Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Malabka iyo Malayga ilmaha ma soo ridaan?

<< < (2/3) > >>

Cabdoow:
waxan ku darsan lahaa su aal ah kaluunku wax tar gaar ah ma uleeyahay hooyada nuujinaysa iyo ilamaha

SomaliDoc:
Kaluunka wuxuu ku jiraa cunnooyinka faaidadooda aan la soo koobi karin khaas ahaan saliidda kalluunka waa saliid qiimo caafimaad leh oo waxtarkeeda aan la soo koobi karin.

kaluunka waxaa ka buuxo macdan jirka muhiim u ah sida kalshiyam, bir, zink iyo phosphorus.

saliidiisa waxaa ku jiro dufanta loo yaqaanno Omega-3 taasoo baritaanno dhowr ah oo lagu sameeyay la isku waafaqay in caafimaadka u roontahay oo lagu daaweeyo cudurro dhwor ah oo ay ka mid yihiin: niyad jabka, in kolestaroolka hoos u dhigto, in caabuqa jirka ay yarayso, in xanuunka kalgoysyada ay yarayso, in oogada bilicda iyo quraxda u kordhiso, in miisaanka ay lumiso, in ay ka hortagto cudurrada maskaxda sida iskitsofreniya, in shaqada maskaxda ee caruurta yaryar ay wanaajiso, in ay kordhiso qofka diiro saaristiisa (focusing), in haweenka dhalo ay ka yarayso diiqada dhalmada kadib, in kordhiso aragga, in yarayso halista cudurrada wadnaha, in ay yarayso korriinka burada naasaha, in lagu daaweeyo xanuunka xiidmaha ee crohn iyo boogoobidda xiidmaha, in ay yarayso calaamadaha xanuunka laleemada, waxay bogsiisaa boogaha jirka, waxay dajisaa maanka iyo faaidooyin intaa ka badan ayaa jira.

CilmiSabca:
Dhakhtar, Kaluunka midka freshka ah ee badda laga soo qabtay ee la karkariyo ama la qalajiyo      iyo midka warshadeysan {Lasqorey tuna, Oomaar, Hilwa IWM) ee aan dhicin, iyo kaniinada sida Salmon oil tablets Iwm,  ma isku mid baa isticmaalkooda (faa'iidada) iyo tayadooda?.

Kaafiyo:
asc adoo mahadsan waa tee saliida kaluunku

SomaliDoc:
Kalluunka ugu fiican, waa midka freshka ah oo badda ama wabiga laga soo saaray, haddii daawo laga dhigo badana waxaa lagu daraa daawooyin kale oo xifdiyo ama dheereeyo muddada la isticmaalo midaas oo caafimaad ahaan tayada faaidada kalluunka dhinto.

Saliidda kalluunka waxaa ka buuxo dufanta nooca loo yaqaanno Omega 3, oo faaido badan u leh jirka biniaadanka, dukaamada qaar ama farmashiyada waa lagu gadaa.

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

[*] Previous page

Go to full version