Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Malabka iyo Malayga ilmaha ma soo ridaan?

(1/3) > >>

Kaafiyo:
asc dhamaan dhaqaatiirta wabsite kaan salan kadib walaal waxaan rabaa inaan wax ko ogaado laba shey oo kala ah malabka iyo malayga soomaalidu waxay tirahda malabka iyo malayguba waxay soo ridaan ilmaha uurka kujira marka maxaa kajira arintaas mise waa iska sheeko soomali miyey wax udhimayan ilmaha uurka kujira

Muraad:
Aan ku bilaabo malabka: marka hore waxay ku xirantahay nooca malabka ee aad isticmaalaysid. Tusaale hadaad ku nooshay wadamada galbeedka inta badan malabka waxaa lagu sameeyaa pasteurization (taas macneheedu waa in laga dilo wixi  dhibka gaysan lahaa). Laakiin xitaa wadamada galbeedka qaarkood waxaa laga helaa noocyo malab ah oo aan lagu samayn pasteurization marka waa inaad aqrisaa  qoraalada ku qoran warqadda ku dhegan weelka uu ku jiro. Dhibaatada dadka ka soo gaarta malabka iyo cuntooyin kale sida cuntada gasacadaysan waxaa sabab u ah Clostridium botuninum. Bacteeriyadan waxay sii daysaa botulinum toxin. Runti suntan lagu magacaabo botulinum toxin kama gudubto placenta-da sida lagu sheegay baaritaano horay loo sameeyay laakiin waxaa kale oo la ogaaday in ay dhibaato wayn u gaysato hooyada uurka leh taasina keento in saamayso uurkeeda.  Waxaa jira dhowr xaaladood oo hooyooyin uur leh ay si kala gedisan saamayn ugu yeelatay suntan oo noocya kala gedisan oo cuntada ah u soo raacday. Mid ka mid ah xaaladahaas aan soo sheegay waxaa dilaacday Placenta-da  keentayna in canugi oo aan gaarin waqtigi uu dhalan lahaa laga soo saaro hooyada. Waxaan kugula talin lahaa inaad iska dhaafto isticmaalka malabka inta aad uurka leedahay maxaa yeelay dhibkiisa iyo faaiidadiisa marki lays bar bardhigo wax badan dhibkiisa. Hadaan usoo noqdo su'aasha ah hadii malabku ilmaha soo rido; waxaa jira diraasad lagu sameeyay dooliyada oo ladu diray suntan aan kor kusoo sheegnay ee ku jiri karta malabka in ay sababtay in dooliyada ilmuhu kasoo dheceen sidoo kale in dhbaato kasoo gaartay korniinka lafha oo hoos u dhacay iyo weliba ilmaha oo culayskeedu yaraado. Ma aanan arag diraasad ka hadlaysa in ay biniaadamka u sababtay ilmaha oo soo dhaca laakiin sidaan kor kusoo sheegay waxay keentay in dumarka ku sumooba suntan lagu soo qalo ilmaha oo aan gaarin waqtigi ay dhalan lahaayeen.
Malaayga ama kaluunka: Malaaygu wuxuu u leeyahay bini aadamka nafaqo aad muhiim u ah oo ay ka mid yihiin waxa lagu magacaabo Omega-3 oo aad ugu wanaagsan biniaadamka yaraysana waxa Soomaalidu u taqaan dhiig karka, in xayri xirto xididada, sidoo kale waxay ka hortagtaa inuu wadnuhu istaago  iyo graaca wadnaha oo aan caadi ahayn, iyo waxyaabo kale oo fara badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin.  Sidoo kale waaxaa ku badan mlaayga noocyada kala gedisan ee vitamin-B oo aad muhiim ugu ah jirka biniaadamka  qaybihiisa kala gedisan.
Malaaygu  waxaa ku jira Mercury (meerkuri) oo ah nooc ka mid ah biraha culus kaas oo dhibaato ugaysan kara maskaxda koraysa ee canuga uurka ku jira iyo neerfayaashiisaba. Taas keliya maah ee Meerkuri wuxuu sidoo kale dhib u gaysan karaa hoooyada uurka leh.
Haddaba maxaa la gudboon hooyada uurka leh si ay u hesho uguna gudbiso canugeeda uurka ku jira nafaqada ku jirta malaayga ? Waxaa haboon inay kaluunka (malaayga) u isticmaasho si kala fog oo aan keenaynin in Meerkurigu  aad ugu kordho jirkeeda sidaasna dhib ugu gaysto iyada iyo canugeedaba. Waa in aanu ka badan malaayga ay cunayso hooyadu 170gm (6oz) bishi si ay hooyadu uga badbaado dhib uga yimaada. Ma arkin diraasad ka hadlaysa in cunidda malaaygu ilmaha soo rido.
Waxaan rejaynayaa inay asxaabta kale wixi muhiim ah oo ay hayaan ay ku dari doonaan si ay jawaabta su’aashu kaamil u noqoto.

Kaafiyo:
aad baad uamahadsantahay walaal allahab kaa abaal siiyo rayigaaga iyo sidaa usharaxdayba bal aan kawada war sugno daqatiirta iyo qofkii kaloo wax nagu soo kor dhinaaya dhamaan tiin mahadsanidiin

SomaliDoc:


Malabka iyo Malayka sidooda uma keenaan dhibaato xagga uurka ah, ilmahane ma soo ridaan.
Labadaba waa labo maaddo oo faaido fiican ugu jirta hooyada xaamilada ah, waxa laga helo oo faaido ahne halkaan laguma soo koobi karo.

Welina ma dhicin in la isku waafaqay in malabka iyo malayga ay ilmaha soo ridaan ama hooyada uurka leh ay wax gaarsiiyaan, laakiin waxaa dhici karto in jeermis ku soo dhex dhuuman karo ama sun ay soo raaci karto sida kor lagu sheegayba, intaa wax ka baxsan oo dhibaato ah kale ma keenaan.

Tusaale ahaan malabka waxaa ku dhex tarmi karto bakteeriyada kor lagu xusay, taasoo takhaatiirta ay ku taliyaan caruurta ka yar hal sano in aan la siinin malabka maadaama ay bakteeriyadaas difaac u heysan oo ay dhibaato gaarsiin karto hadduu malabka jeermiskaas leeyahay, laakiin lama sheegin in hooyada xaamilada ah aan la siinin caruurtane waxaa looga fogeeyay waxaa waaye in baktereiyadaas ay calooshooda la dagaallami karin.

Haddii xitaa bakteeriyadaas ay hooyada ka qaaddo malabka, uma gudubto cunugga caloosheeda ku jiro oo kama tilaabi karto mandheerta ama ibida oo wax dhibaato ah uma keysan karto uurjiifkeeda.

Midda malayga isagane waa sidoo kale oo cabsida ah in heerka sunta meerkuriga uu ku badnaan karo malayga ayna dhici karto taasoo hadduu dhiigga hooyada aad ugu bato uu keensan karo in korriinka maskaxda uurjiifka uu wax gaarsiin karo, waana sun ka gudubta ibida laakiin ariimahaas dartood waxaa loo sheegaa taxaddar ee wax cilmi ahaan la hubiyay maahan.

Marka talo ahan waxaan u soo jeedin lahaa hooyada uurka leh, in malabka uu yahay maaddo nafaqo iyo caafimaad dhinac walba leh eebbene noogu sheegay qura'aankiisa kariimka ah sidaa darteedne in ay ku dadaasho khaas ahaan malabka waxaa lagula tacaalaa wallaca (lalabada iyo matagga uurka) oo in biyo lagu qaso oo la khafiifyo ayaa la cabaa subaxdii hore, markaas hooyada xaamilada ah waxay ka helaysaa energy mana ku lalaboonayso, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan Wallaca (Morning Sickness): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html.

Haddii hooyada ay dhashane waxaa lagula taliyaa in ay malab cabto si minka uu usoo nadiifiyo oo wixii xinjiro ama wasaq ku hari lahaa oo laga yaabi lahaa in infection gadaal ka dhaliyaan, malabka si cajiib leh ayuu u soo bixiyaa oo minka nadiif ayuu uga dhigaa.

Waxaa muhiim ah in malabka sidoo kale la badsado cabistiisa bisha ugu dambaysa ee uurka maadaama uu mruqaha minka adkeeyo kuna caawiyo uurjiifka inuu kafka soo galo oo bixitaankiisa soo dhawaado taasoo foosha saacidi karto ama soo dadajin karto dadka foosha ku culus tahay.

Waa muhiim hooyooyinka leh dilanka soo laalaabto ama dhowr jeer ilmaha ka dhicisoobeen in ay ka fogaadaan cabista malabka bilaha dambe maadaama murqahooda minka ay cilald ka jiri karto oo ay dilmi karaan ama dhicis ay dhali karaan iyadoo waqtigii uusan dhamaysan.

Intaas waa faaida yar ee hooyada xaamilada ah ay ka heli karto malabka.
Qoraalkaan ka akhriso waxtarka malabka oo kooban: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3929.0.html
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ama faahfaahin aad u baahan tahay, fadlan ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Kaafiyo:
masha allah walaal allaha abaalkaasiyo sharaxaadada allahana kuxifdiyo mahadsanid markasta

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version