Author Topic: Xisaabso culeeska iyo dhirirka cunugaaga  (Read 12720 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Diagnostic

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 281
  • Points: +112/-0
  • Gender: Male
  • Professional Diagnosis
Xisaabso culeeska iyo dhirirka cunugaaga
« on: November 19, 2007, 01:37:41 AM »
Waxa ugu muhiimsan oo aad ku ogaan kartid in cunugaaga koriinkiisa uu caadi yahay wax mushkila ahne aysan jirin waa inaad la socotaa miisaankiisa iyo dhirikiisa.

Maadaama hooyooyinka badankood aysan haysan miisaan ay ku cabiraan ilmahooda, waxa aan halkaan ku soo gudbinayaa dariiqo sahlan oo qof walba uu ku xisaabsan karo culeeska iyo dhirirka cunugiisa.

Culeyska:
Ilmuhu marka ay dhashaan miisaankoodu sida caadiga ah waxuu u dhaxeeyaa 3 ilaa 3.5 kiilo, ilmaha bdankood culeeyskooda inuu siyaado waxaa la dareemi karaa 10 maalmood ka dib marka ay dhashaan.

Sanadka ugu horeeya culeeyskiisa sidatan ayuu u siyaadaa:
  • 3 kiilo ayaa ku darsanta afarta bilood ee ugu horeysa
  • 2 kiilo ayaa ku darsanta afarta bilood ee ku xigta
  • 1 kiilo ayaa ku darsanta afarta bilood ee ugu dambeysa
ama sidaan u xisaabso: inta bil uu jiro lagu daray 9 loo qaybiyay 2 (inta bilood uu jiro + 9 / 2)

Markuu sanadka labaad ugudbo sidan ayaa u xisaabsan kartaa:
- sanadka 1 - 6aad waxaa ku darsanta 2 kiilo, sanad kasta, sidaane u xisaabso: inta sano uu jiro lagu dhugtay 2 lagu daray 8 (inta sano uu jiro x 2) + 8
- sanadka 7 - 12aad waxaa ku darsanta 2 iyo bar kiilo sanad kasta, sidaan u xisaabso: inta sano uu jiro lagu dhuftay 7 laga jaray 5 loo qeybiyay 2 (inta sano uu jiro x 7) - 5 / 2

Dhirirka:
Ilmaha marka ay dhashaan dhirirkooda sida caadiga ah waa 50cm

Sanadka ugu horeeya culeeyskiisa sidatan ayuu u siyaadaa:
  • 3 cm bil kasta, 3da bilood ee ugu horeysa
  • 2 cmi bil kasta, 3da bilood ee ku xigta
  • 1 iyo bar cm bil kasta 3da bil ee ugu dambeysa

Sanadka labaad 1 cm ayaa ku darsanta bil kasta.

2 sano kadib sidaan ayaa loo xisaabsadaa:
  • inta sano uu jiro lagu dhuftay 5 lagu daray 80 waxay la mid tahay dhirirkiisa oo cm ah
inta sano uu jiro x 5 + 80 = dhirirkiisa oo cm ah

Diagnostic


In diagnosis think of the easy first.
Martin H. Fischer


 

Meeqo saac oo hurdo ah ayuu u baahanyahay cunugaaga?

Started by DiagnosticBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 0
Views: 16441
Last post January 19, 2008, 03:51:29 PM
by Diagnostic
La Saan Qaad Cunugaaga - 1

Started by DiagnosticBoard Cudurrada Caruurta

Replies: 3
Views: 22748
Last post October 27, 2007, 01:06:05 AM
by Diagnostic
Su'aal: Dhirirka xad ma leeyahay?

Started by Mohamed100Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3934
Last post May 27, 2016, 08:50:40 PM
by SomaliDoc