Author Topic: Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?  (Read 24759 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gantaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
walaal marka hore waan idin salaamay  salaan kadib walaal hooyadey oo waa yeel ah ayaa waxa ay kacabnaysaa wareer aad moodo in uu dhulku ilaweegayo  isla markaana aymatag lasoobdo  hadana ay iska raysato waxaana ku aragnay laba jeer mudo sanad ah  waxaa udhaxaysay ilaa 7 bilood  marka walaal aritaa maxaa keeno maxaanse kula tacaalaa waan mahad santihiin illaahay  miisaanka xasanaadka ha idiin saaro camalka aad haysaan ee khayrka ah  




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ayeeyo allaha caafiyo...

Wareer ku yimaado dadka waayeellada waa u badan yahay wuxuu noqon karaa mid la xiriiro da'da, cadaadiska dhiiga ama cillad kalaba..

Waxaa habboon qof waayeel ah oo wareerayo in aad takhtar u geysaan si baaritaan loogu sameeyo, cudurrada qaar oo halis ah waxay leeyihin kaliya wareer sida burooyinka ka soo baxo meelo ka mid ah maskaxda, haddii waqti hore la ogaadane wax laga qaban karo...

Fadlan la xiriirsii takhtar si loo baaro,,,,,
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: