Author Topic: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?  (Read 11013 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
« on: October 23, 2011, 06:35:35 PM »
Asc Dhakhtarada & Aqyaarta webka. Intaa ka dib.
Shaaha (Tea) ma daawaa?
Shaaha oo la sheego in uu daawo ka hor tagta u yahay qaar ka mid ah noocyada cudurka kaankarada (kankarka=cancer) iyo wadna xanuunka (heart attack) maxaa ka jira?
Waxa kale oo jirtay in la odhan jiray shaahu wuxuu lid ku yahay maado jirka ku jirta oo dheecaanka jirka nuugta sida ayroon (iron), oo uu jirka qofkana qalajiyo, taasi maxay tahay? Maadooyinka caleenta shaaha waa noocee waase immisa nooc? Cabida shaaha aan caddeyska aheyn (tea without milk) ee xiliyada habeenkii la cabo, ma keenayaa in uu-san qofku habeenkaas seexanin ama uu xoogaa hurdada ka raago?
Shaaha Faa'iido caafimaad & faa'iido la'aan caafimaad, waa maxay?
Thanks to every1.


Daawadey Dooddeedu DAREY tahay:

Haddii DAAWADAAS laguu doorey, U qaado Sida uu DHAKHTARKU ku Faray.

OGOW: Haddii ay jirto KALSOONI darro ka dhan ah DAAWADA:

Quote
Daawa-ba ku DAAWEYN meyso.

Talo SAARO Allaah.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4666
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
« Reply #1 on: October 31, 2011, 08:19:23 PM »
Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magaabaa midabkiisa, waxaa ira green tea, black tea, white tea & oolong tea.

Waxaa illaa iyo hadda la isku waafaqsanyahay in green tea uu yahay shaaha ugu caafimaad badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Soomaalida waxay cabtaa black tea kaasoo isaga xitaa aan faaido la'aan ahayn inkastoo laga faaido badan yahay.

Faaida shaaheenna waxaa ka mid ah:
1- In uusan halis uusan ku ahayn caafimaadka wadnaha uusanne ka qeyb qaadan waxyaabaha wadnaha khatarta galiyo sida dhiig-karka.
2- Shaahaeenna wuxuu yareeyaa halista cudurka faalijka.
3- Waxay baaritaan la soo saaray sanadka 2009 lagu ogaaday in shaaha madow uu yareeyo cudurka sonkorowga isagoo nuugista sonkorta jirka uu ku yareeyo.
3- Baaritaan kale wuxuu sheegay in shaaha oo si joogto ah loo cabo in uu yareeyo halista cudurka kansarka, inkastoo ay jiraan baaritaanno kale oo warkaas ka soo horjeedo oo ah wax faaido uusan shaaha madow u lahaynin kansarka.

Ugu dambayntii shaaha cagaarka oo aad hadda in dunida looga cabo la billaabay ayaa wuxuu leeyahay faaidooyin caafimaad oo tira badan kuwaas oo aan laga helin shaahyada kale, marka talo ahaan haddii aad tahay qof aad shaaha u cabo, isbar in aad cabto shaaha cagaaran, kaasoo soomaaliya iyo kenyaba laga helo.

Shaaha inta aad cabto ayay ku xirantahay hurdada ku qabanayso, maxaayeelay koobkii shaaha madaw waxaa ku jira 50 mg oo Caffeine ah. meesha Kaffee-ga caadiga ah uu ku jiro 100-350 mg oo caffeine ah.
Shaaha cagaaran waxaa ku jiro 8-30 mg oo caffaine ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Cabidda Shaaha Ma Daawaa?
« Reply #2 on: October 31, 2011, 10:33:59 PM »
Somalidoc aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay jawaabtaada, aniga iyo qof walba-na waan ka wada faa'iideysaneynaa taladaada qiimaha badan. Thank You again.
Salaama Allaah.
Daawadey Dooddeedu DAREY tahay:

Haddii DAAWADAAS laguu doorey, U qaado Sida uu DHAKHTARKU ku Faray.

OGOW: Haddii ay jirto KALSOONI darro ka dhan ah DAAWADA:

Quote
Daawa-ba ku DAAWEYN meyso.

Talo SAARO Allaah.


 

Shaaha cagaaran oon sonkor lagu darin dareenka raga ma kordhiyaa?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3497
Last post June 05, 2015, 06:39:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay

Started by Baasaale1515Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48053
Last post February 28, 2016, 01:22:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Shaaha Cagaaran Iyo Habka Ugu Wanaagsan Ee Loo Cabi Karo?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2602
Last post December 05, 2015, 01:06:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: qurqurinta ama in si boobsiis loo cabo shaaha kulul?

Started by KaatibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1289
Last post April 13, 2016, 03:32:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Shaaha cuntada lagu cabo iyo Laabjeex?

Started by SadaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1136
Last post December 29, 2016, 07:14:58 PM
by SomaliDoc