Author Topic: Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!  (Read 18522 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Online Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!
« on: November 10, 2007, 05:19:33 AM »
waa cudur uu keeno feyrus xoolaha ku dhaco sida ariga lo’ada iyo geela (arigaa ugu badan).
Inkastoo biniaadamka uu u gudbo laakiin xaalad Qatar ah kuma rido waxay u dhaxeysaa ilaa 0.5 – 2%.
Cudurkaan waxuu ka tirsanyahay cudurada ku caan baxay qandho-dhiigbax sida Yellow fever, Hemorrhagic fever, Lassa fever iyo Ebola fever.
Cudurkan oo markiisii ugu horeysay lagu arkay dalka Kenya 1931-gii waadiga loo yaqaano “Rift”  looguna magac daray.
Cudurkan qaarada afrika wuxuu dibada uga baxay sanadkii 2000 markaasoo lagu arkay yemen iyo sacuudiga.
Cudurkaan oo 2 ilaa 6 maalmood qaata si uu uga soo muuqdo bukaanka.
Cudurkaan oo ah cudurada aadka u faafo taasoo keeni karta inay dad badan u la’daan hadii aan si dhakhso ah looga hortagin.

Cudurkan maxaa lagu gartaa oo calaamado u ah?
Qandho siyaado ah oo la socoto dhiig sanka, ciridka, saxarada lasocdo ama maqaarka hoostiisa oo dhiig fadhiisto waxaa marmarka qaar la socdo cagaarshow.

Cudurkan maxaa lagu hubiyaa?
1.Feyruuska oo laga helo dhiiga, beerka iyo maqaarka.
2.In feyruuska la beero.
3.In jirka laga helo waxyaabaha ka hortaga feyruuska oo loo yaqaano (antibodies).

Sidee lagu fahmaa inay xoolaha uu ku dhacay cudurkaan?
Xoolaha oo ilmaha soo ridaan, iyo iyagoo si isku xigxiga u bakhtiyaan.

Cudurka siduu ugu gudbaa biniaadanka?
1-In uu qofka uu gacmaha ku taabto xoolaha dhiigooda, digadooda, khaasatan marka la qalaayo.
2-In sanka aad ku qaadid hawo feyruus ku jirto.
3-In ay kaneeco ku qaniinto iyo cayayaanada dhamaan quuta dhiiga.

Dadkee ugu badan oo cuduraka halis ugu jiro?
1.Xoolo dhaqatada
2.Dadka kawaanka ka shaqeeya
3.Dhakhaatiirta xoolaha daaweysa
4.Shaybaariistayaasha.

Sidee looga hortagi akraa cudurkaan?
1.In kaneecada sansayeeri laga hoos galo
2.In qolalka la buufiyo
3.In la labisto dhar kalarkooda mugdi uusan ku jirin.
4.In caanaha iyo hilibka la iska karkariyo
5.Dadka la tacaamulo bukaanka in ay is ilaaliyaan sida dhakhaatiirta oo kale.

Sidee loo daaweeyaa cudurkaan?
1.Ma jirto daawo joojisa cudurka ama disho feyruuska, laakiin waxaa qofka la siiyaa daawooyin kaalmaati ah sida
Qandho jibiye (qofkan oo kale waa ka mamnuuc ah in la siiyo Aspirin maxaayeelay dhiigbaxa ayuu ka sii darayaa).
Dhiig fresh ah (fresh frozen plasma) haduu fuuqbax jirane lafuuq celiyo.
In cudurada kale oo uu bukaanka la imaado la daaweeyo sida infekshanka.

Cudurka dilaa miyaa?
Tiro la eg 1% oo dadka uu ku dhaco way u dhintaa laakiin qofka haduu halis yahay dhimashada waxa ay gaareeysaa 50%

Dadka caafimaaka ka shaqeeyo siday iskaga ilaali karaan cudurkaan?
Inkastoo aan la hubin in dadku ay kala qaadaan laakiin in la is ilaaliyo waa muhiim
1-Dhakhtarku markuu bukaanka baarayo waa inuu labistaa gloves.
2-Inuu sanka daboosho
3-In gacmaha saabuun iyo biyo iskaga meyro
4-In qolka bukaanka lagu wiisiteeyay la nadiifiyo haduu ku dhiig baxay ama uu ku saxarooday.

Dr.Mahdi


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!
« Reply #1 on: November 12, 2007, 03:51:37 PM »
Si aad u ogaatid farqiga u dhaxeeya cudurkaan iyo cudurkii ku faafi jiray meelo kamid ah wadanakeena somaliya kuna caan baxay "Kaduudiye" halkaan ka akhriso http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=62.0

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Doctoor

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 56
  • Points: +90/-0
  • Gender: Male
Re: Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!
« Reply #2 on: November 14, 2007, 12:08:44 AM »
waa mawduuc aad u muhiim ah in laga hadlo maxaa yeelay faafitaankiisa oo aad u fudud sida maqaalka kor ku qoran uu uga hadlayo.
aniga hadda waxaan ka shaqeeyaa isbitaal ku yaalo khartuun-suudaan waxaa noo yimid dhowr xaalado oo cudurkaas loogu badinayo in uu yahay, 2 ka mid ah dadkii cudurkaa loo jiifiyay waa ay u dhinteen, hadda gobollo ka tirsan suudaan cudurka dad badan buu ku laayay waxaan ka magacaabi karaa sinaar, madani iyo kuwa kale.
madasanidiin.


 

Waa Maxay Fayraska Zika (Zika Virus)?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 22080
Last post February 03, 2016, 12:36:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay finka kaso baxa dabada? Una eg kaso bax cml?

Started by Ahmed dollarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25007
Last post October 22, 2016, 05:04:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxay Ku Kala Duwanyihiin Ama Ku Kala Gedisan Yihiin, Anti Bacterial Iyo

Started by Darmaan123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 16123
Last post November 05, 2013, 10:51:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31132
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24280
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc