Author Topic: Su'aal: walaal ma saxbaa sidani mise waa dhibaato caafimaad?  (Read 10287 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ayaanle11

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: walaal ma saxbaa sidani mise waa dhibaato caafimaad?
« on: September 08, 2011, 09:44:56 AM »
Asc walaal marka hore waxaan idinku salaamayaa salaanta qaaliga ah ee islaamka, bacda salaan walaal waxaan idin waydiinayaa su`aashan oo ah qoraalkan aan halkan hoose kusoo forward-gareeyay ma yahay mid la raaci karo mise dhibaato caafimaad ayuu keeni karaa?
walaal waxaan idinka codsanayaa dhakhtaradow inaad iga raali ahaataan hadaanay munaasib ahayn qoraalkan aan idiin soo gudbiyay,
waxaan uun uga jeedaa inaad bulshada ka checking-garaysaan in qaabkan samayntiisa faa`iido ku jirto iyo in laga feejignaado.
qoraalkiina waa kan walaal sidaa iyo akhris haboon iyo jawaabtii walaaltinimo.



Dhab ahaantii nin walba oo katirsan ragga waxaan u maleyna in uusan dood kaqabin in xubinta tarankiisa ay u weynaato, in badan oo ragga katirsan ayaa waxaa laga yaaba in ay dawadaan dacaayado ama xayeeysiino ganacsi ah oo laga sameeyo taleefishinada kaas oo ah qaliin lagu sameeyo xubinta taranka ragga si qayb ahaan loo balaariyo looguna daro wax xooga dhirirka xubinta, lakiin haddana inkasto oo ay muuqdaan jaraaxoyinkaas kuwa mararka qaar sameeya wax uun isbedel haddana dadka inta badan kama bixi karaan lacagaha lagu sameeyo jaraxooyinkaas taasna waa mid iska fudud tusaale ahaan jaraxooyinkaan ayaa waxaa kubaxa lacag dhan  $4,000 illaa $5,000 oo ah dollarka Ameerikaanka sida muqatana in badan oo katirsan ragga oo u hanqal taagaya in xubintooda taranka u weynaato kama bixi karan weliba ragga Somaaliyeed tiiyo ay sii dheertahay dhibaatooyinka kadhasha jaraxooyinkaas oo mararka qaarkood sababa in ay howl gab noqoto xubinta taranka si weliba joogta ah, taasina macnaheedu wuxuu yahay in qof walba uusan dooneyn in hantida illah u siiyay ragga hibada oo ah waxa ay uga duwan yihiin dumarka uusan marnaba doneyn in uu kuwaayo si fudud.

 Sirta kadanbeysa waxa loogu yeero weyneynta xubinta taranka ragga ayaa ah qulqulka dhiiga uu kuwareegto xubinta taranka macnaha taasina waa mar kasto uu kordho qulqulka dhiiga waxaa kordhaya cufnaanta iyo dhirirka xubinta haddaba si loo gaaro hadafkaas ayaa waxaa lagama maarmaan ah in laraadiyo habab wax ku ool ah si loo gaarsiiyo qulqulka dhiiga heerarka looga bahanyahay iyo weliba in meesha laga saaro haddii ay jiraan asbaaba suurta gal ah oo iska hor istaagi kara dhiga in si munaasab ku ah uu u gaaro cirifyada hoose ee xubinta taranka ragga, tanina akhristow waa mida jawaabta kama danbeysta u ah in xubitaada taranka ay kasbato weynaan ku filan si loo gaaro hadafka weyn ee ragu leyihiin ee ah in uu qanciyo lamaanihiisa dumarka gogosha.


Haddaba waa maxey sedexdaas hab ee dabiiciga ah ee qof kasta oo katirsan ragga u jecelyahay in uu ogaado?

 1.    Habka Kegal (Kegal technique), habkaan ayaa ayaa waxaa loogu magac daray shaqsiyadii soo heshay oo lagu magaacabo Kegel habkaana waa hab muhiin u ah marka laga soo tago muhiimada uu u leyahay balaarinta xubinta taranka sidoo kale muhiim u ah xadeynta dadka waqti hore ay kasoo daadato macdanta amaba shahwada xiliga galmada waxaa sidoo kale lagu magaacaaba habkaan leylinta Kegal waxaana loogu magacaabay sidan wuxuu laxariira leylin loo sameeyo muruqa dhaca inta u dhaxeysa ilinka ay kasoo baxda saxarad iyo xiniinyaha leylintaan ayaa loo sameyn kara si fudud iyada oysan weliba aysan ku’ogaanin dadka kugu xeeran ee kula jooga waana in gacanta lagu qabto muruqaas dabedeedna ladaayo lana sameeyo sidan ilaa mudo 20-30 jeer maalin walba muruqaan ayaa wuxuu isagu mas’uul kayahay joojinta kaadida xiliga lakaadinayo dhaqaatiirtana waxey ku magacabaan PC muscle amaba muruqii kombuyuutarka, marka waxaa u bahantahay waa in aad muruqaas cadaadiso kadibna aad deyso adigoo marka horena kusameyna si tartiib ah 20-30 jeer maalin kasta illa aad kagaarto 300 oo jeer maalin walba.

2.    Habka u masaajeynta xubinta taranka (Jelqing technique) habkaan ayaa u jeedadaha laga leeyahay waxey tahay marka horeba in wax xooga uu kudaro dhirirka xubinta taranka tariikh ahaana waxey dib ugu labaneysa carabti hore oo iyagu sameyn jiray marka abaha wiilkiisu guursanayo si ay carutooda u tusaan hababka dabiiciga ah ee loo kororsiin karo cabirka xubinta taranka, habkaan ayaa isana ah mid so fudud loo sameyn karo wuxuuna u baahanyahay uu wax xooga qoyaan ah in mariyo xubinta sida saliida qafiifta ah ee ilamaha marka ay dhashaan madaxa loo mariyo dabadeednka wax yar oo kululeyn ah loogu sameeyo xubinta iyadoo aan si buuxda loo kicin kadibna waxaad ku sameyneysa gacantaad calaamada OK oo kale taas oo ah in suul gacanta iyo farta laxirirta ee lagu macaabo mudursata inta cirfaha la’iskaga qabto ladhex galiyo xubita dabadeena si aan awood xad dhaaf ah loo isticmaleyn mar dhinac loo leexiyo xubinta taranka mar loo leexiyo midig marna bidix, marka hore waxaad ku bilabeysa in aad sameeyo usbuuc walba 25 mar oo labada dhinac ah midig iyo bidix kadibna wad kordhineysa illa aad kagaarto 200 oo mar dhan walba usbuuci waxaana lagama maarmaan ah in aad cadaadiso dhiiga marka aad sameyneyso habkaan ee looma baahna in aad si fudud u cadaadiso maqaarka kore ee xubinta taranka ragga.

3.    Habka sedexaad ee ugu danbeeya ayaa waxaa lagu magacaaba (length extender), habkaan ayaa isagu ah hab sidoo kale door weyn kacayaara in kudarida xagga dhirirka ee xubinta taranka ragga qaab ahaan waxaa lasameeya marka lasoo sameeyo 2da hab ee kahoreeyay waxaana loo sameeya iyada oo lagu fadhiyo kursi amaba iyada oo la’istaagsanyahay waxaana loo sameeya in xubinta taranka loo jiido dhanka hoose inta marka hore lamariyo wax qayaan ah sida saliida oo kale waxaan haboon in lahubiyo in si awood kujirto loogu jiida dhanka hoose iyada oo aan lasameyn raaxo daro amaba xanuun xiliga lasameynayo habkaan waxaa kala oo muhiim ah in aad kufariisato kursi qarkiis oo aad haddana u jiida xubinta hortaada adigoo gacana kujiidayo xubinta gacanta kalena intaad dusha kasaartid xubinta kucelinaya si aad xanuunka u yareeysid, waxaa sidoo kale muhiim ah in aad hubisid in aad 25 mar hoos u jiidid dhanka dhulka 25 marna aad horay u jiidid kuna celceliso illa 5 daqiiqo dhan walba.

 

F.G dhammaan hababkaan oo dhan waxey wax tar yeelan karaan marka aad sameeyo muda dheer waxaana tala ahaan wanaagsan in qofku uusan kadaalin sameynta hababkan haddi aad u sameysid si joogta ah waxaad gaari doonta natiijooyin aad layaabtid waana habab fudud oo aanan khasaarineyn waqti iyo dadaal badan haddaba haddi uu hankaadu ahaa in aad heshid xubin taran oo cafimaad qabta kuna filan qancinta lamanahaada samee habkaan si aad u heshid isku kalsoonaan xagga galmada ah.

 Mida kale qofku haduusan kafursan in uu sameeyo qaababkaan ee midna inta qaabkale u isticmaalo dhibato kaga timaado taasi masuul kama ahan qoraha warbixintaan iyo websit-kuba.




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: su`aal walaal ma saxbaa sidani mise waa dhibaato caafimaad?
« Reply #1 on: September 08, 2011, 10:28:02 AM »
Asc? Walaal horta waan ku salaamay, qoraalkaan waxaan ku soo arkay webka jaceylka.com waana wax xiisa leh. Laakiin qeybta qoraalkaas ugu dambeysa ma aha mid u fiican Soomaalida waayo:
b) xubinta ayey jiid jiidi doonaan.
t) ragga qaarkood way ku walfi doonaan.
j) xishoodkana waa uu ka tagi doonaa, waxaaba dhici karta in ragga qaarkood ay dariiqyada ayagoo socda ay habka saddexaad la lugeeyaan.
Marka sxb, waxaanu isla sugnaaba waa jawaabta Somalidoc oo Saafi ah. Mahadsanid please excuse me.
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: