Author Topic: Su'aal: Dhiiga caadada oo xawli u socda muxuu yahay?  (Read 33498 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Dhiiga caadada oo xawli u socda muxuu yahay?
« on: September 28, 2011, 06:53:24 PM »
Asc wrt wbt. Salaan dabadeed.
Dhakhtar, gabadh baa waxay i tidhi "Ii weydii dhakhtarka haddii dhiigga xaylka marku igu dhaco uu si xowli badan uu iiga socdo, waayo hoos galis ma isticmaali, mana rabi. (waxay tidhi ma raadin karo Alweys) inaan maryo hoos galis ka dhigto, xanuun yaroo xudunta hoosteeda ah mooyee wax kale ma jiro" Marka dhakhtar xowliga dhiigga uu u socdaa bay rabtaa in loo sheego in uu dhib yahay iyo in kale. Waxay kaloo leedahay "Aad baan u dhiig baxayaa" maxa talo ah?
~Thanks to Somalidoc.  


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiiga caadada oo xawli u socda muxuu yahay?
« Reply #1 on: October 07, 2011, 07:30:48 PM »


Caadada oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Menorrhagia", inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad dhaaf ka noqoto laakiin ma gaaraan heer ay dhiig badan lumiyaan oo la dhihi karo waxay qabaan "Menorrhagia" dhiig-bax caadada ah.

Haddii aad qabtid xaaladdaan, mar kasta oo caadada kugu dhacdo waxaad dareentaa dhiig badan iyo casiraad xagga caloosha hoose ah oo aad dareento.

Calaamadaha lagu garto in caadadu ay xad dhaaf tahay waxaa ka mid ah:
- In calalkaaga ay buuxsamaan saacaddiiba mar dhowr saacadood oo isku xigxiga.
- Baahi aad u qabto in aad hurdada ka soo toosto si aad calalka u badalato.
- Caadada oo socoto hal isbuuc ama ka badan.
- Caadada oo soo raacaan xinjirro waaweyn
- Howl maalmeedkaaga oo si sahlan u qabsan karin.
- Inaad isku aragto tabardarri, daal iyo neefsashada oo ku dhibto kuwaas oo daliil u ah in dhiig yari ku hayso.

Haddii aad isku aragto calaamadahaas kor ku xusan waxaad u baahanthay in takhtar aad la xiriirtay si laguu daaweeyo.

Waxyaabaha keeni karo caadada xad dhaafka ah waxaa ka mid ah:
1- Hormooniska oo isku dheellitirneyn
2- Ugxan sidaha oo sidii laga rabay u shaqayneynin.
3- Buro ka soo baxdo minka oo loo yaqaanno "Fibroid"
4- Fiix ka soo baxa dahaarka gudaha minka.
5- In qanjirrada minka iyo murqaha is dhex galaan oo keenaan cudur loo yaqaanno "Adenomyosis"
6- Haddii lagugu xiray qalab ka hortaga uurka.
7- Dilan uur ka dib wuxuu u ekaan karaa, caado xad dhaaf ah.
8- Kansar midka ku dhaca ugxan sidaha iyo afka minka.
9- Daawooyinka qaar sida: kuwa ka hortaga caabuqa iyo kuwa ka hortaga xinjiroobista dhiigga.
10- Xaalado caafimaad qaar sida Infekshanka ku dhaca haweenka, cillad xagga qanjirka toroodhka, xanuun ku dhaca dahaarka minka iyo hawlgabka kilyaha ama beerka.

Haweenka badanaa ka sheegta cilladaan waxay u badanyihiin labo koox oo kala ah:
1- Gabdhaha qaangaaray mar dhow oo sanadkooda ugu horreeya ku jira
2- Haweenka ku sii scodo dhalmo deyska kuwaas da' ahaan u dhaxeeya 40 illaa 50 sano.

Dhibaatooyinka ay reebto xaaladdaan waxaa ugu horreeya dhiig yari iyo xanuun saaid ah markii dhiigga uu socdo.

Baaritaannada lagugu samayn karo haddii aad takhtar la xiriirtid waxaa ka mid ah:
1- Baaritaan dhiigga ah
2- Baaritaan afka minkiisa ah
3- Baaritaan cad laga qaadayo minka.
5- Ultrasound ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyutar".
6- Raajo dheeh wadato oo minka iyo tubooyinka la saaro.

Markii takhtarka baaritaan buuxa iyo wareysi kula yeesho waxaa lagu siin doonaa daawooyin isugu jira kuwa dhiigga sare u soo qaado, xanuun baabi'iyayaal iyo daawooyin yareeya caadada badan kuwaasoo ka mid noqon karaan daawooyin ka hortagga uurka.

Haddii daawooyinka wax kuu tari waayaan waxaa jira dhowr qalliin loogu talalagalay xaaladdaan taasoo tii kugu habboon takhtarka kugula talin doono.

Caado Wareerka ama Caado Khalkhalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html
Caado Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaadka la xiriira, halkaan ku soo gudbi: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23177
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291276
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78256
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan ku xanusada caadada waxan helaa bishii labo jeer?

Started by SaakinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7837
Last post April 28, 2016, 04:37:20 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53609
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc