General Discussions > Feel Free Here

Qiyaamaha waa "May 2008"!!!

(1/2) > >>

Doctoor:
Qolo u dhalatay dalka ruushka ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in maalinta qiyaamo ay ku aadantahay bisha "May" sanadka cusub 2008.
Kooxdani oo ka kooban 29 qof oo qaangaar ah iyo afar caruur ah ayaa waxa ay u hoydeen God ku yaalo tuulo ka mid ah dalweynaha ruushka, iyagoo aaminsan inay aduunyada dhamaaneyso bishaas.

Qoladaan oo ka tirsan kaniisad ka mid ah kaniisadaha ka dhisan wadanka ruushka ayaa fikradaan aaminay walaw aysan kaniisada aysan la qabin fikradaas, iyagoo yiri kaniisada waa qaladantahay.

booliska tuuladaasi jooga ayaa isku dayay inay godka ka soo bixiyaan, laakin way ku guuldareesteen kadib markii qolada ay ku dhawaaqeen in ay is dilayaan hadii loo soo dhawaado iyagoo adeegsanaya gaaska cuntada ay ku karsadaan.

Qoladaan ayaa isku diyaarisay inta laga gaarayo waqtiga aduunka uu dhamaanayo (sida ay aaminsanyihiin iyaga) iyagoo meesha ku keedsaday saad ku filan ilaa waqtigaas.

booliska ruushka ayaa ku guuleestay inay soo qabtaan hogaamiyaha kooxdaas, baaritaano kadib la ogaaday inuu qabo cudurka loo yaqaano "Schizophrenia" oo ah cudur kamid ah cudurada dhimirka gala.
Doctoor!

MuslimDoc:
Doctoor waad iga dhixisay.

Qolada aad sheektay waa kuwo wareersan oo kuwii sanadkii 2000 is laayay oo yiri aduunyo gadoon ayaa dhici raba waxba ma dhaamaan, laakiin waxaaba iiga sii yaab badan ninka waalan ay ka amar qaataan.

Maalinta ay dhaceyso qiyaamaha ilaahay baa og, waana wax naga qarsoon, laakiin calaamado badan oo lagu garto inay soo dhawaatay ayaa rasuulkeena (nabadgalyo iyo naxariis korkisia ha ahaatee) inoo sheegay, qaar badan oo kamid ahne way dhaceen.

Ilaahay nagama dhiga kuwii qiyaamo ku dhacdo.
MuslimDoc

Munim:
Alxamdulilaah cala nicmati al-islaam

Mankay:
salam aliakum
miyaad hilmaamteen!!!!!!! xadiith rasuulka scww  oo jibriil aliahi al-salam ku  weydiinayo waqtiga ay saacada ama qiyaamuhu dhici doono, uguna jawaabay in ilaahay mooyee qofkaloo og ayyan jidhin .. marka wixii kasoo harey .. romeyn malaha ..oo dabcan dadkan saa oranaya waa  wareersan yihiin ay usii dheertahay ayagoon islaam ahayn ..

koley lama rumeyo meel kasoo qaadna malaha warkaasi .. lakin waqtigii ilahaya ugu tala galay bay dhaceysaa.
regards
mankay

Dr.Adnan:
they are not the first to say that, Aztecs also belief that ressuraction day will be on 12 December 2012

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version