Author Topic: Su'aal: Xanuun ayaa iga haayo lugta midigta?  (Read 7693 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hidaayo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Xanuun ayaa iga haayo lugta midigta?
« on: October 10, 2011, 05:45:23 PM »
asc wr wb walaalayaal allah ajar idinka siiyo  sida aad ugu jawaabtaan walaalihiina somaliyeed walaal waxaan qabaa su,aal sidan maxaa sababa xanuun ayaa iga haaya lugta midigta ah waxoow igu bilaaday marki ugu horesay anigoo ur leh 2004 ilaa hada waa ihayaa xanuunkaas waa leyga saaray raajo sinta waxba kama qabtid baa layiri waxoow iigu daran yahay waqtiga caaadada soo socoto oo ilaa madax ilaa cagta dhexdeeda oow iga qabaa uma jiifa karo midigta waxaan tegay dhaqtarka naagaha waxba maqatid baa layiri lkn waxaa iga xiran  tuubka midigta  ey dheheen  baartinaan kasta waa maray in kastoo wax iga sheega aan arkin  wax ey tahay aan waayay  majiraa xidid usu qabta ultaraha iyo cagta dhexdeeda hadiise oow jira maxa lagu yiraahdaa caafimaadka  waa mahadsan thiib  wsc wr wb




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun ayaa iga haayo lugta midigta?
« Reply #1 on: October 15, 2011, 05:58:33 PM »
Markii hooyada uurka leh u gudubto bilaha dambe ee uurka waxaa uurjiifka culeyskiisa uu saaraa neerfaha loo yaqaanno "Sciatic Nerve" oo u qaabilsan dareen siinta lugta laga billaabo sinta.

Haddii dhaawac uu gaaro neerfahaas wuxuu keenaa xanuun loogu magac daray neerfaha oo loo yaqaanno "Sciatica".

Sciatica waa xanuun wata kabuubyo oo ka billawdo barida gudaheeda kaasoo u gudbo qaybta dambe ee bowdada iyo lugaha. xanuunkaan marmarka qaar wuu daranyahay oo qofka kama shaqaysan karo.

Laakiin markii cunugga uu badasho booskiisa, hooyadu way nafistaa, xanuunkane wuu qarsoomaa.

Xanuunka labaad ee sinta ku dhici karo xilliga uurka waa mid ku faafsan sinta illaa lugta tanoo ka timid culeyska uurjiifka oo kala sikiyay lafaha yaryar ee miskaha, cadaadiskaan oo ka yimid culeyska minka. xanuunkaan hooyadu markuu hayo waxay aad u dhibsataa in ay dhinac dhinac u seexato, qaabkaan ay ka helaan haweenka uurka leh.

Xanuunka kale wuxuu ka imaan karaan dabcis ku timid xeiyada iyo seedaha miskaha ee isku hayo lafaha meesha ku jira sababtoo ah xilliga uurka waxaa la soo daayaa hormoonno dabciya seedahaas si foosha uu eebbe ugu fududeyn lahaa uurjiifka, lafahane ku kala sikan lahaayeen, marka haddii cunuggu uu aad u culus yahay ama uu weynyahay waxay keenaysaa in lafahii ay aad u kala durqaadaan, seedihiina ay dabcaan, halkaas ayuuna xanuunka ka yimaadaa.
Xanuunkaan waxaa lagu garan karaa barar sinta ka soo muuqda, lugta oo aan kor loo qaadi karin, labada lugood oo aan la kala sikin karin, hal lug oo aan lagu istaagnaan karin.
xanuunkaan waxaa mar mar la socdo in celiska kaadida ay dhibaato noqoto.

Sadaxda xanuun ee kor ku xusan waa la dareemaa xilliga caadada.

Marka xanuunnadaan maahan kuwo lagu fahmi karo baaritaan raajo iyo wax la mid ah, laakiin hadduu takhtarka aqoon u leeyahay xanuunnadaan wuxuu ku ogaan karaa kaliya waraysi iyo wiisito.

Fadlan la xiriir takhtar aqoon u leh xanuunnadaan si loo garto xanuunka ku hayo noociisa.

Haddii aad dooneyso in aad adiga baarato xanuunnadaan oo isku fiiriso calaamadaha aad dareemeyso iyo kuwa laga sheegay, baaro cudurradaan hoose ku qoran.
1- Sciatica (pregnancy) or (menstruation)
2- Pelvic Gridle Pain.

Haddii aad u baahatahaya faahfaahin dheeraad ah waa na weydiin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33265
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32310
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41632
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41345
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan
Su'aal: Maxaa dhibaado ah ayaa lagala kulmi karaa hadii haweynee caado Qabto loo jamaco?

Started by AlkatraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 64051
Last post April 29, 2016, 09:52:03 PM
by SomaliDoc