Author Topic: Dhego Beelid (Hearing Loss)  (Read 34404 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dhego Beelid (Hearing Loss)
« on: November 14, 2007, 07:40:48 PM »


Dhego beeliddu waa hoos u dhac lama filaan ah ama tartiib-tartiib ugu yimaada wax maqlidda.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo dhego beelid ah:
• Dhego Beelid ka timid dhego xirnaan
Dhawaqa ayaa xannibma. Tan waxaa badanaa keena dhukay meesha ku uruura.
• Dhego Beelid ka timid cillad dareenside ama neerfe
Dhibaatada dareemayaasha oo celisa maqal habboon. Tan waxaa badanaa keena gabowga.
• Isku Dhaf
Dhego beelidda hababka dhego xiranka iyo dareensidaha la wada saameeyey.

Sababaha
• Gabow
• Dhawaq dheer la kulanka
• Xannibaad - "dhukay"
• Jeermis dhegta ku dhaca
• Daawooyinka qaarkood
• Dhaawac madaxa iyo dhegaha ku dhaca
• Jirrooyinka qaarkood
• In dhibaato dhego lagu dhasho
• Xubno qoyska ka tirsan oo dhego la'

Calaamadaha
• Dhawaaqyada ayaa cidhiidhi gala.
• Dhawaaqyo aad u sarreeya ayey adkaataa in la maqlo.
• Way adag tahay in ereyada la fahmo marka uu dhawaaq xagga danbe ah jiro.
• Waxaad dadka kale weydiinaysaa in ay ku soo celiyaan hadalka, ama si gaabisa u hadlaan, oo kala cad ama qaylo ah.
• Waxaad u hadlaysaa si qaylo dheer.
• Waxaad ka fogaanaysaa wada sheekeysiga ama munaasabadaha bulshada.
• Waxaad kor u qaadaysaa codka TV-ga ama raadiyaha.
• Waad caajisaysaa, waxaadna dhegaha ka dhex maqlaysaa garaac jaras ama telefoon oo kale.

Daryeelkaaga
Baaritaanno ayaa lagugu sameyn doonaa si loo ogaado sababta dhego beelidda waxaana la cabbiri doonaa sida aad wax u maqli karaysid. Dhakhtarkaagu wuxuu hubin doonaa gudaha, dibedda iyo dhexda dhegtaada.
Iyadoo ku xiran sababta dhego beelidda, ayaa laga yaabaa in daaweyntaada ay ka mid noqoto:
• In lagaa saaro dhukayga
• Daawooyin
• Caawiye maqal
• Qalabka wax lagu dhegeysto sida headphones ama ileys biligleynaya ama gariiriyeyaal loogu talogalay jarasyada albaabka ama telefoonnada
• Qalliin
• Daaweyn si lagaaga caawiyo hadalka iyo maqalka

Ka hortagidda Dhego Beelidda
• Dhegahaaga ka ilaali buuqa sarreeya. Xiro dhego gashi marka aad ka shaqaynayso makiinado ama dhawaaqyo dheer.
• Ka fogow dhawaaqyada dheer sida muusikada, mootooyinka ama baabuurta.
• Iska baar maqalkaaga.

Akhriso qoraal ku saabsa Guuxa Dhegaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1839.0.html

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

HCG Recipes - Human Chorionic Gonadotropin Weight Loss

Started by DietDocBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 20491
Last post March 08, 2011, 02:19:57 PM
by DietDoc
Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)

Started by RashiidjakoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 94749
Last post January 06, 2015, 10:14:37 AM
by SomaliDoc
Two Simple And Working Fat Loss techniques that everyone can perform.

Started by Rummy26Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 6268
Last post November 26, 2010, 11:10:26 AM
by Rummy26
Lumista Aragga (Vision Loss)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Indhaha

Replies: 4
Views: 57344
Last post January 19, 2015, 02:24:47 PM
by SomaliDoc
Weight loss and hyponatraemia

Started by MalikBoard Questions, Exams & Study tips

Replies: 3
Views: 10486
Last post April 11, 2011, 08:37:50 PM
by Gilbert