Author Topic: Su'aal: Daawo layska qaato dhaqtar la'aan iyo dos la'aan  (Read 4676 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuur12

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 49
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawo layska qaato dhaqtar la'aan iyo dos la'aan
« on: November 07, 2011, 02:43:45 PM »
ciid mubaarik wa antum bi khayr  dhamaan dhaqaatiirta iyo xubnaha kale ee webkan waan in salaama waxaan qabaa su .aal waxaa dhacda dhamaan soomaali in aanay jirin wax kaan ta rol ah oo dad ka dawada ka kaan taroola oo ninkastaa pharmacy furtay  qofkastaana uu isaga oo aan dhaqtar u tegin dawo iska qaato gaar ahaan dad ka aan dosageka qaadan ee markasta oo meeli xanuunto qaata dawo aan ka badnay 5 xabo oo kaniin ah ama 2 xabo oo aan doska meela kaga jirin markasta na saa ku dhaqma dhibaato intee leeg bay u geysan kartaa waa baabulashin koo dhan maaha shiqsi  xataa waxa dhacda in marka qof daawo loo qoro uu qayb qaato inta kale halkaa ku dhaafo somali maleh waxa loo yaqaan quality cantrol daawadeedu waa tabaashir laga shaxaaday tayadii maxaad u aragtaan saaman intee leeg bay geysan kartaa jawaab sugnaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawo layska qaato dhaqtar la'aan iyo dos la'aan
« Reply #1 on: November 21, 2011, 11:31:24 PM »
Dhowr jeer ayaan horay uga hadalnay dhibaatooyinka ay keenaan daawada loo qaato qaabka farmashiyada soomaaliya ku yaallo, dhibaatooyinka ugu badan ayaa noqon karo in qofka daawada uu la qabsado oo wax ka tari wayso maadaama mar kasta uusan u qaadanaynin sidii loogu talo galay ama koorso uusan dhamaysanayn.
Mida labaad ayaa ah in daawada uu iska badiyo oo ku sumoobo taasoo dhibaato kale oo khatar ah u keeni karto nafsadiisa.
Mida kale ayaa ah in la isku qaatoo daawooyin aan la isku qaadan ama daawada aan logu tala galin cudur kale in loo qaato ama daawo qaab loogu talagalin in loo qaato in la qaato, in daawooyinka la gadanayo aan la fiirn qofkaan xanuunka kale uu qabo maxay u dhimi kartaa...

haddii aan isku dayo in aan halkaan ku soo tixo dhibaatada ka dhalato daawadaan sidii nacnaca oo kale loo gato, waa wax badan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Daawo ayuu qaatay Qamaar ayuu ku waashay!

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 1
Views: 12753
Last post November 02, 2007, 07:35:10 PM
by Admin
Daawo Filin: Baraarujinta Kaankarada Naaska (Breast Cancer Awareness)

Started by AdminBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 2
Views: 41160
Last post May 28, 2015, 10:04:42 PM
by SomaliDoc
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 19204
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan
Su'aal: Haddii Aa Si Qaldan U Isticmaalo Daawo Caafimaadkeyga Ma Saameyn Kartaa?

Started by AbuJaasumBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10001
Last post May 19, 2012, 04:31:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jirtaa daawo natural oo lagu daaweyo xanunka gaaska?

Started by AlmisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55594
Last post August 15, 2015, 02:42:07 PM
by SomaliDoc