Author Topic: Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?  (Read 16467 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Zameeha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
« on: September 26, 2011, 02:49:19 AM »
asc dhakhaatiirta soomaliyeed ee is ku hawlay inay noo soo jawaabaan

walaalo suashaydu waxay tahay sidan maskax had iyo jeer mashquulsan fakaraysa un tafaasiil dheer xanuunka i haya hadaan ka sii bixiyona waa tan qaab kuu yahay

Dr waxaan ahay inan jirta 24 sano dhibka i haystaa waxa weeye waxaaan ahay gabdh had iyo jeer wax iska sawirata maskaxdaydy always waa mashqull meel un baan ku maqnahay
had iyo jeer madaxaa i kaca i xanuuna margarine  waan qabaa hadaa is idhaa wax akhri madax xanuun igam ba'o waxaan u haystaa in madaxo i giijisan yahay
waxa i xanuunata margiyada ama qadaadka madaxa

mele kaligay hada fadhiyo ani un baa isku maqan maskaxdaydu waa mashquul haday doonto somalia bay jirtaa haday doonto school kii iyo maanta wixii ka dhacay bay ku maqan tahay si kale uma garatide way waragaysaaa afarta jaho ee aduunka

Dr dhibka kale ee i haystaa waa ilowhsiyo joogta ah dabka wax saarayaa waan alwayaa ovenka wax kalinayaa wana ku ilawayaa casharkaan maanta dhan xifdinayey daqiiqadaa buuga isku laabay buu isna duulay ma xasuusto  qofbana is oranaya wxa u sheega afka ka dhe markaa is dhahaan alawaya

DR plz i caawi dhib wayn baa i haysta sidaan maskaxdan wraeegaysa oo wraeega ku waalatay u dajiyaa ee i mashquulisay sagay iga reebtay mala awaalka ii dishay

jawaab wacan insha'allah




Offline Zameeha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay
« Reply #1 on: September 26, 2011, 03:51:55 AM »
walaal wxaan ka alaaway wana u tagay DR madaxa ah wuxuu dhahay waad caafimaad qabtaa wal wal yar baa ku haya buu dhahay wal wal kaa iska saar sidaada kale waad fiican tahay  wax is badalna mahyo sidaa awadeed baan kuugu soo qoray adi maadama aan somali ku wada hadlayno wax badana is fahan siin karayno walaal

Offline Cabdulahi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay
« Reply #2 on: September 26, 2011, 07:59:56 AM »
salaan sare sumeeha walaal  hadii aan ka hor dhaco drs ka  dr aad u tagtay hadii baadhitaan uu kusameeyey oo wax dhib ah laguu sheegin  man sha alah waaye wax yaabaha aad sheegan hayso aniga waxey ilatahay inaad ubaahan tahay cabsida alle  inad waqti siiso  wal welka iyo ilowsha   isku buuqa waxaa keeena maskaxda oo waxii loo abuuray kaseexata amaba aan qaban waayo waxaa laguu siiyey  adiga laguu abuuray waa adoonimo iyo inaad ilaahy weynayso  waxaad badisaa  laaxoola walaaquta ilaa bilaahi caliyul cadiim  iyo astaqfurulaahi  siiba habeenkii inta aadan seexan ka hor ilaa 20-30 mnts inta udhaxeysa subaxiina salaada subax ka hor  isbadal weyn ayaad dareemi doontaa iyo dagansho aadan garan hayn meel ay kaaga timid  mida kale walal hadii aad gabar tahay guurso  waa daawada dagenaanshaha guurku asc         iga raali noqdo drs    waan idin ka hordhacay wabilaahi towfiiiq

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
« Reply #3 on: September 27, 2011, 10:18:37 PM »
Halkaan ka akhriso xanuunka aad ka sheeganayso oo ah: Isku-buuqa Maskaxda "Mental Distress": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
« Reply #4 on: September 29, 2011, 07:07:25 PM »
Ilowshaha dhow waxyaabo badan baa keeni kara, sida cudurada Maskaxda ku dhaca ama jug xooggan (jugta wax ka mid noqon kara: Shey culus oo madaxa ku habsada ama ku dhaca, shil IWM). Laakiinse, haddii uu san ku haynin cudur ka mid ah cudurada ku dhaca Maskaxda, ama aanay jirin jug madaxa gaadhay, waxaa dhici karta in uu qofku dareemayo cadaadis nafsi ah, waxaa kale oo la arkaa in marka uu qofku wax uu baahan yahay helistooda ama gaadhistooda uu galo mowjado jaha wareer badan, sida in uu kala garan waayo goor ay tahay iyo afartii jiho halka ay kala jiraan. Waxaana ugu caansan:
# Jaceylka;- Tani waxay dhacdaa markuu dhinac kale ee la jecel yahay la jirin qofka jecel ama lala wadaaga hayo, arrintaan waxay aalaa keentaa in ay maskaxdu si daran ugu mashquusho xalinta mushkiladaas ama ay ku murugsanaato u caal waaga heysta.
# Buufis (wax ay adag tahay in la gaadho ama la helo). Tani waxay u badan tahay dhalinta Soomaaliya jooga ee raba in ay dalalka Galbeedka tagaan iyagoo aan Pass word haysan! Waxaana ay keentaa in ay maskaxdu dam tidhaahdo dhaguhuna ay kuu waashaan sssss. Sidoo kale arrintaan waxay haysataa dadka tiigsada inay salaaxaan meel madaxa ka sareysa.
Haddaba, su'aasha waxa weeyaan sidee baa loo daaweeyn karaa ilowshaha?.
Dhakhaatiirta iyo dadka la taliya bukaanada waxay ku dadaalaan ugu horey inay ogaadaan xaalada qofka ka dibna waxay siiyaan Daawooyin kala duwan iyo talooyin gaar ah.
Waxa mar mar dhacda in uu qofku walbahaar ka qaado cudur aan maskaxda aheyn (sida Aids, Cancer, TB iyo Toogasho lagu xukumay qof kale oo u dhaw ama shil uu arkay IWM).
Daawooyinka waxa ka mid ah, in hadday maskaxdu qabto cudur ama iin Dhakhtar uu daawo u qoro. In hadduu qofku uu Jaceyl hayo uu helo Jaceykiisa. & In qofka buufiska qabaa uu gaadho hamigaas. Sidoo kale waxa laysku daaweyn karaa labada shey macaanka badan waa Qur'aan akhriska & muudmuusiga Malabka.
Waxaa la sheegaa oo kale in hilibka & subagga Gorayada (ostrich) lagu daweeyo Ilowshaha. Laakiin aniga tan maqal maahee si kale uma aqaan.
// Fiiro Gaadh ah: kala tasho (counselling) cida ay khuseyso ee laga helo halka aad joogtid.
/\ Ha isticmaalin daawo uu dhakhtar kuu qorin, xitaa hadaad aaminsan tahay.
REGARDS.
Talo SAARO Allaah

Offline Zameeha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay
« Reply #5 on: September 30, 2011, 05:57:11 PM »
salaan sare sumeeha walaal  hadii aan ka hor dhaco drs ka  dr aad u tagtay hadii baadhitaan uu kusameeyey oo wax dhib ah laguu sheegin  man sha alah waaye wax yaabaha aad sheegan hayso aniga waxey ilatahay inaad ubaahan tahay cabsida alle  inad waqti siiso  wal welka iyo ilowsha   isku buuqa waxaa keeena maskaxda oo waxii loo abuuray kaseexata amaba aan qaban waayo waxaa laguu siiyey  adiga laguu abuuray waa adoonimo iyo inaad ilaahy weynayso  waxaad badisaa  laaxoola walaaquta ilaa bilaahi caliyul cadiim  iyo astaqfurulaahi  siiba habeenkii inta aadan seexan ka hor ilaa 20-30 mnts inta udhaxeysa subaxiina salaada subax ka hor  isbadal weyn ayaad dareemi doontaa iyo dagansho aadan garan hayn meel ay kaaga timid  mida kale walal hadii aad gabar tahay guurso  waa daawada dagenaanshaha guurku asc         iga raali noqdo drs    waan idin ka hordhacay wabilaahi towfiiiq


waad mahasan tahay walaal aad iyo aad waana  ku dhaqmi doonaa wanada aad isoo jeedisay ee ah alla kacabsiga markale waad mahadsantahay walalo aad iyo aad

Offline Zameeha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
« Reply #6 on: September 30, 2011, 05:57:39 PM »
Halkaan ka akhriso xanuunka aad ka sheeganayso oo ah: Isku-buuqa Maskaxda "Mental Distress": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html



DR waan akhristay waana fahmay wad ku mahadsan tahay

Offline Zameeha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Maskax had iyo jeer mashquulsan maxay dawdeedu tahay?
« Reply #7 on: September 30, 2011, 06:01:03 PM »
Ilowshaha dhow waxyaabo badan baa keeni kara, sida cudurada Maskaxda ku dhaca ama jug xooggan (jugta wax ka mid noqon kara: Shey culus oo madaxa ku habsada ama ku dhaca, shil IWM). Laakiinse, haddii uu san ku haynin cudur ka mid ah cudurada ku dhaca Maskaxda, ama aanay jirin jug madaxa gaadhay, waxaa dhici karta in uu qofku dareemayo cadaadis nafsi ah, waxaa kale oo la arkaa in marka uu qofku wax uu baahan yahay helistooda ama gaadhistooda uu galo mowjado jaha wareer badan, sida in uu kala garan waayo goor ay tahay iyo afartii jiho halka ay kala jiraan. Waxaana ugu caansan:
# Jaceylka;- Tani waxay dhacdaa markuu dhinac kale ee la jecel yahay la jirin qofka jecel ama lala wadaaga hayo, arrintaan waxay aalaa keentaa in ay maskaxdu si daran ugu mashquusho xalinta mushkiladaas ama ay ku murugsanaato u caal waaga heysta.
# Buufis (wax ay adag tahay in la gaadho ama la helo). Tani waxay u badan tahay dhalinta Soomaaliya jooga ee raba in ay dalalka Galbeedka tagaan iyagoo aan Pass word haysan! Waxaana ay keentaa in ay maskaxdu dam tidhaahdo dhaguhuna ay kuu waashaan sssss. Sidoo kale arrintaan waxay haysataa dadka tiigsada inay salaaxaan meel madaxa ka sareysa.
Haddaba, su'aasha waxa weeyaan sidee baa loo daaweeyn karaa ilowshaha?.
Dhakhaatiirta iyo dadka la taliya bukaanada waxay ku dadaalaan ugu horey inay ogaadaan xaalada qofka ka dibna waxay siiyaan Daawooyin kala duwan iyo talooyin gaar ah.
Waxa mar mar dhacda in uu qofku walbahaar ka qaado cudur aan maskaxda aheyn (sida Aids, Cancer, TB iyo Toogasho lagu xukumay qof kale oo u dhaw ama shil uu arkay IWM).
Daawooyinka waxa ka mid ah, in hadday maskaxdu qabto cudur ama iin Dhakhtar uu daawo u qoro. In hadduu qofku uu Jaceyl hayo uu helo Jaceykiisa. & In qofka buufiska qabaa uu gaadho hamigaas. Sidoo kale waxa laysku daaweyn karaa labada shey macaanka badan waa Qur'aan akhriska & muudmuusiga Malabka.
Waxaa la sheegaa oo kale in hilibka & subagga Gorayada (ostrich) lagu daweeyo Ilowshaha. Laakiin aniga tan maqal maahee si kale uma aqaan.
// Fiiro Gaadh ah: kala tasho (counselling) cida ay khuseyso ee laga helo halka aad joogtid.
/\ Ha isticmaalin daawo uu dhakhtar kuu qorin, xitaa hadaad aaminsan tahay.
REGARDS.

walaahi waxaad moodaa inaad a baartay halkii layga haayey waayo masakxadyda waxay la masqhuulsan tahay baan filayaa waa waxa rabo inaa helo war warse iga hayo inaa heli doono iyo in kale
maan qadaan wax daawo insha'allah alle ka cabsigaan badin doonaa idina ii soo duceeya in alle ila garan galo waad iska garanaysaan qof kolay dhalin yaro ah waa iska dhib badana yahay iyo in alle isolan siiyo waxaan raba  waad mahadsantahay walaalo


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66588
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69597
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62531
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46789
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45024
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc