Author Topic: Su'aal: Caadada oo tagta maxaa lagu soo celiyaa?  (Read 11887 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Guleid

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Caadada oo tagta maxaa lagu soo celiyaa?
« on: September 24, 2011, 07:49:59 PM »
Assalamu calaykum ,

Waxaan u ammaan iska leh marka hore, dadka wakhtiga u huray inay su'aalaha uga jawaabaan si hagar la'aana, aad baa u mahadsantihiin, somali doctors.
Su'aashaydu waxaa weeye, caadada markay ka tagto haweenka maxaa lagu so celin karaa,

F.G: qofka ay caadadu ka tagtay ma gaadhin da'diii caadada ay haweenka kaga tegi jirtay, just she is 22 years, muddo  sano ah oo waxba ma dhalin, waayo caadadii baa tagtay.

mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Caadada oo tagta maxaa lagu soo celiyaa?
« Reply #1 on: September 27, 2011, 10:12:36 PM »
Caadada oo istaagto muddo ka badan 6 bilood ee isku xigta iyadoo horay u imaan jirtay waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Secondary Amenorrhea".

3-5% oo ka tirsan gabdhaha ardayda ah wuu ku dhacaa, 5-60% oo ka tirsan haweenka orodada ah wuu ku dhacaa.

Markii laga hadlayo waxa keenay cudurkaan waxaa loo kala qaadaa labo qeyb:

1- Cillad la xiriirta badashada hormoonka androgen:
kanoo noqon kara dhowr cudur sida:
# Ugxansidaha Fiixda leh (PCOS) oo halkaan ka akhrisan kartid - http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
# Xanuunka Cushing oo ah markii jirka ku bato hormoonka Cortisone.
# Kaankarada ku dhacdo ugxan sidaha

3-daan cudur oo kor ku xusan waxay aad u soo saaraan hormoonka androgen kaasoo istaajiyo caadada.

2- Cillad aan la xiriirin badashada hormoonka androgen tanoo ka imaan karto dhowr xaaladood sida:
# Uurka, Naasnuujinta iyo Dhalmodeyska.
# Howlgab ugxansidaha
# Qalabka ka hortagga uurka qaar ka mid ah.
# Jidaarka raximka oo jiran
# Miisaan yari (haweenka aad u caatada ah way joojiyaan caadada)
# Badashada hormoonka Prolactine
# Xanuun ku dhaca qanjirka pituitary.

Markii la baarayo xaaladdaan istaagga caadada waa in qofka marka ugu horreyso la fiiriyaa in miisaankiisa uu joogo meeshii laga rabay in aysan jirin hormoonnada qaar oo badan sida prolactin oo aan kor ku xusay tanoo lagu fahmi karo in naasaha ay caano soo daayaan iyadoo gabadhii aan la guursan, uurna aysan lahayn.

Kadib waa in lagu sameeyaa baaritaanno dhowr oo kala duwan kuwaas oo isugu jira baaritaanno dhiig, kaadida iyo hormoonnada kala duwan.

Xaaladdaan siyaabo dhowr ah ayaa loo daaweeyaa inkastoo ay ku xirantahay waxa sababay sidaa darteed haddii cilladaan ay tahay mid kugu raagtay waa in aad la xiriirtaa takhtar aqoon u leh cudurrada haweenka "Gynecologist"

Haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah waa na weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Guleid

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Caadada oo tagta maxaa lagu soo celiyaa?
« Reply #2 on: September 28, 2011, 09:09:05 AM »
Jazzakumu Allahu kheyr walaalayaal, aad baad u mahadsantihiin warbixintiina faahfaahsan.



 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55867
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162174
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57885
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62211
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28935
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc