Author Topic: Su'aal: Qiiqa Gaadiidka Ma Sun baa?  (Read 6178 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Qiiqa Gaadiidka Ma Sun baa?
« on: October 08, 2011, 11:44:09 AM »
Asc wrt wbt. Bacda salaam.
Dhakhtar, waxaan mar walba neefsanaa urta shidaalka gaadiidka, gaar ahaan batroolka iyo naaftada gaadiidka, urtaas oo inta badan ka baxda gaadiidka gadaashooda.
Gaadhi yar oo waxaan leeyahay patrol ah. Markaan guriga galinayo dib dib ayaan u galiyaa, cidhiidhi dartiis, marka waxa dhacda in ay urtii shidaalku guriga gudaha u gasho. Haddaba Dhakhtar qiiqaas iyo urtaas patrolka ma sun baa? Caruurta haddii ay si joogta ah u neefsadaan (carbon monoxide) maxaa dhici kara? Dhakhtar, Anigu wax dhacay maan arag haddii laga reebo xaaskayga oo igu tidhaahda "Walaalow gaadhigaan garaash soo dhigo urka shidaalka waan ka laba labeynayaa'e"
sidaan darteed ayaan su'aashan meel aan saaro u rabaa. Caafimaad ahaana gaadhiga oo daba taagan midka kale oo shidan kana horeeya kayga haddii aan isticmaalo air conditioner daaqaduhuna ii xidhan yihiin, kaa iga horeeya qaaciisa ma ku sumoobi karnaa aniga iyo asxaabtayda? (inkasta oo aan gaadiid dabada =tail gate= u daba galin).
Waxa aan rajeynayaa in aad su'aashayda garatay. Thanks.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Qiiqa ka Gaadiidka ma Sun baa?
« Reply #1 on: October 16, 2011, 12:41:38 AM »


Qiiqa gawaarida ee siidaayaan waxay halis qatar ah ku tahay caafimaadka biniaadanka, tani waa mid la isku raacsanyahay.
Qatartaas waxaa loo kala qeybiyaa qatar qofku dareemo waqti dhow iyo qatar in ay ka soo muuqato qaadato waqti aad u fog.

Haddii aan ku billaabo qatarta dhaw waxaa ka mid ah in ay saameyso habdhiska neefsashada jirka iyagoo qofku dheefsado qiiq wata hawo sun ah oo loo yaqaanno "Carbon Mono-oxide".
Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo waxyaabaha ay keento hawadaan sunta ah ayaa halkaan lagu soo koobi karin laakiin haddii aan wax ka taabto waxaa ka mid ah:
1- Wadnaha shaqadiisa oo hoos u dhigo
2- Cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco
3- Naqaska oo qofka qabto
4- Madax xanuun, daal iyo lalabo oo marka ugu horreyso ah
5- Wadna garaac iyo tartar isku jiro
6- Sanbabada oo biyo galaan
7- Howlgab kilyaha ah
8- Sonkorta jirka oo kacdo
9- Murqaha jirka oo kaco iyo jarayn
10- Dhimasho haddii laba jeer kaliya aad dheefsatay haddii qiiqa cufnaantiisa ay gaarsiisantahay 12,800 ppm

Waxaa intaa sii dheer, in qiiqa ay ka mid yihiin gaaskii oo hawo laga dhigay oo qofka hadduu neefsado isagane uu wato halisyo kale oo ay ka mid tahay xirfadda xifdinta oo hoos u dhiganto, saalsaal muddo gaaban ah, hurdo la'aan iyo qofka uu waasho.

Qataraha ay cilmibaarayaasha ay sheegeen in qiiqa baabuurta oo la neefsado muddo dheer waxaa ka mid ah inuu keeno hawlgab wadnaha ah iyo kaankarada sanbabada.

Haddii aad neefsato qiiq baabuurta waxaad isla markii dareemeysaa madax xanuun, wareer, tabardarri iyo lalabo.
haddii aad sii neefsato waxaa dareemeysaa matag iyo feeraha oo ku xanuuno, haddii aad sii wado waad suuxaysaa, kadibna wadnaha ayaa ku istaagaayo.
Qaabkaas ayaa lagu fahmaa in aad ku sumoobi rabtid qiiqa baabuurta.

Sababta ay dadka dhakhso ugu sumoobaan qiiqa carbon monoxide-ka ayaa waxa ay tahay in unugyadeenna dhiigga cascas ay awood soo jiidasho xoog badan ay u leeyihiin canaasirta carbon mono-oxide in kabadan soo jiidashada cunsurka oksajiinka.
Marka haddii aad neefsato qiiq, hawadii oksajiinka ma neefsan kartid oo jirkii ayaa diidayo tani macnaheeda waxaa waaye, haddii guriga qiiq baabuur ku jiro macnaheeda maahan oksajiin badan ayaan neefsanaa oo qiiqa carbon monoxide-ka jirka waa laga soo saarayaa oo dhib ma ii geysanaayo.

Qiiqa baabuurta waa halis wuxuuna aad halis ugu sii yahay haweenka uurka leh iyo caruurta yaryar oo aan xamili karin inta ay dadka waaweyn xamili karaan.

Waagii hore waxaa qiiqa baabuurta loo adeegsan jiray in la isku dilo maadaama uu waqtigaas ahaa arinta ugu sahlan oo la isku dili karo iyadoo qofka uu qiiqa baabuurka ka soo baxayo uu wajiga la galo muddo daqiiqado ah kadibna ay sanbabada istaagi jireen, laakiin waqtiyadaan waxaa soo baxay dariiqado tii hore ka fudud oo qofka isku dili karo.

Haddii aad qabtid su'aal caafimaadka ku saabsan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Qiiqa ka Gaadiidka ma Sun baa?
« Reply #2 on: October 16, 2011, 04:33:55 AM »
Waan wada fahmay jawaabta su'aasheyda. Waadna mahad san tahay Somalidoc.
Talo SAARO Allaah