Author Topic: Sidee u Nuujisaa Ilmahaaga?!  (Read 18782 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Sidee u Nuujisaa Ilmahaaga?!
« on: November 11, 2007, 03:26:28 AM »
Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uu ka dhargay
  • Cunuga oo aamusa markuu naaska afka ka qaado.
  • Cunuga oo hurda 3 - 4 saac markii la nuujiyo
  • Cunuga oo wax isbadal ah lagu arkin saxaradiisa kalar ahaan iyo ur ahaanba
  • Cunuga oo kaadidiisa is dhimin, wax isbadalne aan lagu arkin
  • Cunuga oo caadi miisaankiisa u kora, markii lala barbardhigo miisaankiisii hore

Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska uusan ka dhargin
  • Cunuga oo ooya markii la nuujinayo iyo markii la nuujiyaba, ama dhuuqa gacmahiisa iyo farihiisa.
  • Cunuga oo naaska ku daaha ilaa 30 daqiiqo in ka badan.
  • Cunuga oo hurdo la'aan ku dhacda.
  • Cunuga oo saxarada ku adkaato, ama isku badasho mid urbadan oo cagaaran, xunburne leh.
  • Cunuga oo kaadidiisii yaraato
  • Cunuga oo Miisaankiisa is dhima (FG: cunuga waa in miisaankiisa isbadal laga dareemaa afarta bilood oo ugu horeysa, afartii maalinba mar.)

Sidee lagu xalin karaa?
  • Hooyada oo cunto nafaqo leh cunto, hadii ay jirantahayne la daaweeyo.
  • Hadii ay jirto mushkilad ka jirto qaabka cunuga naaska loo siiyay in la saxo
  • Hadii ay caano ku filan cunuga hooyada aysan laheen in caano kale loogu siyaadiyo (Formula Feeding)
  • Hooyada oo la siiyo daawada loo yaqaano "Chlopromazine", taasoo siyaadiso caanaha hooyada, walwalka iyo diiqadane yareyso.


Waxyaabaha lagu garto in cunugaaga naaska laga badiyay
Horta maxaa keeni kara in ilmaha naaska inta ay u baahanyihiin ka badan la siiyo?
  • Waqtiyada kuleelaha, kaasoo ilmaha oonka haayo, hooyadu ay u fasirato inay gaajo heyso cunugeeda.
  • Hooyada oo caano badan soo saarto
  • Cunuga oo waxqaadashadiisa siyaado ah

In laga badiyey maxaa lagu fahmaa?
  • Cunuga oo diliqiisa bato amaba ku sixdo caanaha la siiyay
  • Cunuga oo mataga amaba caloosha xanuunsato
  • Cunuga oo saxaro badan dhiga, taasoo qaar wixii uu qaatay oo aan shiidneen ka muuqato
  • Kaadi badan iyo dhidid badan
  • Miisaankiisa oo aad u siyaada.

Sidee looga hortagi karaa?
  • In waqtiga u dhaxeeya nuujinta lakala dheereeyo tusaale ahaan 4 saac oo kale.
  • In hadii naasaha ay ku soo haraan caano badan oo uusan u baahneen cunuga laga miiro


Waxyaabaha keeni kara in cunuga caanaha hooyada aan la siinin
Hadii mushkilo ka jirto dhinaca hooyada sida:
  • Hooyada oo qalal qabto amaba waalan
  • Hadii ay qabto infekshan laga cabsanayo inuu caanaha ugu gudbo ilmaha
  • Hadii ay qabto cudur halis ah oo naas nuujinto uga sii dari karo sida wadnaha, iyo kilyaha oo hawsha yareeya, Sokorow aan la kontrooli karin, Kansar iyo hadii naasahaba mushkilo ay ka jiraan

Hadii ay mushkilad ka jirto dhinaca ilmaha sida:
  • Cunuga oo ku dhasho cuduro caanaha uga sii daraan sida: Glactosemia, Phenylketonuria
  • Cunuga oo xasaasiyad ku qaba caanaha
  • Cunuga oo ku dhasho mushkilad afka uu ka qabo sida sanka uu ku furan amaba faruurta ka dilaacsan markaasoo caanaha inta loo liso tubo lagu siiyo

Diagnostic


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33584
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21130
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53611
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26248
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22608
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc