Author Topic: Su'aal: Qof Murugsanaa Haddii Uu Farxo, Ma Caafimaadayaa?  (Read 5737 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Qof Murugsanaa Haddii Uu Farxo, Ma Caafimaadayaa?
« on: October 07, 2011, 01:19:57 PM »
Asc wrt wbt... Bacda salaam.
Dhakhtar, gabadh walaashey ah ayaa sanadkan horaantiisii (Jan 2011) waxay safar dhinaca dhulka ah kaga timid Soomaaliya, markay soo dhaaftay xadka Kenya & Soomaaliya ee ay timid Xagar dheer, ayaa waxaa la waayey boorso weyn oo ay wadatay, hantideedii oo dhana boorsadaas bey ku wada jireen, waxa ka mid ahaa Dhukumentiyo loo soo dhiibtay, dhar, dahab iyo wax Alle wixii dumar jecel yahay.
Marka Dhakhtar, gabadha arrintaas aad ayey ugu niyad jabtay, waxana loo maleeyey inay waalan rabto, anagana waan u nimid meelo fogfog baan uga nimid wax walba waan ku daynay bal inay caadi noqoto hase ahaatee waan ku kari waynay. Haddaba dhakhtar waxaan bilownay aniga & laba wiil oo kale in aan Boorsadaas baafino Ilaahayna wuu nagu garab galay. Marka shalay (06/10/2011) ayaan Boorsadii oo aan la furin ka soo helnay xerada Qaxootiga ee Ifo, Boorsadaas wuxu Alle SWT galiyey gacan aamin ah. Sida ay dadkaas ku heleena waxay aheyd iyagoo ahaa darawalo Homy-ga kaxeeya. Boorsadana gaarigii ay saarneyd baa qaadi waayey buux dartiis, waana la isku dhiib dhiibay (gaariba gaari buu saarayey), kii u dambeeyey baa meel dhigay, warka baadi goobka markuu maqlay ayuu nala soo xidhiidhay, Boorsadii gabadhii baa lagu wareejiyey ayadoo aan wax shuruud ah lagu xidhin. Waan wada hubinay wax ka maqana boorsada ma jirto.
Marka Dhakhtar, gabadhii doraad iyo hadda isku mid ma ahan aad ayey u faraxday caafimaadkeeduna wuxu hadda noqday caadi. Maasha Allaah. Haddaba Farxaddu ma u daawaa muruggada gaar ahaan wixii laga murugsanaa oo farxaddooda la helo? Walaashey oo aan ogaa 10 bilood sidey aheyd iyo haatan oo ay xaflad farxaddeed dhigayso... Adduun iga dheh!


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qof Murugsanaa Haddii Uu Farxo, Ma Caafimaadayaa?
« Reply #1 on: October 07, 2011, 04:16:21 PM »
Murugsanaanta haddii ay tahay mid dabiici ah oo aan gaarin heer ay noqoto cudur qofka u diiddo harsi iyo hoyaad iskuna badasho cudur dhimir ah, markaasi waa dhib in qofka oo laga farxiyo kaliya uu ku daaboobo, inkastoo dadka u kala nugul yihiin cillada niyad jabka.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Qof Murugsanaa Haddii Uu Farxo, Ma Caafimaadayaa?
« Reply #2 on: October 07, 2011, 05:21:25 PM »
Thank you Somalidoc. I'm very happy to read your reply.
May Allah Bless You. Thank you again dear Doctor.
Talo SAARO Allaah


 

Haddii Ay Koronto (Electric) I Qabsato Mar Mar, Caafimaadkeyga Dambe Ma U Daran Tahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 8426
Last post April 08, 2012, 05:44:04 PM
by CilmiSabca
Dood Wanaag: Ceebaha Aanu Leenahay Haddii Aan Takhaatiir Nahay?

Started by AdminBoard Feel Free Here

Replies: 1
Views: 16857
Last post October 21, 2014, 10:04:59 AM
by Diagnostic
Su'aal: Haddii la isticimaalo kondhob datekiisu uu dhacay maxaa dhacaya?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7199
Last post April 06, 2012, 05:58:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9703
Last post May 19, 2012, 04:31:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haddii infakshan awgiis ilmo la waayo, maxaa talo ah?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6632
Last post April 25, 2015, 02:26:47 PM
by SomaliDoc