Author Topic: Su'aal: Idiinyada, Diraha, Shoqosha iyo Dirxi Caanoodka?  (Read 16981 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Ahmed Coof

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Idiinyada, Diraha, Shoqosha iyo Dirxi Caanoodka?
« on: December 01, 2011, 12:30:47 AM »
Marka hore waxaan salaamayaa Dhakhaatiirta, halkan u furay si ay dadka u caawiyaan waad mahadsantihiin. hadaan su'aashayda u soo noqdo waxaan isku arkay wax sidii dirxi caanoodka ah oo kale . waxaan marmar dareemi jirey in wax sidii dirxiga oo kale ah ka dhaqdhaqaaqayo dabada kaasoo markaa aad ii diba waayo waa wax dhaqdhaqaaqaya, imikase waa igu soo badanayaa oo markaan wax cunoba waan dareemayaa markaa waxaan jeclaan lahaa inaad ii sheegtaan waxaan sameeyo welina dhakhtar maaan u tegin
WAAD MAHADSANTIHIIN




Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4631
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Su'aal: Idiinyada, Diraha, Shoqosha ama Dirxi Caanoodka?
« Reply #1 on: December 05, 2011, 10:25:42 PM »


Xaaladdaan caafmaad ahaan waxaa keeno gooryaanka nooca loo yaqaano "Pinworm", qofka wuxuu dareemaa wax cad cad oo saxarada la socdo, cuncun dabada ah iyo calool xanuun iyo lalabo marmarka qaar.

Waa maxay gooryaanka "Pinworm"?
Pinworms waa dirxi yar oo dadka ku jira kuna nool xiidmaha hoose. Dirxiga dhidiga habeenkii ayuu soo baxaa oo ukuntiisa ku daadiyaa futada hareeraheeda. Gooryaankani wuxu caan ku yahay caruurta oo si sahlan uu ugu faafi karaa xubnaha kale ee qoyska.

Waa maxay calaamadaha gooryaanku?
Dadka qaarkood oo qaba gooraaynku ma lahan calaamado, qaarna waxay leeyihiin cuncun futada iyo siilka hareerihiisa.

Intee ayey gaarsiisan tahay ba’naanta gooryaankaan?
Gooryaankani ma aha halis ee wuxu leeyahay dhibsi.

Siduu qofku u qaadi karaa gooryaanka?
Markay dadku xoqdaan xagga danbe ee cuncunaysa, ukunta yaryar ee gooryaanka ayaa soo raaca faraha ama cidiyaha hoosteeda. Dadkaasi waxa laga yaabaa inay qof cuntadiisa ama afkiisa faraha la galaan oo sidaas ukunta lagu liqo. Markuu gaadho xiidmaha, wuxu noqonayaa dirxi. Gooryaanku waxa kale oo uu ka faafi karaa gogosha iyo dharka. Qofka lnaftiisa wuu isqaadsiin karaa markuu liqo ukunta ku jira gacmihiisa.

Intee in le’eg ayey ku qaadataa inuu qofku qaado gooryaan kadib marka uu qofka la kulmo?
Calaamadaha waxa la arkaa 2 toddobaad ilaa 2 bilood kadib liqitaanka ukunta.

Goorma ayaa qofka qaba gooryaan uu cid qaadsiin karaa?
Qofka waa laga qaadi kara inta dirixiga dhidig ukun ku daadinayo hareeraha futada qofka.

Sideen u gargaari karaa kahortaga faafitaanka gooryaanku?
  • Gacmaha si fiican u dhaq oo ku dhaq saabuun iyo biyo, gaar ahaan kadib markad xafaayada bedesho ama musqusho isticmaasho iyo kahor intaanad wax cunin.
  • Nadiifi, dhaqdhaq, oo jeermiska ka sifee alaabta caruurtu ku ciyaarto.
  • Sifee, dhaqdhaq, jeermiska ka dil diyaarinta cuntada, bedelida xafaayada, iyo jiida musqusha (Nuugitaanka sifayntu waxa laga yaabaa inuu waxtaro.)
  • Bedelida dharka (gaar ahaan dharka hoose iyo kuwa hurdada) iyo gogosha ilmaha qaba gooryaanka amrkasta iyo ku dhiqitaanka biyo kulul.
  • U qaada daawada gooryaanka sida uu u qoray takhtarku. (Waxa laga yaaba inay anfacdo xubaha ka le ee qoyska.)

Maxay tahay daawada gooryaanku?
Waxa jira daawooyin laga heli karo farmashiiyaha iyo ku takhtar qoro oo bi'iya gooryaanka. La hadal takhtarkaaga si uu u fiiriyo daawada ku habboon qoyskaaga. Marmar kareemyo bi'iso cuncunka ayaa lagu siin karaa.

Akhriso Cudurka Jaarda Laambiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,837.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaadka qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     


 

Su'aal: Maxaa keeno idiin yada ama diraha?

Started by Daleel DaljireBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1929
Last post January 21, 2016, 02:32:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena cirro caanoodka ?

Started by Mahad kashkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 542
Last post January 17, 2019, 09:11:37 AM
by Mahad kashka