Author Topic: Su'aal: Cayayaanada Boodada IWM Cudurro miyey keenaan?  (Read 6204 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Cayayaanada Boodada IWM Cudurro miyey keenaan?
« on: December 05, 2011, 11:47:14 AM »
Asc walaalayaal, salaan ka dib.
Dhakhtar, waxaan rabaa in aan ku weydiiyo cayayaanada dul ku noolayaasha ah sida: boodada, dhilqaha, shilinta IWM ah in ay dadka u keenaan cudurro iyo in kale? Waxaanu ognahay in ay cayayaanadaan ka yimaadaan laba meelood oo kala ah:
b. Dusha xayawaanada gaar ahaan xoolaha sida Ariga (shilinta & boodada), Digaagga (boodada & huunyada), Bisadaha (boodo & wax kale injir kd=ku dar.)
t. Nadaafada oo xun (dilqe, injir, caaro caaro, barambaro, jiir {dooli} IWM kd).
Waxaan kaloo ognahay ama naqaan sida loo laayo cayayaanadaan, tus;- in sun lagu buufiyo ama mid mid walax loogu laayo, ama biyo kulul lagu shubo IWM kd.
Haddaba, Dhakhtar, waxaynan garaneyn cudurrada ay keenaan bahal hoosaadyadaan oo inta badan aan la fahmin marka ay jiro timaado waxa keenay. Dhakhtar, fadlan xasharaadyadaan inay keenaan cudurro iyo in kale maxaa ka jira? Mahadsanid.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cayayaanada Boodada IWM Cudurro miyey keenaan?
« Reply #1 on: December 05, 2011, 10:07:53 PM »
Cayayaannada kala duwan ee aad ka hadashay waa nooc ka mid ah waxyaabaha keena cudurrada la is qaadsiiyo sida: Shilinta (Ticks), Boodada ama caarada (Mites), Dhiqlaha ama kutaanta (Bugs), Injirta (Lice) iyo Huunyada ama tagfida (Fleas).
Waa cilmi gooni ah oo la barto mana ahan wax halkaan lagu soo koobi karo mid walbo cudurrada kala duwan ay keenaan iyo sida loo daaweeyaba, laakiin waxaan isku dayaynaa soona dhawaynaynaa qof walba oo si habaysan oo fudud qoraallo wacyi galin nooga soo diyaariyo.

Tusaale ahaan, shilinta waxay keentaa dhowr cudur oo ay ka mid yihiin:
1- Lyme disease: cudurka ku dhaca maqaarka, lafaha iyo neerfaha oo wato qandho, daal iyo ifilo oo kale waxaana lagu daaweeyaa antibayootik.
2- Rocky Mountain Spotted Fever: Cudur murqaha iyo maskaxda ku dhaco waxaana lagu daaweeyaa antibaayootik.
3- Ehrlichiosis anaplasmosis: waa cudur laatiin ameeriko u badan.
4- relapsing fever: cudur wato qandho siyaad ah, madax xanuun, murqo xanuun, lafo xanuun, qufan iyo firiiric maqaarka ka soo yaaco.
Iyo illaa 8 cudur oo kale oo kala duwan qaarkoodna ay yihiin kuwa halis ah oo qofka u dhiman karo ama u naafoobi karo.

Tusaale ahaan, boodada waxay keentaa xanuun laga qaado qaniinyadeeda oo loo yaqaano "demodicosis" kaasoo jirka barar, cuncun iyo xididada oo soo bararo ayaa lagu arkaa.

Tusaale ahaan huunyada waxay gudbisaa xanuunka daacuunka iyadoo doolliyada iyo bini'aadanka u kala gudbiso.

Haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo qor halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93750
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18421
Last post January 07, 2012, 02:02:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Eernada laba jeyr miyey soo laaban kartaa?

Started by AsmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3461
Last post May 25, 2018, 11:41:44 AM
by SomaliDoc
Suaal: Halis miyey leedahey Saliida neo hair oil?

Started by King11Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5373
Last post March 25, 2021, 11:56:56 PM
by King11
Su'aal: Malmalaatada caruurta nafaqo miyey siisaa?

Started by UmuabdallaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2886
Last post April 13, 2019, 06:04:36 PM
by Umuabdalla