Author Topic: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo  (Read 10125 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Raaliyo

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 42
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« on: December 25, 2011, 06:22:04 PM »
A/S dhamaan waxaan halkaan ka salamayaa dhaqatarada soomaliyeed oo aan oran karo waa dad ilaah khibrad siiyey naxariisana ugu daray ilaah ha ka siiyo xasanad badan madama ay noo hagar baxayaan iyo dhamaan umada soomaliyeed meel walba ay joogaan gaar ahaan asxaabta halkaan soo gasho waxaan qabaa suaal ah habeen dhaweyd anoo hurdo baan soo booday sidii qof naxay waxaan dareemay wadanah inuu xoog ii garaacmo naqasaka qadan kari waayo marna noqdo qaboow marna kuleeyl markii danbana aan bilaabi inana ilkaha isla dhaco oo dhaxan i qabto waxa dhan waxay ahyd ilaa 5 daqiiqo ka yarcaadi baan ku soo noqday waxan la soo booday matag markaa waxaan rabaa inana wax idinka weydiiyo ma la xiriirtaa xaga caloosha madama aan dareemay inay  qaras igu kacday waqti late aan seexanayo bana cunay cuno basbaas leh  mise waa panick attack  hurdada dhexdeeda igu qabsaday  waxaa kaloo jira quraan baan akhristay ilaah waa iga qaaday wixii i hayey isla markiib,  waad mahadsan tihiin idinkaan idinka sugaya ajawaab hadii alle idmo.


                                                                 wabilaahi towfiiq.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #1 on: January 07, 2012, 01:13:30 PM »
Panic attack kuma baaba'o 5 daqiiqo oo qofka in uu xaaladdiisa caadiga ah ku soo laabto waxay qaadataa saacado, inkastoo quraanka aad akhrisatay laga yaabo in eebbe kuugu fududeeyay.

Qaabka aad uga sheegeysid oo ah dareenka in wadnaha ku istaagi rabo oo naqaska kugu dhagayo waa sida loo dareemo cillada argagaxa, qofkane wuu dareemi karaa lalabo oo la matago, qofkane badanaa aad ayuu u neefsadaa.

Laakiin waxaa kaloo muhiim ah in iyadane la ogaado in argagaxa uu keeno laabjeex iyo gaastiriko labadaba, taasoo ka dhalato in xameetada ay ka buuxsanto dheecaanka bile-ka uu soo saaro beerka.

Haddii aad horay u dareemi jirtay cilladaan waad garan kartaa in ay cillad argagax iyo in kale, laakiin sida ay iila muuqato iyo sida aad u dareentayba waxay tilmaamaysaa astaamihii cillada argagaxa "panic attacks"

Riix Halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3610.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #2 on: April 09, 2012, 08:33:18 PM »
asc my all doc after slm waxan idin weydinaya idinkoo mahdsan ...waaxaan ahaay gabar ka xanuunsato in mudo ah madax xanuun waxaana qabay madax xanuun daran oo waxa aan ku tilmao an garneyn marmarka qaar an miir aan wax ku kal saro lehen anoohadan dhaceyn waxa kalo jirto in aan seexan jirin week oo kale hab u badnaato habenki ..waxa kalo jirto in an aad u baqo qolka wan ka baqaa waxan u maleyaa in lii bursanayo goor albo mugdi wan ka baqaa wal wal joogta naxdin shaki badan waxbarshadii aan sii wadi kari waayo ooyin fara badan aan meel liiga heesto aan aqoon dadki oo aan noco kaligey inan mel jogo ban jeclahy qofwlabo inu ani i heestan mooda dadka wan ka dhex baqo jiray..waxa ii si dhreed quraan ba li saari jiray joogto masalah anoo saas ha oo isbital li geynayo somlaoya marba cudr anjrin ba liga so shegya sidi ban schoolka ku dhameeyay xanuunki jogo iima qabin jirnee 3bilba wuu igu so laban jiray saas markan noqodo quraan baa lii saari jiray marmarka kale caadi ban ahan jiray xita marki ey jirdas i qabto cunto ma cuni karo shuban calol xanuun marmamar calolsha n i socon madax xanuun saaid ..dhinac ba aad i xanuun ....ka dib scgoolki sas markan ku dhamey halkan markan imi dhartar bal ka xiraryay .. waxas oo dhan wan u shagey dhaqtarki waa saykolojiste ayu aha wuuna ah dhaqtar maskax wuu scan ayu maskax iga saray waxbokam qabtid buu i dhahy walibo anoo jiradi daremayo qalbieyga ma qancin wan u shegay wuxu ishegya in ii i hayo ..jiri maagareyn la dhoho ..6bil baa toos ila xariireysa buigu yiri doctrki waan dhamesaty dawadi marka wan reestaylkin xanuunki wuna iqbta wa maxay aqoontiina maxad igu soo kordhin leheden

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #3 on: April 10, 2012, 08:09:36 PM »
Nuqfaa, dhibka aad sheegtay in uu ku hayo, waxaa u sabab ah Aamin sanaanta aad aamin san tahay in uu xanuun ku hayo & waliba niyad daada oo uu ku dhegay. Waxaa dhici karta haddii aad aamin san tahay in aysan ama wax kale waxba kuu tareynin; in ay aamin sanaan taas darteed waxba kuu tari waayaan.
Si aad u heshid hurdo fiican, waxaad sameysaa sidan:-
> Markaad seexan rabtid weyso qaado ka dib akhriso suuradda Al Baqra aayadaha 1 ilaa 5 & aayat kursi.
> Ha fakarin ee dug dheh.
> Haddii aad daawooyin istimaashidna waa in aad soo istimaashey khadar xoogaa ka hor ah waqtiga aad seexan doontid.
> Habeen kasta sidaas yeel, Insha Allaah waad xasili doontaa.
> Haddii ay xaaladu tahay mid nafsaani ah, mar kale la xidhiidh Dhakhtar.
Ugu dambeyn, waxaanu wada sugeynaa jawaabta Somalidoc..
Talo SAARO Allaah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #4 on: May 19, 2012, 12:27:48 PM »
Daawada takhtarka uu kaaga qoray Migraine-ka raysasho noocee ah ayaad ku dareentay? ma madax xanuunkii iyo hurdo la'aantii ayaa kaa tagay? mise cabsidii oo in lagu eryanayo, shakigii iyo mugdigii aad ka cabsan jirtayne waaa kaa tageen?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuqfaa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #5 on: July 16, 2012, 06:43:23 PM »
asc dhaqaatiirteyda aan aadka u jeclahay salaam qiimo badan marka hore wlahi abalkiina ilaah un ba gudi karo ee alle cmlkina aad u heysan bulshada u bahan cafiiamd aad inti karankina iyo dalaalkina aan nagu garab siisan waqtigiina qaliga mid ajar ku sgan allah idnkugu badalo marka aan gudo galo arinkeyga ............... horta waan ka xumahy in aan intaan idinla soo socdsiin wixi ad iga sugeysen iyo talo ad isien sida xalkeyga cafimad yahy dhaqtarki  hore iisoo jawbay dre waxaad i farty in badan wan ku dadaly alx inkastoo an marmar lasim hadan wan smaeyn jiray wlahi quraanku waa caafimad iyo hidayo oo qlaibiga wa ii daga markan adkata iyo quranka aqisto alx lilaah lkin wana daremayo xanuunki oo dhaqtrkeygi wan ku labty oo awal waxa ii igu yiri bil ka dib ii so aabo marki dawadaku dhamato ka dib si an u ogaado in aad ka han karto iyo sida an noqtay alx wan ku labty inkastoo bil ka badan aan u tagin hadan maanaty oo isniin ah ban u tagy oo walibo markianjoojiyay daawadii wlahi wan daremay xanuun saaid ah lkin an ahyen sidi an aha marki hore lkin xanuunka igam suulin wan u shegay dhaqtarkii mantay isla dawwyinki buu ii soo qoray iyo mid igu cusb oo lix di saac walbo hal xabo la laqaayo sas ey tahay 8da bsiah soo socto ayu dhaqtar kale special ah ii gudbiayay aan la leyahy balna  wuxu dhaqtarkaas kale iso dhoho wna idnla socdsinay isnhalah .......... dhaqtar kale iso weydiiayy maku reysaty kaninyade dre wlahi nafis wan daremaa markan qaato dawooyinka lkin ima daayo madax xanuun tan kale haa hurdo wan helaa madax xanuunki iigu daran marna i qabto marna i daayo ceejinti iyo in li bursanayo an moodo wa iga yaraatay lkin madax xanuun badan iyo qeylo an xamili karin ano qalbiga ka rabo bulshada ayan ahdan xanuun daran dareema .... waxa iigu daran hader an daremo ah lalabo matag wareermadaxxanuun xidid dhanka bidix ah ilaa iyo laf dhabarta bidxda ah xididda wey i kagyaan madxa dhanka bidix hal amr liiksu key qabnayaa ilaa iyo isha bidx hoosteda  maskaxdna wey i ololeysa  marmarka qar madax inu i guurayo ad mooda ila hader ma aqna MIGRAINE   ayuuna i dhahaa dhaqtarkeyga   waa kaas adinka idn ka sugya waxa ka sax ah intaas iyo jawabwacan  aad baad u mhadsantihin ALL MY DOCRS wcs

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdaada oo lagu naxo
« Reply #6 on: August 25, 2012, 03:56:06 PM »
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka siiba Migrain-ka:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107896
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64913
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29924
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 54127
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 35046
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca