Author Topic: Su'aal: SSRIs?  (Read 8404 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Su'aal: SSRIs?
« on: September 29, 2011, 08:43:55 PM »
Walaal marka hore waan idiin salaamayaa dhamaantiin. intaa ka bacdi waxaan doonayaa inaad ii faah-faahisaan dawada la dhaho ama waxa loo yaqaan (SSRI's)?. walaal ii sharaxa ama liiskooda iisoo edit-gareeya, haday hal dawo qudha tahayna ii sheega magaceeda. waxaan kale oo u baahnaa inaad ii sheegtaan waxa loo isticmaalo?. waad mahadsan tihiin takhtaradayda qaaliga ahow.




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #1 on: September 29, 2011, 11:02:54 PM »
Salaam.
Walaal daawadaan waxaa loogu tala galay cudurrada Maskaxda, daawadaan lama siiyo qof uusan dhakhtar u soo qorin, waa daawo loogu tala galay in ay dajiso qofka, (daawada niyad jabka) waxa la helaa ayadoo kaniini, kaabsuul iyo oral ah. Abbr for: Selective serotonin re-uptake inhibitor(s). (Ssris).
DIGNIIN:
HA QAADAN DHAKHTAR LA'AAN.
Talo SAARO Allaah

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #2 on: September 30, 2011, 08:30:14 AM »
Cilmisabce, waad ku mahadsan tahay talada iyo digniinta culus ee aad iga siisay mawduucan aan doonayo in lay sharaxo, balse igama aha ssri waxaan rabaa in aan isticmaalo laakin waxaan doonayaa in aan ogaado cilmi ahaan iyo waxa ay tahay ama inta qaybood ee ay u kala baxdo ssri?  waad mahadsantihiin. waxaan sugayaa sharaxaada takhtarada ku takhasusay pharmacology-ga sida somalidoc. oo kale thanks

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #3 on: October 07, 2011, 02:44:26 PM »
SSRIs, waxaa laga soo gaabiayay "Selective Serotonin Re-uptake inhibitors" oo ah macanaheea daawooyinka sida khaaska ah u joojiyo dib-unuugist maadada Serotonin kaliya.

Waa group ka kooban dhowr daawo ah loona isticmaalo cudurka niyad jabka, cillada welwelka iyo cudurro kale.

Haddii sii faahfaahiyo, Serotonin waa maaddo kiimiko ah oo laga helo maskaxda howsheedane ay tahay in ay farriinta ka kala gudbiso unugyada maskaxda taasoo haddii ay ku yaraato unugyada maskaxda ay howlgabayso taasne ay keeneyso in qofkii uu noqdo sidii baabuur shidaal ka go'ay oo meel iska fadhiyo waana sida uu noqonayo qofka qaba cudurka niyad-jabka.

Marka daawooyinkaan la isku dhaho SSRIs waxay u diidayaan maadada Serotonin in la dhuugo taasne waxay keensanaysaa in ay ka buuxsanto unugyada maskaxda, sidaasne lagu xalliyo xanuunkii niyad jabka.

Daawooyinka SSRIs waa daawooyinka ugu muhiimsan daawenta niyad jabka waxayna ka koobanyihin daawooyinkaan oo kala ah:

Citalopram, Escitalopram, Fluoxetine, Paroxetine, Sertraline iyo (Fluoxetine + Olanzapine)

Daawooyinkaan waxay leeyihiin waxyeello sida: lalabo, af-qalleel, madax xanuun, shuban, kacsanaan dareen, hoos u dhigis dareenka jinsiga ah, kacsi la'aan, dhidid badan, cayilnaan, wareer iyo hurdo la'aan.

Daawooyinkaan lama qaato iyadoo takhtar kuu qorin maadaama ay tahay daawo wax ka badalayso qaabka shaqada maskaxda taasoo haddii aadan u baahneyn kuu keeni karo dhibaato caafimaad oo raad reebta.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Somali_Nabad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 24
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #4 on: October 08, 2011, 12:05:44 AM »
maasha allah, walaal sifiican ayaad iigu sharaxday su'aashaan jawaabteeda sugayay ee ahayd tan sare ku xusan, walaal waad ku mahadsan tahay dedaalkan iyo caawimadan aad markasta noogu deeqaysaan hadaanu nahay umadiina soomaaliyeed ee su'aalaha iyo taladaba idiin waydiiya. Thanks bro.

Offline Gantaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #5 on: October 09, 2011, 08:27:11 PM »
Walaal Marka hore waan idin saamayaa dhamaan dhakhaatiirta iyo membarka iyo martidaba  walaal  waxaan rabaa in la ii sharaxo  daawada diyad jabka ayaan qaatay  oo dhakhtar ayaa iiqoray aniga oo kacaban haya  biyo bax dag dag ah   markaan qaatay  waxaan  iku arakay  kacsi  la,  aan marka  magaca ku qornaana  waakan {rezak} marka dhibaatadaa intee in leg yay sii jiri kartaa waxaa laga jooga mudo laba bil ah talo iga siiya walaal jizz kumu allaahu khayr

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: SSRIs?
« Reply #6 on: October 15, 2011, 05:07:44 PM »
"Rezak" waa daawada fluoxetine hydrochloride oo capsules ah, waxaana loo isticmaalaa niyad jabka soo laalaabta oo wehliso welwel iyo cillada maskaxda ku taagan ee OCD.

Dawadaan waxay keentaa kacsi yari iyo hammi la'aan, haddii daawada la joojiyane waxay jirka ku sii jirtaa muddo dhan 5 isbuuc ah. marka in aad ka soo kabto cilladaan kacsi la'aanta waxaad filan kartaa 5 isbuuc ka dib.

Haddii cillada kacsi la'aanta ay sii jirto muddo ka badan labo bil oo awalna horay isugu arki jirin, waxaa habboon in aad la xiriirto takhtar si lagaaga daaweeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: