Author Topic: Qeyb Cusub Ka Waran?  (Read 20416 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Qeyb Cusub Ka Waran?
« on: November 18, 2007, 06:18:02 AM »
Waxaan jecelnahay bilawga sanadkan cusub inaan ku soo kordhino webka qeyb cusub oo loogu tala galay inay ka faaideystaan xubnaheena sharafta leh.

Qeybtaan waxaad ka heli kartaa barnaamijyo loogu tala galay inay kugu kaalmeeyaan waxbarashadaada ama shaqadaada, oo qeyb walba iskugu jira, ha ahaato arday, dhakhaatiir, sheybaariistayaal, farmashiyistayaal iyo kalkaaliyaalba.

Barnaamijyadaan oo aad idinka sidii aad jeceshihiin u soo dalban kartaan, wixii ra'yi aad ka qabtaane aad halkaan ku soo gudbin kartaan.

Barnaamijyadaan oo aan anaga programmin doonno, waxaa ka dajisa kari doontaa webkaan lacag la'aan, ee fadlan hadii uu jiro barnaamij maskaxda aad ku heyso, bulshadane wax u tari karo, caafimaadne ku lug leh noo soo gudbi.

Ra'yigiina aad ayuu muhiim u yahay.

FG: Martida na soo booqata xubano aanan ka aheen webka waxa ay fikradahooda ku soo gudbin karaa emailkan (admin@somalidoc.com).

Dr.Mahdi


"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


Offline Abdullahi!

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 138
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Do your best today coz tomorrow may never exist!
    • Somali Medical Association
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #1 on: November 18, 2007, 11:31:24 PM »
Sorry for my lengthy absence from the forum, i was very busy preparing for exams. I am happy to see the increase in the number of members and the development of the website, thanks to the admin team. Hopefully i can be more active nowadays and contribute more to SomaliDoc Forums.

It's a good idea, and I welcome it.
it would however be better if you informed us more about these programs.
what kind of programs are they?
what exactly do they do?
do we have any programmers on SD forums that can code these programs or do we provide links for existing programs?

If it is as I think then i would suggest that the diagnosis program on SD interests page be made available as a downloadable file. I would also like you to give us an example of any programs, and what should their main aim be?

Dr Abdullahi
Everybody wants to go to heaven; but nobody wants to die. Everybody will die, but everybody will not go to heaven.

Offline Dr.Noora

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 236
  • Points: +15/-0
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #2 on: November 19, 2007, 12:45:01 AM »
Salaam

waa fikrad fiican Admin waana ku mahadsantahay dadaalka aa wadid laakiin sida uu xusay Dr Abdullah yaareet hadaa noo sheegi laheed programs yaasha ama tusaale ka bixin laheed adoo mahadsan..

Salaam



you're the peace in my soul
that's why I will never really be alone

Dalxiis kaagamaan tagin Dalkeegoow
Dr.Noora

Offline Kassim

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 41
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #3 on: November 19, 2007, 04:07:30 PM »
Salaam, first to Dr Mahdi, and then to all Somalis
Waxaan  aad  ugu fraxsanahay  fikrada uu soo jeydiyey walaakeena .
As Sis Noora and Bro Abdullahi, give us an idea, clue, hint.  waxaan diyaar u ahay in aan ka qaato kaalin.
salaam
???????? ??????????? ????????? ?? ?????? ??????? ??????

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #4 on: November 19, 2007, 10:56:26 PM »
Waa ku mahadsantihiin ra'yiga aad ka dhiibateen mawduucaan.
walaalkeen kassim-ne wuu ku mahadsanyahay rabitaanka uu rabo inuu nagala qeyb qaato.

kowda hore barnaamijyada weli sameentooda lama bilaabin, waxa kaliya oo hada loo baahanyahay waa in la ogaado ra'yiga aad ka qabtaan iyo wixii aad nagu soo biirin kartaan, ilaa hadane dhowr barnaamij ayaa miiska noo saaran aana is leenahay waxtar way u leeyihiin xubnaheena sharafta leh iyo bulshadeenaba, waxaan u kala qeybinay barnaamijyadaas qeybaha bahda caafimaadka ku jirta inta ay kala yihiin:

1- Ardeyda Caafimaadka Barata:

  • Medical Student Mnemonics: waa barnaamij ay ardeyda ku keydsan karaan, si sahlane ugala soo bixi karaan, waxa loo yaqaano "Mnemonics" iyagoo awooda in ay u baartaan maado maado. (mnemonics waa erayo laga soo gaabiyay hadalo badan si ardayga ugu sahlanaato xifdintoda) qaar ka mid ah halkaan ka akhriso
  • Student GPA Recorder: barnaamijkaan oo ardayda ku saacidayo inay ku keydsadaan si automatic ahne ugu xisaabinayo darajada ay keensadaan imtixaanka, waxaa kaloo gali kartaa darajada aad rabtid inaad ku qalin jabisid, wuxuuna kuu sheegayaa semester walba inta lagaa rabo inaad keensatid iyo inta kaa dhiman.
  • Elements Values: barnaamijkaan oo u sahlaya ardeyda inay ku keedsadaan sida Na+, Ca+, K+ iyo wixii la mid ah, inta ay ku yihiin jirka. (ardeyda wuxuu dooranyaa element kadib waxa uu galinayaa lambar kadib ayaa loo sheegayaa sida caadiga ah iyo inuu badanyahay iyo inuu yaryahay iyo waxyaabaha keeno)
  • Trade & Chemical names of each drug: ardeyda oo mushkilad wayn ka soo waajahda dhinacaas ayuu barnaamijkaan ka kaalmeynayaa, daawada magaca loo yaqaano iyo mida shirkadaha kala duwan u bixiyaan.
  • Body Mass Index: barnaamijkaan waxa uu kuu sheekay miisaankaada sida laga rabo, haduu badanyahay siyaabaha aad ku yareen karto iyo haduu yaryahay siyaabaha aad ku siyaadin karto.
  • Medical Links Database: waa barnaamij aad ku keydsan karto webyada ugu muhiimsan ee aad ka faaideysan karto dhinaca caafimaadka iyagoo aad u kala qaybinayso qeybaha ay kala yihiin.

2-Dhakhaatiirta:

  • Your Library: barnaamijkaan oo dhakhaatiirta ay ku keedsan karaan buugaagatooda, si sahlane ula socon karaan, haduu qof ka qaatay iyo inta maalin uu ka maqanyahay, inta nooc oo kitaabo uu heesto ku waasoo maado maado ahaan ugu xifdisan karo barnaamijkaan, iyo waxyaabo kale oo badan.
  • Your Patient Data System: barnaamijkaan dhakhtarka waxa uu ka kaalmeynayaa inuu bukaankiisa wixii information ku saabsan uu ku keedsado si hadhowtii uga warqabo caafimaadkooda, lana socdo marwalba ay u imaadaan, taariikhdoodii jirada, iyo waxyabo kale oo badan.
  • You Operations Data: waxaa barnaamijkaan uu anfacayaa dhakhaatiirta qaliinka ku taqasustay si ay ugu keydsadaan bukaanka ay qaleen, cudurka uu qabay, qaliinka sida uu ku dhamaday, goormee loo baahanyahay inuu soo laabto, kaasoo ku saacideysa dhakhtarka inuu ka diyaarsado hadhowtii "statistics".
  • Antenatal Care Database: barnaamijkan waxuu wax u tari kara dhakhaatiirta iyo hooyooyinkaba kuwaasoo awooda inay kala socdaan wixii macluumaat ee ku saabsan uurkooda, iyo baaritaanada lagu sameeyo sanad kasta, iyo wixii waanooyin ah, iyo goorka looga baahanyahay inay dhakhtar aragto
  • Children Growth Chart: waa barnaamij aad uga war qabi karto ilmahaaga koriinkooda
  • Children Vaccination Record: waa barnaamij aad ku keydsaneyso ilmahagaaga talaaladooda, kuuna sheegaya goormee lagaa rabaa inaad ilmahaaga talaasho, iyo cunug walba meeqo talaal ayuu qaatay meeqo ayaana u dhiman
  • Differential Diagnosis: waa barnaamij kugu kaalmeenaya cudurka bukaankaaga uu qabo, waxaad galinaysa calaamadaha iyo baaritaanadiisa, jawaabo dhowr ah ayuu ku siinayaa.
  • Doctor's Phone Book: waa barnaamij aad ku keydsan kartid asxaabtaada cinwaanadooda, iyo balamadaadaba.

3- Farmashiilayaal:

  • Your Pharmacy: Waa barnaamij ganacsi ay u sahlaya farmashiilayaasha inay ku kontroolaan daawooyinka farmashiyaha u yaala, inta uga hartay, goorka ay dhaceyso daawo walba, qiimaheeda, wadanka lagu sameeyay iyo wixii lamid ah.
  • Medial Tools: kane waa barnaamij kale oo ganacsi oo khuseeya qalabka caafimaadka

4- Maareeyaha isbitaalka:

  • Hospital management system: kani waa barnaamij aad ku maamuli kartid isbitaalka aad maareeyaha ka tahay, qeybihiisa kala duwan, inta qof ee ka shaqeysa, fasaxyadooda, nooca shaqada ay qabtaan, iyo waxyaaba kale oo badan

4- Sheybaariistaha:

  • Laboratory Data Collection: waa barnaamij kaalmeenaya sheybaaristaha si uu ugu qorto bukaan walba iyo baaritaanadiisa, daabacan karana.

5- Bukaanka:

  • waa barnaamij bukaanka qaba cudurada aanan harin sida sonkorta, dhiigkarka ay ku keedsadaan baaritaanadooda, iyo waxyaabo kale

Barnaamijyadaan waa inta aan hada soo aruurinay hadii ay jiraan barnaamijyo kale oo aad jeceshahay in lagu daro ama fikrad aad ka qabto mid kamid ah kuwaan kor aan ku soo sheegay, fadlan ra'yigaaga ka dhiibo.

Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Abdicade

  • Newbie
  • *
  • Posts: 22
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • hi its me pharmacist hope will enjoy alot
    • abdicade
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #5 on: November 20, 2007, 06:15:41 PM »
 

 i may thank first dr. mahdi and all other members for their contrubution of this site  i hope this site will be more useful for the future generation .

it is really very good idea and i welcom it .........and may allah help you for anytime .
abdifatah

Offline Ebyan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #6 on: November 25, 2007, 07:43:17 PM »
Salaam qaali ah To aaall of you. hadii aan ra,yigaga ka dhiibto Qaybta cusub, aad ayaan u soo dhaweeynayaa waayo waxaan u arkaa faa,iido noo soo korortay. thanx.

by Ebyan

Offline Moha

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #7 on: November 26, 2007, 11:10:41 PM »
salaamu calaykum dhamaantiin...  i m thrilled to see fellow Somali professionals  trying to build something immensely beneficial... and i hope everyone of us contributes.. as much as possible...  Admin,Dr Mahdi. keep up the good work buddy..  eeen waxaan ka dhihi lahaay... qaybta ah patient data system xoogaa waxaad moodaa inay dr somalida ah siinan wax ahmiyad ah oo even most of them aysan ka qaadin wax history ah leave alone inay data ka xafidan... so its good to advocate for that lakin most doctors are reluctant to share the data of their patients on grounds of ethics,so lets omit that part.. the first time i read this i wanted to add a topic like... the importance of knowing ur blood group//... i have seen so many somalis  who never came to know their blood group... esp waxa iga sii naxshay ayaa waxay tahay ..some of them had gone through NATURAL DELIVERY OF SEVERAL KIDS!!!... practically we cannot test them here laakin in la wacyi geliyo  inay sameeyaan.. baaritaan.. and then the vaccination program as u mentioned, waxaan dhihi lahaa qayb wacyi gelin iyadana ha lagu daro bcz waalid badan ayaa ogayn muhiimadda uu lee yahay talaalka, even the people who come and visit this website will increase... as people might pass on the info we put here... qayb nutrition ah iyada waa muhiim.. as most somalis dont eat balanced diet...
and for the medical drugs... maadama wadama iyo shirkadahaba ay iscticmaalan different criteria for the naming process,u can put in the chemical names only,to make it easier ,like putting paracetamol rather than Panadol.....
wada jir bay gacmo wax ku qabsan karaaanee...!!
and believe me i can see that one day many of us here might go on and form the FELLOWSHIP OF SOMALI SURGEONS AND PHYSICIANS!!! Just like the famous FRCS and FRCP!!

Offline Waxbaro!

  • Global Moderator
  • *****
  • Posts: 242
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Aqoontu Waa Iftiin
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #8 on: November 27, 2007, 02:52:36 AM »
Horta waa fikrad fiican, waana barnaamijyo faaido leh, umadana wax u taraya, lakin mida ku aadan barnaamijka "patient data system" oo uu walaalkeen "moha" ku sheegay in wax tar saasi aysan u laheen dhakhaatirta somaliyeed kuma raacsani maxaa yeelay, qaar isticmaali doona una baahan way jiraan mida xigta aniga waxaan ka shaqeeyaa isbitaal ku yaala somaliya, isbitaalada ay maal galiyaan hay'adaha sida Un-ka, MSF-ta iyo kuwa lamidka ahi, barnaamijyadaan oo kale ayey isticmaalaan bil kastane waxa ay ka diyaarsadaan Statistics ay ku kontroolaan shaqadooda iyo dabagalka iyo ka hortaga cudurada.

Mida xigta oo ah dhinaca "Ethics-ka", informationka noocaan wax dhib ah ay u keeni karaan bukaanka ma jiraan maxaa yeelay aduunka meel walba oo xarun caafimaad ah bukaanka magaciisa, da'diisa, jinsigiisa, dagaanka, cudurka uu qbo, baaritaanada lo diray, iyo daaweynta waa la liis gareeyaa.

Barnaamijkaan waxa dhakhaatiirta somaliyeed ay ka faaidi karaan hadii aan soo koobo: Horta in bukaanka ay la socdaan xaaladiisa, maadaama laga yaabo maalintii dhakhaatiirta qaarkood inay qaabilaan bukaano badan oo kor u dhaafay 50, mida kale in haduu qofku u baahdo inuu research diyaariyo, data-daan wuu ka faaidi karaa.

Mida kale cudurada percentage-ka ay yihiin sida ay ugu kala badanyihiin dadka, xiliyada ay bataan, iyo informationo noocaas oo kale aad ayey aniga muhiim iila tahay ma aqaano idinka fikrada aad ka qabtaan, mida kale hadii barnaamijyada aan anaga program-saneyno sida walaalkeen dr.mahdi uu sheegay waxay ila tahay in sidaan rabno ka dhigan karno.

Waxaan kaloo ka codsanayaa "Dr.Mahdi", haduu barnaamijka sida aan u sharxay uusan aheen inuu faahfaahin dheeraad ka bixiyo iyo hadii wax siyaado ah uu isaga arko oo laga faaidayo inuu noo sheego.

Waxbaro!
Your posts reflects your personality, so be Wise and Polite!

Offline Moha

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #9 on: November 29, 2007, 11:27:30 PM »
mahadsanid Waxbaro.. laakin sida aad sheegtayba... i didnt mean inaan yareyo ahmiyadda ay lee dahay patient data system lakin my point was ... haddi website forum la gelinayo it means waa public, which can somehow be misused.. in webka la soo geliyo ahaan ayaan ka wadaa uun ma ahinee... being almost a doctor now,i can imagine the importance of both!!
all da best

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #10 on: November 30, 2007, 02:00:56 AM »
Hadaan sii faahfahiyo barnamijyada sida ay dadka qaar u moodeen maahan oo in webka laga dhax isticmaalayo oo qof walba uu akhrisan karo, barnaamijyadaan waa mid adiga kaligaa kuu khaas ah oo ka dajisanayso webka, midka ah patient data system waxa uu u dhawyahay sida uu u sharxay walaalkeen "waxbaro", waa barnaamij bukaankaaga wixii ku saabsan aad ku keedsanayso qof aan adiga aheene ma akhrisanayo waa personal, public maahan.

Mahdsanid
Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Dr.Adnan

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 280
  • Points: +15/-0
  • Gender: Male
  • “The first wealth is health.”
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #11 on: December 05, 2007, 11:59:58 PM »
Aslaamu calaykum.
Its a good Idea Dr.mahad , but I also suggest a place for freshman students to discuss basic medical sciences like Anatomy, Biochemistry, Histology, physiology,pathology.........................Because they are new to the feild and they need a huge help and as you know medicine is somehow difficult, so we put for them, lecture notes, books quizzes etc. and I think there is no difference in those sciences between countries,  So I think they will be very useful.
Thank you

**Ruuxaan Dantiisiyo aqoon, waxa daryeelaaya**
**Inuu Deeqda Eebahay ka qaday, dib u xusuusnaada**
Hadraawi...

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #12 on: December 06, 2007, 01:05:02 AM »
Dr.Adnan!
what we are talking here is a downloadable programs & we already have a board for fresh students and basic medical students as well.
For more information reagarding quizzes, books, audios, videos and even mneomonics check other SD pages like Libray, Initerests & PPT Slides.

Regards
Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com

Offline Kalkaaliye_Bsc

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #13 on: December 07, 2007, 01:04:13 AM »
Salaamucalaykum kulligiin

Qaybta rarashada barnaamijyadu waa qayb loo baahanyahay oo faaiido uleh ardayda.insha allah waan kawada qaybqaadan doonnaa.
Ra'yi ahaan waxay ilatahay:

-In Barnaamijyadu kukoobnaadaan caafimaadka iyo kuwo waxbarashada taageera.
-In la'ogaado Xajmiga barnaamijyada iyo mugga webkan uu qaadi karo iyo baahida ah in lahelo meelo dhexe oo linkiga un halkan ladhigo.
-In qaybta baraamijtu ay luuqad aysan ajinabigu fahmi karin lagu dhex isticmaalo, waa hadii baraamijtaas yihiin kuwo sharci ahaan isticmaalkoodu xadidanyahay.
-In qaybtaas ay geli karaan xubnaha oo kaliya.

Salaam.

Offline Admin

  • Administrator
  • *****
  • Posts: 1489
  • Points: +60/-0
  • Gender: Male
  • Towards a better peaceful and healthy life!
    • Somali Medical Association
Re: Qeyb Cusub Ka Waran?
« Reply #14 on: December 07, 2007, 12:01:35 PM »
Waa ku mahadsantahay ra'yiga aad soo gudbisay
- Barnaamijyada kama baaxsana caafimaad iyo waxii la xariiraba.
- Barnaamijyada xajmigooda waxa uu ku xernaan doonaa faaidada laga helayo, mana ka badnaan doonaan sida aan is leeyahay halkiiba 5MB
- Mida ku aadan luqadaha iyo ajaanibta iyo xadidaada ma fahmin, masii faafaahin kartaa wax yar.
- Qeybtaan qof walba oo xubno ah wuu gali kartaa, sidaa kale martidane way u furantahay.

Mahadsanid
Dr.Mahdi
"you never cure a patient, you treat pain often but you always comfort the patient."
www.somalidoc.com


 

Qadashada Ardayda Cusub ee Kulliyada Cafimaadka Norman Bethune ee Dalka CHINA

Started by Dr.RashaadBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 15611
Last post April 07, 2011, 11:28:26 PM
by Diagnostic
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 18842
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 10
Views: 20648
Last post March 06, 2011, 05:46:52 PM
by Pharmacist
Su'aal: MAXAAAN SAMEEYAA INTA AANAN ISARAG XAASKAGYA CUSUB?

Started by Khadar CaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13747
Last post January 29, 2012, 02:37:24 PM
by SomaliDoc
(MSF) Casuumaad: xafladda soo bandhigista buuga cusub ee “Out of Somalia” ..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7364
Last post June 16, 2012, 06:34:41 PM
by Drkheyre