Asc wrt wbt... Marka uu ilmuhu jiran yahay waxaa lagu garan karaa siyaabo kala duwan, waxaa ka mid noqon kara:
# Xaaladda caafimaad ee deegaanka, matalan haddii deegaanka aad joogtid ay ka jiraan cudurro la is qaadsiiyo (waxay u badan tahay mid ama qaarkood in laga yaabo inay ilmaha ku dhacan).
# Da'da ilmaha (inta bilood ama sanadood oo uu ilmuhu jiro) da'da ilmaha oo la ogaado waxa ay sahlaysaa in la garto cudurrada caruurta tusaale cudurrada dilaaga ah (lixda cudur ee caruurta, waxa muhiim ah in caruurta la talaalo, waxana shaqadaan qabta cisbitaalada talaalka wuxu ka hor tagaa cudurrada dilaaga ah ee caruurta) weydii Dhakhtarka cunuggaaga in uu talaal u baahan yahay cunugga iyo in kale {inta badan da'da ilmaha waa mid loo baahan yahay}.
# Haddii ilmuhu uu qandhaysan yahay, ogow, Qandhada ama kuleylka ilmaha <Fever> waxaa keeni kara waxyaalo badan, waxaa ka mid noqon kara; jawiga ama cimilada, ka soo qaad: duhurka ama duhurka iyo meelahaas (ilmaha oo meel aan hoos fiican laheyn joogay) markan oo kale waxa la moodi karaa inuu ilmuhu qandheysan yahay, gee ilmaha meel qabow oo hoos ah oo u qubee <biyo caadi ah isticmaal> dharkana ka fududee ama ka bixi dhamaanba [waa haddii aysan dabeyl xoog leh jirin]. Waxaa kale oo qandhada keena marka uu ilmuhu aad u hooyo. Qandhada ku timaada cudur waxaa lagu garan karaa ayadoo aad u daran, waxaanay gaadhaa ilaa 104`c IWM.
# Haddii ilmuhu uu isbadalo, tusaale haddii indhaha ama muuqaalada ilmuhu ay noqdaan si ka duwan sida caadiga ah, ama aad aragtid shuban joogto ah, matag cunto diidis & neefsashada oo is badasha (si xoog ah, ama si gaabis ah) qandho, IWM fadlan la xidhiidh Dhakhtar adiga oo wata warbixin ku saabsan marka uu xanuunka bilowday, wixii aad aragtay iyo haddii aad daawo siisay ilmaha (waligaa daawo uusan Dhakhtar u qorin ilmaha ha siinin, daawada dhig meel qabow, qalalan oo aanay caruurtu arki karin oo aysan gaari karin. Waligaa ASPIRIN ilmaha ha siinin hadduusan Dhakhtar u qorin).
# Sida ugu fiican ee aad u baran kartid cudurrada caruurta IWM waa adiga oo gala Dugsi caafimaad ama adiga oo u fiirsada ilmahaaga & sida uu dhakhtarku wax uga qabto.
> ha isku dayin in aad ka tusaalo qaadatid sida hebel ama hebel loo daaweeyey waayo cudurrada qaarkood ways shabahaan waana kala daawo...
Mar walba la tasho Dhakhtar si xal degdeg ah oo sugan aad u heshid...
Fiiro Gaar ah.
Haddii aad rabtid jawaab English ah waan kuu soo diri karaa.
Ugu dambeyn, Somalidoc waxaan ka wada sugaynaa Jwb.
Thanks to all...