Author Topic: SU'AAL: MAXAA KEENA XANUUNKAN ?  (Read 10713 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
SU'AAL: MAXAA KEENA XANUUNKAN ?
« on: January 01, 2012, 09:09:31 AM »
ASALAAMU CALAYKUM MAANTA DHAKHAATIIRTA WAXAAN WAYDIINAYAA INAY II SHEEGAAN XANUUNKAN WAXA KEENA .

MUDO IMINKA LAGA JOOGA 3 SANO IYO SADEX BILOOD AYAA LA IGU IDHI WAXAA KU HAYA TAYFOODH (THPOID) KADIBNA WAXA LA IISOO QOREY DAAWO.

LAAKIINSE DAWADII WAXBA WAAN ISKAGA GARAN WAAYEY KADIBNA WAXA LA IGA HELAY TB (TUBERCULOSIS)

KADIBNA WAXA LA II BILAABAY KINIINKII TB DA MARKAAN KINIINKII DHAMEYSTAY EE DHAXAANTANA LA IGA WAAYEY EE LA IGU IDHI NEGATIVE BAAD TAHAY

AL XAMDU LILAAH  XAANUUNKII WAAN KA BOGSADAY . HADANA WAXAAN   DAREEMAYAY BUR BUR  XAGA JIDHKA AH WAXAANA LA IGU IDHI DAAWADIIBAA JIDHKA BURBURINAYSA.

KADIBNA ADIGU XANUUNKU AAD UMA DHIBBADNA OO XANUUN  DARAN IGU MA HAYO HADABA XANUUNKA AAN KUU FAAHFAAHIYO SIDUU II HAYO .
          WAXAAN DAREEMAA :
* MADAX XANUUN ISKA SAHLAN ILAA IYO MUDADII LA IGU IDHI TAYFHOODH BAA KU HAYA.

* CURUUQDA AMA JIDHKA  OO I XANUUNAYA  WALIBA MARKAAN YARA SEEXDO WAXAAN SOO KACAYAA JIDHKII OO I BURBURSAN OO GARAAC IGA BAXAYAA KADIBNA WAAN IS YAR

 KALABIX BIXIYAA OO WAAN YARA JIMICSADAA KADIBNA WAAN YARA FIICNAADAA

* markaan yaro kululaado jidhka oo aad moodo in dhambiilo dhab la igaga dhajinayo waliba markaan cad ceeda arko iyo olol xaga dhabarka qoorta iyo wajiga .
 
* hadaan laabta gacanta ku yar cadaadiyo yaduna way i xanuunaysaa .
* MARIGIYO XANUUN MAR MAR AH OO SAHLAN
 Waa intaa caalamadahaygu
mudo badan baan  kiniino  soo cunayey  markaan kiniinadaasina iyagu way keeni karaan xanuuno kale oo dhiiga ah  iyagana wax ii ga faahfaahiya . aad baad ugu mahadsantihiin caawimada aad caawineysaan walaalihiina ilaahay ha idinka abaal mariyo waxaan idinka rajeynayaa jawaab degdeg ah.

 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: MAXAA KEENA XANUUNKAN ?
« Reply #1 on: January 07, 2012, 02:19:31 PM »
Tabardarri, daal, kor-hur iyo jir xanuun waa calaamado la socon karo xanuun walbo, waxay ahaan karaan murqo-xanun noocyadiisa kala duwan ama lafo-xanuun noocyadooda kala duawan sida roomaatisamka, riixa iyo caabuqa lafaha.

Wuxuu noqon karaa cudur ka socdo heerka hormoonada qaar ee jirka sida hormoonka toroodhka oo qofka hadduu ku yaraado calamadahaas uu dareemi karo.

Marka talo ahaan waxaan ku siin lahaa in aad la xiriirtid takhtar si laguugu sameeyo baaritaanno dhowr ah oo lagu ogaanayo cudurrada keeni karo calamahada aad ka cabanaysid ama in lagugu sameeyo wiisito muuqaaleed.

Sidaas ayaa ugu sahlan in lagu ogaado xanuunkaaga.

Midda kale oo muhiimka ah iyadane waa in aad noo sheegtaa kaniiniyada aad muddada dheer cunaysay taasoo laga ogaan karo in ay waxyeelladooda tahay iyo in kale.

Haddii aad baaritaannada soo samaysid ee kala duwan sida aan kugula taliyay markaas waan kuu fasiir karnaa waxay ay sheegayaan iyo sida ay ula xiriiraan xanuunka aad ka cabanayso laakiin waa in aad takhtar u tagtaa marka hore.

SomaliDoca
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Wahiib143

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: SU'AAL: MAXAA KEENA XANUUNKAN ?
« Reply #2 on: January 11, 2012, 05:07:24 PM »
ok


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55876
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162182
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106885
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57894
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62216
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig