Author Topic: Su'aal: Cunugeyga ma hadlo?  (Read 6263 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zamzam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cunugeyga ma hadlo?
« on: April 08, 2015, 03:55:33 PM »
Waxa i jogo ilmo sadax jir ah oon hadlin waxa ku adag hadalka mar marka qaar wow hadla eroyo lakiin dag dag ayow ku iloba mama ayow dhaha lkn si hadaq ah ayow uleyahay oo aniga mama ima dhahyo cunugeyga waligis mac ima siin oo ima shuminin ciyowna wax mafahamyo sidi ilmo 6bil jira ayow u hadaqa mararka qaar koritankisu wow fiican yahay miisankisu waa ok wax cudur ah maqabyo ama cafimad daro ah dhaqtar ayan ugeye waxow igu dhahay waxan uga shakisanahay cudurka omatism ama dhagaage lkn wax laguma xaqiijin wali waxa usi dheer marka lahadleyso indhaha kuma siinayo oo melkalo ku mashquula hada lahadleysid maba daremayo ina lahadleysid dhaqtar dhagaha geye dhagahisu wey fiican yihin wax wow maqla markan umu laye dabici ayan u umulay o waqtigisa ku dhalay wax dhibata lama kulmin malaga malaga yaba inow otism qabo?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunugeyga ma hadlo?
« Reply #1 on: April 11, 2015, 02:38:14 PM »
Marka hore waxaan ku faraxsanahay sida aad ugu kuur gashay fahmidda dhaqanka cunuggaaga, hooyooyin badan way ku adagtahay arintaan in ay fahmaan cillada heysato cunuggooda iyo waxyaabaha u gaarka ah ee uu kaga duwan yahay faciisa, kama hadlayo hadalka kaliya.

Xanuunada la xiriira cilldaha dhaqanka ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo "behavioural disorders" ma ahaan jirin cillado bulshada soomaalida aqoon dheer u leedahay ama aamisan tahayba, laakiin dhawaanahaan waxaa soo batay caruur badan oo waalidiintood ku qasbanaatay in ay geeyaan iskuullo khaas u ah caruurta u baahan daryeelka goonida.

Sababta cilladahaan ku badiyay illaa iyo hadda lama oga, inkastoo ay jiraan dad sheego waxyaabo badan sida tallaalka caruurta, cimillida iyo dhaqamada kala duwan ay ku dhashaan ama ku koraan, in soomaalida hidda socodkoodu u nugul yahay xanuunadaan, haddii wixii kicin lahaa ay jiraan sida tallaalka, daawooyinka iyo waxyaabo kalaba.

Way fiicnaan lahayd dad soomaali ah oo xiiseeyo diraasaynta cilladahaan inuu is barbar dhigo caruurta dibadda ku dhalata iyo kuwa gudaha ku dhasho, iyo haddii ay tahayba cillad jirta laakiin maadaama aanan aqoon buuxda loo lahayn aysan waalidiinta iyo takhaatiirta wadanka soomaaliya ka howlgasha aysan ku baraarugin ama u saariyaan cillado kale.

Waxa garashada xanuunada dhaqanka adkeeyo waxaa ka mid ah in astaamaha lagu garto ay ku kala duwan yihiin caruurta, qasab ma ahan in laga wada helo astaamahaas si loo dhaho: xanuunkaas ayuu qabaa, sidaa darteed takhtarka wuu kaga shakin karaa ilaa uu waqti fiican u helo cunugga oo uu la sheekaysto ama u fiirsado isagoo la dhaqmayo qof kale, maxaa yeelay ma ahan xanuun waraysi waalid wax lagu ogaan karo, ma ahan cillad baaritaan lagu hubin karo ee waa u fiirsasho iyo la-dhaqan wax lagu ogaado, waana sababta aan kuu leeyahay in aad u fiirsatid cunugaaga oo aad takhtarka warbixintaa la wadaagtid wax wayn bay ka qaadataa in xal la gaaro.

Astaamaha aad tilmaantay oo ah hadal-ka oo soo daahay, maahsanaanta ama la socosho la'aanta hadalka kaliya laguma ogaan karo cudurka autism-ka.

Fadlan halkaan ka akhriso waxa uu yahay Dhakaake ama Autism-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1052.0.html

Qoraalka astaamaha uu tilmaamayo oo dhan in laga helo ma ahan cunugga si loo dhaho, wuu qabaa cilladaan, qasabne ma ahan in laga wada waayo.

Laakiin waxaan kuu sheegayaa, cilladahaan heerar ayay kala leeyihiin, caruurta qaar way ka koraan oo isbadal ayaa ku yimaado, qaarne wuu ku daahaa, welwelka ugu weyn ee waalidka qabsado waa waxbaris la'aanta.

Waxaan kugula talin lahaa adiga iyo hooyooyinka heesto caruurta noocaan oo kale, in aysan niyad jab muujinin, in ay ogaadaan in ay jiraan dad mustaqbal weyn gaaray oo lagu tiriyo maanta aqoonyahannada caalamka wax ku soo kordhiyay in ay ahaayeen sidaan oo kale oo xittaa iskuullada laga bixiyay iyagoo la yiri waa doqomo, laakiin markii ay gaareen da' gooni ah ayay la soo baxeen maskax lala yaabay.

Ha is dhihin, cunugaaga wuu ku yasayaa hadduusan warkaaga la socon ama uu ku mashquulsan yahay wax kale adigoo la hadlayo, ha is dhihin waa rabshoole hadduu dagaalkiisa badan yahay, ha is dhihin wuu dhaga adag yahay haddii howshii aad u dirtay uu hilmaamo, ha is dhihin waa dhiblow haddii uu salka dhulka muddo ku hayn karin oo fudfudud yahay oo dhaqaaqiisa uu siyaado yahay, inta waa astaamo cillado dhaqanka la xiriira.

Waxaa jiro dhowr cilladooda dhaqameed oo aan dhakaakaha ahayn, waxaa ka mid ah cillad la yiraahdo "qalqaalinnimada iyo fudeedka caruurta" oo afka qalaad loo soo gaabiyo "ADHD", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.html

Haddii ay jiraan warbixinno dheeraad ah aad u baahan tahay ama aad nagu soo biirinaysid waan soo dahwaynaynaa, haddii aad su'aal ka qabtid qoraallada aan kuu tilmaannay waad na soo weydiin kartaa si aan kuugu faahfaahinno.

Caafimaad ayaan u rajaynayaa caruurta xanuunsan oo idil.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zamzam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cunugeyga ma hadlo?
« Reply #2 on: May 05, 2015, 12:26:56 AM »
asc wad mahadsan tihin sida sharafta badan ad igu so jawabten marka hada waxa lo qabtay qof qaas u ah oo bara wax yabaha usan keni karin wax walba ilah aya awodo ilah ha i tosiyo asago hadlayana ha ituso insha allah adinkana mahadsanidin sida niyada igu dhisten aad ayan idinku farxay

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunugeyga ma hadlo?
« Reply #3 on: May 07, 2015, 11:22:56 AM »
Aaamiin, allaha kuu xaqiijiyo rajadaada, dadaalka iyo ducadane halkaa ka sii wad.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxay indhahaygu la ilmeeyaan markaan ka hadlo arimaha qaar?

Started by A/qadir AbdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4167
Last post October 13, 2016, 09:34:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Mushkilad miyaa in qofku keligiis isla hadlo?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3719
Last post October 01, 2016, 03:22:58 PM
by SomaliDoc
CODSI QAABKA LOOGA HADLO CUDURRADA

Started by KhaalidBoard SD Support and Suggestions

Replies: 0
Views: 17956
Last post January 09, 2012, 11:38:27 PM
by Khaalid
Su'aal: Waa maxay QAROWGU uu qofku ku hadlo maalintii?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4819
Last post March 09, 2016, 01:04:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Jeegada ayaa kulul cunugeyga?

Started by Umu RitaajBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2678
Last post October 14, 2016, 06:50:19 PM
by SomaliDoc