Author Topic: Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?  (Read 7685 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hashi1234

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?
« on: October 19, 2011, 05:07:52 PM »
walaal waan ku salaamay ,waa naad  ku  mahadsantiihiin walaale waxan  qabaah sonkor iyo korostalool iyo balagbarashar. marka walaal waxaan qaataah dawooyin badan  oo ay ka mid yihin kuwa gliclazid 80mg twotaken twice iyo metformin 2suxii 2 qadada 2 habeenka iyo
simvastatin 40mg1 maalintii iyolastus inj 100 units ml 20ml habeenkii iyo humalog cartridges 3ml 100units\ml waxaan qaataah 6 ama 8ml qadada ka hor iyo ramipril capsules 10mg 1 xabi haeenkii iyo amlodipine 5mg 1 xabo maalintii iyo calcim carbonate 1.5grams + micrograms 2 xabo malinti iyo habeenkii waxaan kaloo qaataa dawooyin kale oo ay ka mid yihiin waxaan qabaa gas  ama  gaastariiga  gaska ah oo habeenki  aan laabjeemo  marmar  waxaa laisiiyaah  kaniini kaabsol ah marna waxaa qaataah liquid paraffin  and myristate 500gr 2 qaado habeenki   waxa i xanuuna  kalyaha iyo dhabarka waxaan qaataah  kaniini  co-codamol 30\500 capsules 2  xabo  afartii saac  kadib.
walaale waxaas oo dawooyin ah baan qaataa.waxaa kale ii raaca  caloosha  i adag oo ay igu adaga tahay  mushqusha oo laga yaabo in aan tagin 3 maaloo ilaa aan  istilmaalo dawooyinka caloosha jilciya marka walaale maxay igu keeni karaan dawooyinkaas badan oo aan qaadanaayay mudo badan . sonkortu waxay igu bilaabatay 2001kii. waxaa kale oo la igu sameeyay indhahayga leesat  isha bidix dhawaam
waxaa u  baahnahay latani iyo maxay tahay sonkor aan qabo  nooceeda waan mahadsan tahay walaale




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?
« Reply #1 on: November 01, 2011, 09:47:39 PM »
Walaal marka hore allaha ku caafiyo.
Marka xigta daawooyinka aad qaadanayso aad ayay u badanyihiin, inkastoo ay ku xirantahay takhtarka aad la socotid, maxaayeelay takhaatiirta qaar ayaa neceb in qofka sidaadoo kale u xanuunsan in ay siiyaan intaas oo daawo ah maxaayeelay dawooyinka qaarkood iyagaa lid isku noqon kara oo isla falagali kara, qaarkood waxaa laga yaabaa in ay culeys ku noqdaan howsha beerka iyo ka sifeynta jirka taasoo iyadane saameyn ku yeelan karto kilyaha.

Marka talada ugu fiican aan ku siin karo waxay tahay haddii aad leedahay takhtar aad la xiriirtid oo joogto ah oo xaaladdaada dhamaantood la socdo oo isaga kaliya uu kuu qoray daawooyinkas oo dhan waa in aad u tagtid oo aad ka codsatid in aad daawoyinkaan badan aadan ku faraxsanayn oo aad dhibsanaysid kadib wuxuu samayn karaa in xaaladdaada uu qiimeeyo kadibna uu gaaro go'aan ah in uu kuu qoro kaliya daawooyinka aadan ka maarmi karin kuwa kale aad si dabiic ah laguu daaweeyo tusaale ahaan: hadduu calooshu taagantahay in aad ku jilciso cunnooyinka calosha socodsiiyo oo kale inta aad qaadan lahayd daawo caloosha jilciso, haddii sonkortaada ay tahay mid la kontorooli karo oo daggan in uu hal daawo kuugu ekeysiiyo meesha aad ka qaadanaysid dhowr daawo oo akal duwan, in haddii aad gaas qabtid aad si dabiici ah isku daaweysid oo cunnooyinka gaaska u roon aad badsatid iskana joojisdi kuwa gaaska kiciyo.

Waxaa jiro talooyin noocaas oo kale oo badan waa haddii shardiga kor ku soo xusay oo ah in takhtar kaliya aad xiriir la leedahay xanuunkaagane uu ka war qabo.

Haddii aadan la hayn takhtar kuu gooni ah waa qasab in aad yeelato maxaayeelay xanuunnada ku haayo waa xanuunanda raago oo kuwa laga reysto maahan tani macnaheeda waa in aad wadi doontid waligaa daawo, marka waxaa laga yaabaa in daawooyinka aad la qabsatid oo u baahatid in aad leedahay takhtar og xaaladdaada caafimaad iyo wixii isbedel kugu dhaco markaas latalintiisa way ku anfacaysaa.

Weligaa daawo aan laguu qorin ha qaadan, hal takhtar ka badan hala xiriirin, haddi ay noqoto in ay kuu suura gali wayso takhtarkaaga in aad joogteyso, samayso warbixn caafimaad oo tafatiran oo xalladdaada ku saabsan si takhtarkii kuugu cusubba aad ula socodsiiso.

Daawooyinka aad qaadato ee fitamiinnada iyo macaadinta ku jirto iyagane waxaad ku badalan kartaa cunnooyin dabiici ah iyagane oo waxtar ka badan daawada lahaan karo waa haddii fitamiinka kaa maqan ama macdanta kaa maqan aysan saameyn dhimis ah ku haynin daawooyinka aad qaadatid markaas waa qasab in aad daawo fitamiin ama macdan aad qaadatid.

haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama aad faahfaahin u baahantahay waad na waydin kartaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15847
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21110
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15534
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48101
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: laab-jeex badan iyo carabka dhanaan i noqdo markii wax macaan cabo?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 22771
Last post October 16, 2011, 12:04:08 AM
by SomaliDoc