Author Topic: Ka Hortagga Cudurrada  (Read 17034 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ka Hortagga Cudurrada
« on: November 19, 2007, 12:34:06 AM »


Si aad Gacan uga Geysatid Ka-hortagidda Cudur:
Sida aan wada ognahay xanuunada badankood waa kuwa laga hortagi karo, sababaha keenane ay xariir la leeyihiin khaladaad uu biniaadanka sameeyo kuwaas oo kala duwanaan karo.
Islaamku waa diin aad qiimo weyn u leh oo umada kaga digtay waxyaabaha noocaas oo kale si looga fogaado khatarta cudurada ka dhalan karo, Islaamku wuxuu noo sheegay in aan nadaafada ku dadaalno, wuxuu kaloo noo sheegay in aan ka fogaano mukhaadaraatka iyo galmada xaaraanta ah iyo talooyin aad u badan oo halkaan lagu soo koobi karin.
Cilmiga caafimaadka maanta markii laga hadlayo ka hortagga cudurrada wuxuu xooga saaraa nadaafadda iyo tallaalka looga hortago cudurada laakiin waxaa diinteena ka fahmaynaa in ay intaas ka badan tahay waxyaabaha la rabo qofka muslimka ah inuu ka fogaado iyo waxyaabaha la rabo inuu ku dadaalo.
Haddii aad ka hadalno talooyinka ay dhakhaatiirta bixiyaan si looga hortago cudurrada waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoran:

Nadaafadda
• Gacmahaaga ugu yaraan 15 ilbidhiqsi ku dhaq biyo diirran iyo saabbuun (dhaq cunidda ka hor, markaad cunto diyaarineyso, iyo musqusha ka dibba. Qof kasta oo ku daryeelayana sidaas oo kale ha sameeyo.)
• Maydho ama qubeyso maalin kasta haddii laguu oggol yahay. 
• Qubeys xunbo leh ha sameynin ama ha isticmaalin tubbo biyo kulul.
• Maqaarkaaga si dhow uga hubi dillaac, finiinic, guduudasho, iyo bararid.
• La xiriir dhakhtarkaaga haddii aad wax cillad ah ay jirto
• Ka dib marka aad kaadiso ama saxarooto, mar kasta biyaha isaga raaci dhinaca hore una raaci dhinaca danbe. Gacmaha iska dhaq. 
• Sakiin koronto ah u isticmaal xiirashada si aad uga fogaatid dillaac.
• Isticmaal caday jilicsan si aad ilkaha isaga nadiifiso markaad cuntada cunto ka dib iyo inta aadan seexannin ka hor. Haddii aad ilko sanaaci ah qabtid, nadiifi subixii iyo fiidkiiba.
• Kormeer afkaaga maalin kasta. la xiriir dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto wax guduudasho, dhibco cad, dillaac, ama soo kuusasho ah. 
• Xidho weji dabool ama qolka isaga bax marka la nadiifinayo.
 
Ammaanka Cuntada
• Ha cunin cunnooyin ceedhin ama aan la karin sida:
?  Furuto ama khudrad markaas la keenay
?  Ukun, hilib ama kalluun ceydhin
• Kari hilib, kalluun iyo ukun si wanaagsan loo sameeyey.
• Isticmaal caano la soo karkaiyey, farmaajo, garoor ama labeen.
• Cabitaannada ha uga tagin dibedda wax ka badan 2 saacadood.
 
Talooyinka Kale
• Nasasho badan qaado. Isku day inaad hesho ilaa 8 saacadood oo hurdo ah habeenkii. 
• Soco, ama ugu yaraan ku fadhiiso kursi, 3-4 goor maalintii. Naftaada la jaanqaad aadna ha isu daalin. 
• Ka fogow dadka cudurrada qaba sida hergebka, ifilada, xanuun hergeb, bus-buska, jadeecada iyo quman-ka.
• Ka fogow dadka isa soo tallaalay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.
Tallaaladu waxay noqon karaan loo qaatay dabaysha, rubella, qumanka, jadeecada, qandhada jaallada ah ama furuqa.
• Takhtarkaaga weydii ka hor inta aadan is tallaalin marka ay tirada WBC-daadu hoos u dhacdo.
• Ha nadiifin saxaaradaha shinbiraha, tenegga kalluunka, ama sanaadiiqda saxarada bisadda. Haddii uusan jirin qof ku caawiya, xidho gacno gashi rabar ah ka dibna iska tuur markaad isticmaasho.
• Xidho gacno gashi markaad beerta ka shaqayneysid. Ka fogow geedaha iyo ubaxyada dheryaha ku jira.

Isla markiiba aad dhakhtarka haddii aad isku aragto:
• Qandho ka sarraysa 100.5° F ama 38° C 
• Qar-qaryo ama dhidid
• Wax calaamado cudur ah sida guduudasho, diirranaan, barar, dheecaan kaa imaanaya, ama xanuun
• Dhidid
• Dareento inaad aad u daallan tahay
• Cuna xanuun ama af xanuun 
• Qufac
• Xanuun ama gubasho marka aad kaadineyso
• Kaadi daruur ama dhiig leh

Haddii aad wax su'aalo ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41719
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Baro cudurrada aanan lagu daawayn 'Antibiotics"-ka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46759
Last post September 14, 2016, 12:26:51 PM
by SomaliDoc
Kaadida Geela iyo Cudurrada lagu daaweeyo (Cilmibaaris)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 54197
Last post May 01, 2016, 04:55:03 PM
by SomaliDoc
Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo (STIs)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 58277
Last post September 16, 2007, 12:52:06 AM
by SomaliDoc
FILIN: Cudurrada Galmaha iyo Cigaal Shiidaad

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 12844
Last post December 04, 2009, 11:07:48 AM
by Waxbaro!