Author Topic: Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?  (Read 22565 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Abdirizak

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
A-s-w,.

Waan idiin salaamay dhamaan dhakhaatiirta iyo dadka ka faa'iidaysanaaya Somalidoc.com, salaan ka dib.. waxaan arabay inaan wax ka ogaado, sida ugu  fuduud ee laysaga goyn karaayo magarka ku dhasha ilkaha.

F.G:-
1- Waxaa jiraa oo wakhtiyadan danbe ku soo kordhay wadankeena soomaaliya, in dhalinyaro badani ay jeclaystaan inay samaystaan ilko leh magar, siiba labad Fool ee ugu horeeya ilkaha.
si ay arintaasi ugu hirgasho ayay waxay ilkaha ku shubaan kiniinyaal ay ka mid yihiin, Amoxcline capsol iyo Ampicillin capsol. Taasina way hirgashaa inta badan Magarna waa ay yeeshaan Labada fool ee ilkaha ugu horeeya. Hadaba arintaasi maxay ilkaha iyo ciridka u keeni kartaa oo dhibaato ah?

2- Waxaa kaloo jira kuwo kale oo iyagu magar leh jecelna inay ilkahoodu ay ahaadaan Cadaan, waxayna is ticmaalaan wax iga yaa biyay illaa hada, waxaana weeyaan ACID-ta Nooca Biyaha ah.
iyagoo ku cadeeyanaaya, Arintaasina waxay natiijadeedu noqotay inay ilkihii ay ka ba aan inta badan Magarkii,. Arintaas qudheedu Effect intee le'eg ayay u gaysan kartaa ILkaha iyo waliba ciridka?

                                                         Wabilaahi Towfiiq




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ilkaha oo yeesho magar ama digir waxa keeni karo daawada, cunnada iyo walxo kalaba.

Cunnooyinka ugu caansan ee ilkaha magarta u yeelo waxaa ka mid ah: kaffeega madaw, shaaha, khamariga gaduudan, kookakoollada, basbaaska, miraha tuutka, shiishiidka, khalka lagu darsado qudaarta khaas ahaan kuwa kalarka leh.

Daawooyinka qaar badan oo ay ka mid tahay daawada amoxcillinka iyo cabitaannada qaar oo ay ku badan tahay maadada floride-ka waxay ilkaha ku yeelaan magar.

Ilkaha oo midabkoodu is badalo wax caafimaad darro aan ka ahayn quruxda ilkaha oo dhunto ma keenaan, waxay takhaatiirta ilkaha dadka ka cabanayo ilkaha noocaan ah way u caddeeyaan iyagoo isticmaalo qalab loogu tala galay, dadka isticmaalayo aashitada iyo waxyaabaha kale oo halista ku ah ilkaha iyo ciridkaba oo keeni karo in ay dilaan unugyada ama caabuqba keenaan, waxaa heysato aqoon darri.

Midda kale qof jecel ama rabo in ilkahiisa ay midab kale yeeshaan ma aqaanno sababta uu ku doortay, badanaana dadka waxay ka walwalaan sidii ay ku heli lahaayeen ilko cad oo nadiif ah laakiin ma maqlin dad ilkaha in ay midabkooda badalaan rabo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: