Author Topic: Sidee loo baaraa cudurka Diabetes-ka /Glucose-ka?  (Read 29029 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline HassanSunni

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Sidee loo baaraa cudurka Diabetes-ka /Glucose-ka?
« on: December 20, 2007, 01:25:10 PM »
Waxaan ahay arday iyo waliba madaxa jaaliyada somalida e gobal ka mida Mareykanka

waxaan ka codsanayaa aqooyahanada somaliyed ee wax ka bartay cilmiga sheybaarka
ineey soo gudbiyaan sida loo baaro cudurka Diapets-ka /Glucos

Mahadsaniddin
 sincerly HS
Minnesota




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee loo baaraa cudurka Diabetes-ka /Glucose-ka?
« Reply #1 on: December 21, 2007, 02:38:27 AM »


Walaal Hassan Ku Soo Dhawow Gacmo Furan.
Inkastoo aanan ahayn shebaariiste laakin su'aashaada ku saabsan sonkorowga ama kaadi macaanka sida dadka qaar u yaqaanaanba waa mid muhiim ah oo qof walba oo dhakhtar ah looga baahanyahay inuu yaqaano.

Diabetes ama Sonkorwga baaritaanada lagu ogaado waxaa ugu muhiimsan in qofka laga baaro sonkorta (Glucose) jirkiisa ku jirta inta ay gaarsiisan tahay.

Sonkorta (Glucose) waxaa laga baari karaa dhiiga ama kaadida (Sida caadiga ah sonkorta jirkaaga waxa ay u dhaxeysaa 4 ilaa 8 mmol/L (70 to 150 mg/dL).

Markii laga baarayo dhiiga:
Sonkorta waxaa la baaraa adigoo gaajeysan (fasting blood glucose) iyo adigoo wax soo cuneyba (random blood glucose).
Hadii adigoo gaajaysan (8 saac ilaa 10 saac) sonkortaada ka badato 126 mg/dl (7.0 mmol/l) waxaad qabtaa sonkorow
Hadii adigoo caadi ah lagaa qaado oo ka badato 200 mg/dl (11.1 mmol/l) waxaad qabtaa sonkorow
Ama hadii laguu baaro si kale oo ah in afka lagaa siiyo 75 gram oo sonkor ah kadib laba saac lagu baaro oo sonkortaada ka badato 200 mg/dl (11.1 mmol/l) waxaad qabtaa sonkorow. tan waxaa lagu ogaan kara imisa sonkor ah ayuu jirkaaga taxamuli karaa (Glucose Tolerance Test).


Shaybaar ahaan sonkorta laba dariiqo ayaa lagu baaraa (Chemical & Enzymatic):
1- Mida chemical-ka ah oo ah mid soo jiri jirtay lakin hada laga tagay markii la arkay in qaladaad aysan ka marnayn
2- Mida Enzyme-ka ah oo sahlan, natiijadeedane la isku hubo taasoo keentay in qalabyo fudud oo si sahlan iskaga  baari karto sonkorta adigoo jooga gurigaaga la helay.

Sonkorta kaadida waa laga baari jiray si loo ogaado inaad qabtid sonkorow lakin waa laga tagay markii la arkay in dhiiga ay ka sahlan tahay, loogana kalsoon badan yahay.
Lakin markii kaadida la baarayo sida markuu infakshan jiro oo kale waa laga fiiriyaa sonkor sida caadiga ah, markii la arko in sonkorta ku badantahay kaadib ayaa dhiiga la fiiriyaa.
Mararka qaar dadka sonkorowga looga shakisanyahay khaas ahaan dadka la suuxa waxaa laga qaadaa kaadi si looga baaro wax loo yaqaano "Ketone Bodies" oo ah wax jirka ku samaysma markii sonkorta jirka ku badato waxaa loo badalaa qeyb kale oo tamar ah taasoo ka dhalata in ay sameysmaan "Ketone Bodies".

Hadii aad u baahantahay macluumaat dheeraad ah kuna saabsan sonkorowga ama kaadi macaanka halkaan ka akhriso
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html
Hadii aad qabto su'aalo kale ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46488
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28927
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18447
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95966
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33571
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc