtarkooda.

Qalab fakuum ah oo hawada dhuuqo ayaa ah qalabka caafimaad ee kaliya ee la hubo waxyarkiisa kaasoo loo adeegsado in qulqulka dhiigga uu ku badiyo kintirka iyo xubinta dumarka markaasne ay dareento kacsi.

Badanaa haweenka dareemo xanuun xilliga galmada waxaa loo qoraa daawooyin xanuun baabi'yaal ah iyo kareemyo yareeyo xanuunka meesha qaarkood kalane loo qoro subkiyayaal ama daawo hormoon ah.

Bukaanno badan oo haween ah oo ka cabanayaan xaaladaan ayaa waxaa loo xawilaa takhaatiir iyo lataliyaal dhinaca nafsaaniga ah si ay xal ugu helaan.

Maadaama dareenka dumarka uu asal ahaanba uu ka soo jeedo caadifadda iyo xaaladda nafsaaniyadeed ee ay ku sugantahay haweenta ayaa waxaa caafimaad ahaan la isku raacsanyahay in wixii welwel ah ama niyad jab ama xanuun ah oo horistaagi kara kacsiga iyo raaxaysiga dumarka in la xalliyo.

Taasi waa ay ka duwantahay midda ragga.

Wixii faahfaahin intaa dheer ka akhriso jawaabihii hore: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiiga xaydku intee inleeg ayuu ka maqnaankaraa dumarka.?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 60355
Last post August 23, 2010, 06:10:06 PM
by Abumohamed
Su'aal: Waa maxay waaxa dumarka laga gubo xagga hoose?

Started by XanaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17064
Last post April 14, 2011, 06:57:00 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay dumarka qaar habla un u dhalaan qaarna inama?

Started by Khadar AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7558
Last post February 02, 2016, 03:15:53 PM
by SomaliDoc
Su,aal: Xanuunada dumarka kaga dhaca naasaha ibtoda?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20479
Last post May 29, 2009, 08:37:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 253031
Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
by SomaliDoc