Walaal marka hore allaha ku caafiyo.
Marka xigta daawooyinka aad qaadanayso aad ayay u badanyihiin, inkastoo ay ku xirantahay takhtarka aad la socotid, maxaayeelay takhaatiirta qaar ayaa neceb in qofka sidaadoo kale u xanuunsan in ay siiyaan intaas oo daawo ah maxaayeelay dawooyinka qaarkood iyagaa lid isku noqon kara oo isla falagali kara, qaarkood waxaa laga yaabaa in ay culeys ku noqdaan howsha beerka iyo ka sifeynta jirka taasoo iyadane saameyn ku yeelan karto kilyaha.
Marka talada ugu fiican aan ku siin karo waxay tahay haddii aad leedahay takhtar aad la xiriirtid oo joogto ah oo xaaladdaada dhamaantood la socdo oo isaga kaliya uu kuu qoray daawooyinkas oo dhan waa in aad u tagtid oo aad ka codsatid in aad daawoyinkaan badan aadan ku faraxsanayn oo aad dhibsanaysid kadib wuxuu samayn karaa in xaaladdaada uu qiimeeyo kadibna uu gaaro go'aan ah in uu kuu qoro kaliya daawooyinka aadan ka maarmi karin kuwa kale aad si dabiic ah laguu daaweeyo tusaale ahaan: hadduu calooshu taagantahay in aad ku jilciso cunnooyinka calosha socodsiiyo oo kale inta aad qaadan lahayd daawo caloosha jilciso, haddii sonkortaada ay tahay mid la kontorooli karo oo daggan in uu hal daawo kuugu ekeysiiyo meesha aad ka qaadanaysid dhowr daawo oo akal duwan, in haddii aad gaas qabtid aad si dabiici ah isku daaweysid oo cunnooyinka gaaska u roon aad badsatid iskana joojisdi kuwa gaaska kiciyo.
Waxaa jiro talooyin noocaas oo kale oo badan waa haddii shardiga kor ku soo xusay oo ah in takhtar kaliya aad xiriir la leedahay xanuunkaagane uu ka war qabo.
Haddii aadan la hayn takhtar kuu gooni ah waa qasab in aad yeelato maxaayeelay xanuunnada ku haayo waa xanuunanda raago oo kuwa laga reysto maahan tani macnaheeda waa in aad wadi doontid waligaa daawo, marka waxaa laga yaabaa in daawooyinka aad la qabsatid oo u baahatid in aad leedahay takhtar og xaaladdaada caafimaad iyo wixii isbedel kugu dhaco markaas latalintiisa way ku anfacaysaa.
Weligaa daawo aan laguu qorin ha qaadan, hal takhtar ka badan hala xiriirin, haddi ay noqoto in ay kuu suura gali wayso takhtarkaaga in aad joogteyso, samayso warbixn caafimaad oo tafatiran oo xalladdaada ku saabsan si takhtarkii kuugu cusubba aad ula socodsiiso.
Daawooyinka aad qaadato ee fitamiinnada iyo macaadinta ku jirto iyagane waxaad ku badalan kartaa cunnooyin dabiici ah iyagane oo waxtar ka badan daawada lahaan karo waa haddii fitamiinka kaa maqan ama macdanta kaa maqan aysan saameyn dhimis ah ku haynin daawooyinka aad qaadatid markaas waa qasab in aad daawo fitamiin ama macdan aad qaadatid.
haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama aad faahfaahin u baahantahay waad na waydin kartaa.