Author Topic: Su'aal: Qof leh uur 2bilood ah ama ka yar computer mala saari karaa?  (Read 7531 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hassan-Deeq

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Asc wr wb dhamaan doctorska sharafta badan iyo asxaabta webkaba salaan kadib
Waxaa dhacday in dad badan oo asxaabtayda ah ay qaylo iyo waswaas ka keeneen markaan u sheegay in xaaskayga oo leh uur 2bilood ah
aan computer saaray iyagoo walaac xun ka qabo in ilmaha uurka ku jiro uu dhibaato u keenayo maadaama bilahoodu ay aad u yar yihiin runtii arintaasi aniga iyo xaaskaygaba walaac xun ayay nagu beertay marka waxaan doctorska qaaliga ah ka codsanayaa in ay bal arintaas wax macluumaad ah iga siiyaan si walaacaasi dhan nooga dhaco aad ayaan idiinku mahad celinayaa dhamaantiin doctorska webka oo markasta u taagan in ay walaalahooda ugu tabarucaan wixii cilmi ah ee ilaahay baray SC WR WB




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qof leh uur 2bilood ah ama ka yar computer mala saari karaa?
« Reply #1 on: October 07, 2011, 05:03:14 PM »
Wax dhibaato caafimaad ahaan maba keeno baaritaanka computerka, waana la saaraa haweenka uurka billawga ah, waliba iyagoo usbuucyo uur leh ayaa la saaraa.
Wax dhib ah uma geesto hooyada iyo dhallaankeedaba.

Halkaan ka akhriso waxa kumbuyutarka uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1717.0.html

Halkaanne ka akhriso tillaabooyinka la qaado daryeelka dhalmada ka hor: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,364.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: