Author Topic: Su'aal: Xulbadu ma leedahay faaido caafimaaad?  (Read 105344 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Hassan Bile

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xulbadu ma leedahay faaido caafimaaad?
« on: September 21, 2011, 08:45:36 AM »
waxaan rabaa inaan ogaado in ay xulbadu leedahay faaiido caafimad,  iyo wax nutrition facts ah hadii aad heysaan oo ku saabsan xulbada




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faaidada Xulbada (Benefits of Fenugreek / Methi Seeds)
« Reply #1 on: September 22, 2011, 01:35:13 PM »

Xulbadu waa geed daaweed faaido badan u leh biniaadanka, xulbadu waxaa ka buuxa borotiin iyo maadada loo yaqaanno Fosfoor, waxayna faaidadeeda nafaqo u dhigantaa beerka nibiriga maadaama boqolkii garamba ay ku jirto 4400 milligram oo borotiin.

100-kii garaam ee xulbo ah waxaa ku jirta nafaqo ahaan:
1- 6000 Milligram oo carbohydrate ah
2- 4400 Milligram oo borotiin ah
3- 900 Milligram oo dufan ah
4- 395 Milligram oo calcium ah
5- 51 Milligram oo foosforas ah
6- 1.93 Milligram oo bir ah
7- Energy u dhigmo 49 Kilocalories

Xulbadu markii la kariyo waxay faaido u leedahay nafaqaynta iyo in ay wax cayiliso.

Markii la karkariyo waxaa loo cabi karaa calool xanuunka iyo feero xanuunka.

Waxaa kaloo faaido fiican u leedahay gabnaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.

Markii la rabo in ay cunnada furto, 30 gram oo xulbo ah ayaa waxaa lagu daraa 1 litir oo biyo karkarsan waxaana la cabaa cunnada nus saac ka hor si ay cunnada uga caawiso xagga shiidka iyo ka faaideysiga jirka.

Haddii saliid laga dhigo faaidadeeda waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.

Waxaa kaloo lagu daaweeyaa nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo, waxaa kaloo daawo u tahay calool adeegga iyo babaasiirta.

Haddii lagu luqluqdo waxuu daaweeyaa qumanka, haddii la isku huuriyane wuxuu yareeyaa qufaca siyaadada ah.

F.G: Haddii aad leedahay uur, ha qaadanin xulbada waxay saameyn kartaa korriinka maskaxee ee uur jiirka, sonkortaada way ridi kartaa, minkane way maroojin kartaa oo foosha ayay soo dadajisaa
Haddii aad doonayso in aan kaaga warbixinno faaidada caafimaad dhir daaweed ee aad xiisaynayso, fadlan nala soo xiriir..
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hodanay

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Xulbadu ma leedahay faaido caafimaaad?
« Reply #2 on: September 22, 2011, 11:54:25 PM »
well done doc.  xulbada waaxaan bilaabay in aan caabo markaan ogaaday faaidadeeda lakiin qeebta dadka ay cayiliso ma ogeen marka waa joojinayaa lolz

Offline Salaado cali

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 35
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Xulbada iyo xilga foosha
« Reply #3 on: October 05, 2017, 02:21:56 PM »
Asc Dr khayer Allah idinka siiyo hawsha as noo haysaan
Su'aashaydu waxay tahay xulbada ma  isticimaali karaa xilga San foosha Ku jiro si at iiga caawiso dadajinta foosha waxaan arkay dad isticimaal markay galaan bishab sagaala we uurka

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Su'aal: Xulbadu ma leedahay faaido caafimaaad?
« Reply #4 on: November 08, 2017, 12:43:44 AM »
Fadlan Halkaan hoos ka akhriso Faa'iidooyinka Xulbada leedahay in badan ka ogow iyo xiriirka kala dhexeeyo uur jiifka


http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4120.0.html
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45186
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17420
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada jilcisada la dhaho maxeey dhibaato u leedahay tinta?

Started by Hanna HuteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10791
Last post March 30, 2016, 04:30:29 PM
by SomaliDoc
Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17870
Last post July 26, 2009, 09:30:58 PM
by Waxbaro!
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26519
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc