Author Topic: Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?  (Read 18421 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Walaalka

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?
« on: December 28, 2011, 02:21:24 PM »
Asc wr. Wb. Sln kadib dhamaan dhakhaatirta website ka waad mahadsantihin sida baahideena aad inooga haqabtireysan, kadib waxan jeclaan laha inan idin weydisto Sual: labada xiniinye ee ragu miyey kala weynyihiin?  Midig ama bidix? Ma arin iska dabiici ah waaye mise cilad dhanka koriimada ah aya jirta ama xanuun ama jug gaarta xiniinyaga aya sababi karta hadii ay kala weynyihiin? Fadlan info dheer naga siiya. Mahadsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xiniinyaha raga miyey kala weynaan karaan si dabiici ah?
« Reply #1 on: January 07, 2012, 02:02:13 PM »
Labada xaniinyo in ay kala waynaadaan waa arrin caadi ah oo dhacdo mana ahan xanuun ama jug gaartay waa arrin ku aadan xagga korriinka.

Laakiin waxaa jiri karo cudurro kala wayneysiin karo labadaba xiniinyo laakiin waa in ay la socdaan calaamdo kale oo tilmaami karo in xanuun jiro sida: xanuun, daqnasho, barar ama dareen burtuqyo ku samaysma qooraha korkooda iyo waxyaalo kale oo awal aadan horay u dareemi jirin oo aad dareentid.

Waxyaabaha kale oo xiniinyaha kala yarayn karo waxaa ka mid ah in xiniin ay jirato markaasne ay baaba'do taasoo ka dhalan karto badanaa infekshan ku dhaco sida jabtida iyo wax la mid ah.

Laakiin sida caadiga ah labada xiniin way kala waynaan karaan, labada qoorane way kala dheeraan karaan.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waa na soo waydiin kartaa
SomaliDoc
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23176
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33575
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: labada naas iyo labada xaniin oo kala wayn?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10706
Last post August 30, 2015, 07:08:45 PM
by SomaliDoc
Su'aal : Gacanta bidix kala gooys calaacasha iyo gacanta ayaa i xanuunta?

Started by AadaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 41305
Last post January 20, 2018, 03:01:49 PM
by Abdirizak Hazzan
Dood Wanaag: Maxaa Kala Haysta Soomaalida Minnesota iyo Tallaalka MMR?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 2
Views: 18450
Last post April 25, 2011, 05:41:18 PM
by MuslimDoc