Author Topic: Isku-Kaadinta (Bed-Wetting)  (Read 26406 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Isku-Kaadinta (Bed-Wetting)
« on: November 28, 2007, 05:20:59 AM »


Inta aanan u gadi galin qoraalka, waa muhiim in waalid kasta uu ogaado sadaxdaan qodob:
# Caruurtu ogaan iskuguma kaadshaan ama isuma-wasakheeyaan
# Waxaa lagu qiyaasay in afartiiba mid, caruurta saddex jirka ah iyo lixdiiba mid, caruuurta 5 jirka ahi ay si ku celcelis ah isku kaadshaan
# Waxaa laga yaabaa in isku kaadintu tahay calamad dhibaato jidhka ah, laakiin ilmahaagu wakhtigiisuu ku baran doonaa inuu kaadida xagsado

Calaamadaha Digniinta:
Waxaa laga yaabaa inayna waxba jirin, lakiin ilmahaagu ma u muuqdaa inuusan faraxsanayn?
Miyiyjiraan dhibaato ka taagan qoyska, mise waxaa jira waxyaalo walaac galinaya ilmaha?

Waxa aad sameyneyso:
Is-daji hadii ilmahaagu isku kaadsho ama isku xaaro.
Isku day inaad hubiso in ilmahaagu kaadsho ama isku xaaro wakhti gaar ah.
Hubi in ilmahaagau galo musqusha in yar ka hor intuusan tagin sariirta.
Hadii aad walaacsan tahay kala xaajood dadka caafimaadka aqoonta u leh.

Maxaa kula gudboon?
Sii fursad ilmahaaga uukaagala sheekaysto dareenkiisa, isku day inaad is dajisid, isna dabci adidoo tusin calaamad muujineysa walaac.
Ha maagin ilmahaaga haddii uuna seexan habeenkii ama haddii uu isku kaadsho.
Isku day inaad fahanto siduu waxu dareemayo iyo haddii uu ka walaacsan yahay isku kaadinta.

Sidee looga hortagi karaa?
Hubi in ilmahaagu ogsoon yahay inuu kaala sheekeysan karo wixii walaac ah ee haya.
Haddii aad u baahan tahay talooyin ku saabsan arrimaha aad samayn karto si aad u joojiso isku kaadinta, kala xaajood wixii walaaca ee jira dhakhtarka qoyska ama kalkaalisada caafimaadka ee dugsiga.

Sidee baan u caawin karaa ilmahayga?
1- Tunjiga lagu tababarto:
Waxay u badan tahay in ilmahaagu barto sida loo xejiyo haadida haddii aanad ka walwalin kaadida isna dajiso.
Waxaad xasuusataa, in ilmahaagu ku baranayo intii itaalkiisu yahay adigoo amaana ilmahaaga halkii aad ka ciqaabi lahayd, ayaa caawineysa.
Inta u dhaxaysa saddex ilaa afar jirka waxay u badan tahay in ilmahaagu qalalan yahay maalintii, marmar ay ka baxsato maahee, waxaad niyada ku haysaa inuusan jirin isbadal dhakhso ahi, lakiin waxaa xigi doona in si tartiib ah habeeno badani qalayl ahadaan.

2- Dhakhtar la tasho:
Ma sahlana in la ogaado waxa caruurta qaarkood ay ugu qaadato wakhti ka dheer kuwa kale inay noqdaan kuwa qalalan. Hase yeeshee isku kaadintu ma aha mid caajisnimo ama awood la'aan ay sabab u tahay.
Caruurta qaarkood, xaqiiq ahaan lixdiiba mid toddoba jirrada way isku kaadshaan.
Inkastoo laga yaabo inay kadeed u tahay adiga iyo ilmahaaga, isku day inaad u dhulqaadato; way yartahay il ilmo ogaan isugu kaadsho ama isu-wasakheeyo.
Haddiiilmahaagu todoba sano jir dabadeed uu sii wado inuu si joogto ah isku-kaadsho, waxaa laga yaabaa in ay dhibaatada ay sababayaan dhow arrimood. Ilmahaaga arrintan kala hadal, waxaadna u sheegtaa in caruuro ka waaweyn ay arrintaani ku timaado. Kala munaaqishood wixii walaaca aad ka qabti ilmahaaga dhakhtarka ilmaha.

Qoraallo xiriir la leh:

Diagnostic
http://somalidoc.com


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26465
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21468
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44024
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47824
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29389
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc