Author Topic: Boronkiitada (Bronchitis)  (Read 66138 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Boronkiitada (Bronchitis)
« on: November 24, 2007, 12:56:10 AM »


Boronkiito ama Burkiito waa bararidda marinnada hawada ee loo yaqaanno bronchioles ee ku jira sanbabada. Bararku wuxuu keenaa xab ka badan kan caadiga ah inuu sameysmo. Kaasi wuxuu xannibi karayaa maritaanka hawadu ay mari lahayd sanbabada waxaana laga yaabaa iney waxyeello u geysato sanbabada.

Boronkiito daran waxay qaadataa 2-4 toddobaad waana la daaweyn karaa.
Boronkiitada raagto (Chronic bronchitis) waa cudur waqti dheer jira. Waa mid ka mid ah koox cudurro sanbabka ku dhaco oo loo yaqaanno COPD lagana soo gaabiyay cudurka sanbabka xanniba ee raaga (chronic obstructive pulmonary disease).
Waxyeelladu badanaa waxay ka sii dartaa waqti ka dib, lamana daaweyn karayo.

Calaamadaha Boronkiitada
• Qufaq is-daba-joog ah una badan habeenkii qeybaha dambe
• Daal dareemid
• Feero xanuun leh qufac ama neefsasho qoto dheer
• Neefsasho dhawaq leh
• Neefsashada oo kugu gaabata
• Jir xanuun
• Qandho ama qar-qaryo
• Cune xanuun
• San biyo ka dareerayaan ama cabbursan

Sababaha keena Boronkiitada
• Dhaawac bakteeriyo ama fayras
• Sigaar cabid (waa sababta ugu wayn ee keenta burunkiitada raagto)
• Neefsasho hawo wasaq ah.
• Xajiin wax hawada ku jira laga qaado
• Cudur sanbab sida Neefta ama sababada oo dhaawacma

Daryeelkaaga
Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara daawooyin iyo jimicsiyo neefsasho si lagaaga caawiyo in aad si fudud u neefsato. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato ogsijiin haddii aad qabto boronkiito daran. Daryeelkaaga waxaa sidoo kale laga yaabaa iney ku jirto:
• Ka fogaanshada hergebka iyo ifilada.
• Cabidda cabitaanno fara badan si xabka loo khafiifiyo.
• Isticmaalidda huur bixiye ama uumi bixiye.
• Isticmaalidda biyo saare iyo feero riixe si loo dabciyo xabka sanbabadaada ka imaanaya. Waa lagu bari doonaa sida taas loo sameeyo.
Ka hortagga Cudurka Burkiitada:
• Jooji sigaar cabidda. Habka keliya ee hoos loogu dhigi karo waxyeellada boronkiitada daran waa in la joojiyo sigaar cabidda. Marna lagama daaho in la joojiyo.
• Ha cabbin aalkolo. Waxay uga sii dartaa baahida loo qabo in qufaca iyo hindhisadu ay banneeyaan marinnada hawada. Waxay sidoo kale keentaa in jidhkaagu lumiyo dheecaanno, iyadoo xabka sanbabkaaga ku jira ka yeeleysaa mid dhumuc weyn ayna adag tahay in la soo qufaco oo la tufo.
• Ka fogaanshada waxyaabaha lura sanbabada sida wasaqowga hawada, habaaska iyo qiiqa.
• U seexo iyadoo jirkaaga qaybta kore ay kor u qaadan tahay. Isticmaal barkin ama madaxa sariirtaada kor u qaad.

Isla markiiba la xiriir isbitaalka haddii:
• Ay qar-qaryo ama qandho ka sarreysa 101 darajood oo F ah ama 38 darajood oo C ah ay ku qabato
• Aad u baahato in aad in badan isticmaasho daawada neefta la isaga buufiyo ama daaweynta neefsashada
• Aad leedahay xab badan, midabku isbeddelo, ama ay aad u adkaato in uu qufac kaaga soo fuqo
• Aad isku aragto midab danbas ama buluug ah oo cusub ama ka sii daraya ee ciddiyahaaga ama maqaarka farahaaga ama afka
• Ay dhibaato kaa qabsato hadlidda ama qabsashada hawlahaaga caadiga ah
• Ay tahay in aad isticmaasho barkimo badan markaad hurdeyso ama aad billaabayso in aad ku seexato kursi si aad u neefsato habeenkii.

Si dhakhso ah u aad isbitaalka haddii:
• Aadan neeftaada heli karin
• Aad noqoto mid jahawareersan, ama aad dareento miyir beelid
• Aad feero xanuun ama feero giigsan qabtid

Akhriso qoraallo xiriir la leh:
• Oof-wareen: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html
• Tiibisho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html
• Xiiq / Neef: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html
• Koolba-aaryo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0
• Qixdheer / Xiiq-dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1355.0.html
• Hergab / Duray: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html
• Howlgabka Wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html
• Burunkiitada sigaar cabista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html
• Quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html

Haddii aad wax su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Boronkiitada Raagta (Chronic Obstructive Pulmonary Disease)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 23174
Last post August 06, 2008, 09:19:29 PM
by SomaliDoc
Ready Reference Of Bronchitis

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 5231
Last post November 25, 2011, 04:14:11 PM
by CilmiSabca