Author Topic: Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?  (Read 11251 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ummu Hafsa Och Hanan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?
« on: October 21, 2011, 04:25:52 PM »
asc wrb dhamaan waan idiin salaamayaa bacda salaan waxaan si gaara ugu mahad celinayaa dhaqaatiirteena soomaaliyeed oo sida  aadka ah waqtigooda noogu huray siday nooga jaahil bixin lahaayeen aqoondarada iyo bahda barjaamijka ayagana waan u mahad celinayaa.
hadii su'aashayda aan u guda galo waxaan ahay gabar 25 jir ah uur yar ayaana leeyahay waxaana la igu yiri waxaa kaa dhacsan dhiiga laga cabiro gacanta hbga in la dhaho ayaan u malaynaa waa midka haduu kaco noqdo dhiig kar alaaxu mina jinaa wadankan aan joogana waa wadan ilmaha bas laga tix galinayo daawa iga caawisana maku siin karno ayay yiraahdeen oo ilmaha ayuu u fiican yahay inuu dhacsanyahay ayay igu yiraahdeen waxaana ku qabaa madax xanuun daran iyo wadnaha oo hoos u dhacsan tahay shaqadiisa uurkana waa da'di labaad kii horana sidaan ayuu iiga dhacsanaa marka maxaa sabab u noqon kara  inuu dhaco wax dhibase ma ii keeni karaa adinkoo mahadsan ..
su'aal labaadna waan qabaa waxaa igu yar vitamin D ga waxaana qaadanaayay mudo sanad iyo bar kaniiniga vitamin D breast la yiraahdo sidi la rabay iiguma uusan kordhin 160 kaniini  ayaan dhameestay marki hore waxay igu dhaheen ka anahu inaadan wada cunin ayuu dhiigaaga sheegayaa ana waan wada cunay wadan qorax lehna ma joogo marka walaahayga maxaad igula talin lahaydeen oon sameeyaa teeda kale ma qaadan karaa anoo uur leh kaniiniga lugahana kala goyska anqawga meeshay labada laf iska galaan ayaa i xanuunta mar kasta waxay iigu daran tahay subaxi intaanan sariirta kasoo dagin iyo habeenki markaan seexan rabo aad ayaan ugu baahanahay taladiina sida idinkugu fudud iigu soo jawaaba jizaakumu laah dhamaan wsc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?
« Reply #1 on: November 01, 2011, 08:46:02 PM »
Dhiigyarida aad ka cabanayso waa midka lagu cabiro Hb-ga, hadduu batane dhiig-kar ma keeno waxay kala yihiin labo baaritaan oo aan shaqo isku lahayn, midka dhiig-karka noqdo waxaa la cabbiraa cadaadiska dhiigga isku qaabne looma cabbiro oo dhiig lagama qaado qofka oo lama baaro waa la dhagaystaa kaliya intii gacanta xaggeeda sare lagaaga xiro wax loogu talagalay.

Midda kale hb-gaaga hadduu dhacsanayahy adigane aad uur leedahay waa halis, hooyo walba oo xaamilo ahne waa lagala dagaallamaa in cabirka dhiiggeeda uu yaraado maxaa yeelay waxay keenaysaa dhiig yari taasoo sameyn aan fiicneyn ku raabeyso uurjiifka oo sidii loo rabay uusan u koronaynin iyo hooyada laftirkeedaba oo uu u keeni karo howlgab wadno iyo xanuunno kale.

Marka waxaan kugula talin lahaa la xiriir takhtar aqoon leh oo garanayo waxa faaidada kuugu jirto iyo waxii aan faaido kuugu jirin labadaba, middeeda kale hadiiba aad uur leedahay la xiriir qeybta daryeelka uurreyda iyo dhallaanka oo meel walba dunida laga heli karo iyagaane ugu habboon meesha aad ka heli karto waxa aad u baahantahay uma baahnin in aad takhtar wayn iyo meelo fogofog ku fakartid, xaafadda aad dagantahay ka raadi qeybta uurreyda ay tagaaan.

Midda Vitamin D-ga waxaa fiicnaan lahayd in aad noo sheegtid heerka uu marayay markii ugu dambaysay ee la cabbiray iyo qadarka daawada aad qaadatay ay ahayd, maxaa yeelay haddii daawada ay wax kaa tari waysay waxay noqon kartaa qaddarka lagaa siiyay in ay kugu yartahay oo in la siyaadiyo ay u baahantahay middaasne waxaa go'aan ka gaari karo takhtarkaaga, haddii aadan takhtarka aad la xiriirtid ka heli waysay warbixin fiican la xiriir takhtar kale weliba haddii aad heli kartid takhtar isku luqad aad tihiin oo aad si fiican ula sheeksyan kartid way fiicnaan lahayd.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ummu Hafsa Och Hanan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?
« Reply #2 on: December 17, 2011, 02:38:55 AM »
doctor waad mahadsan tahay daawada waxay aheed 180 xabo aan cunay dhiigana waxuu noqday 30
daawada ka horna 19 ayuu ahaa
doctor adoo mahadsan dhiiga iga dhacay saad u fahan tahay maaha
waxaa iga dhaca mar kasta oon uur yeesho dhiiga cadaadiska jirka oo gacanta laga buufiyo
waxaana dareemaa wadna garaac iyo neef tuur
hadii anoo jiigay ama fadhiyay aan istaag maago inaha ayaa imadoobaado
wadanahana aad ayuu ii garcaamaa
waxaa kaloo iigu daran dabka markaan galo saa id ayuu ii garaacmaa dhidid iyo kuleel ayaa laigu shidaa
kor  waxuu ahaa 90/70 tan hoos qaybta uurayda waxay leeyihiin ilmaha ayuu u fiican yahay anigana dhibaato wayn ayaan ku qabaa

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?
« Reply #3 on: January 06, 2012, 07:38:36 PM »
Cadaadiska dhiigga oo dhaco xilliga uurka waa arrin jirto waxaana haweenka uurka leh lagu arkaa 14-ta usbuuc ee ugu horreyso uurka, qeybta kore ee cadaadiska dhiigga wuxuu hoos u dhacaa 5 illaa 10 tiro, qeybta hoosane waxay dhacdaa 10 illaa 15 tiro.

Tani waa mid caadi ah, cadaadiskane wuxuu si dabiici ku soo laabanayaa markaa dhashid, waxyaabaha haweenta xaamilada ah u keeno in cadaadiska dhiigga dhaco waxaa ka mid ah:
1- Fuu-bax
2- Wareegga dhiigga oo ballaarto, maxaayeelay maadaama dhiigga wareegiisa uu ku ekaan jiray hooyada, hadda dhiigga wareeggiisa wuu dheeraanayaa oo cunugga waa in uu soo dhex maraa (waana sababta ugu weyn oo cadaadiska hoos ugu dhaco)
3- Minka wuu ballaartaa wuxuuna cadaadis saaraa xididada waaweyn ee caloosha mara, wuxuuna keenaa in cadaadiska uu dhaco khaas ahaan haddii aad dhabar dhabar u jiifsato.
4- Cadaadiska la xiriiro istaagga, wuxuu dhacaa markii uu qofka in muddo ah fadhiyo taasoo keeneyso in dhiigga uu ku gororo lugaha , markuu qofka si kadis ah ku istaagane uu dhiiggii si dhakhso ah kuma gaari karo maskaxda, markaasne wuxuu qofka dareemaa, indho madoobaasho iyo wareer, waxaana qofka lagula taliyaa xilliyadaan oo kale in uu si aayar ah u istaago isagoo meel heysto sabatoo ah wuxuu halis ugu jirtaa hooyada uurka leh in ay istaagga ka dhacdo.
5- dhiig yarida iyo sonkorta dhiigga oo dhacsan iyadane waxay ka qayb qaataan in cadaadiska dhiigga ay hoos u ridaan.

Sidee loo daaweeyaa cadaadiska dhiigga oo dhacsan xilliga uurka?
1- Qaado cuno caafimaad leh si aad uga fogaato dhiig yarida iyo in ay dhiggaaga ku yaraato sonkorta, cun cunno qadar yar ah oo isku xigxiga si aad uga fogaato gaajo muddo dheer ah.
2- Cab biyo badan iyo juus badan si aad uga fogaato oon iyo fuuqbax
3- Si aayar ah oo taxadar ku jirto u istaag, markaa fadhi ama jiiga ka kacayso, hal qaabne ha u fadhinin ama ha u seexanin muddo dheer.
4- Hooyada uurka leh waxaa lagula taliyaa in ay dhinacdhinac u jiifsato oo dhabarka aysan u seexanin, maxaayeelay sida aan kor ku soo xusayba dhabar dhabar aad u seexatid waxay keenaysaa in cadaadiska dhiigga uu dhaco.
5- Samay jimicsi joogto sida in aad socod samayso si aad u hagaajiso wareegga dhiigga ugana fogaatid in cadaadiska dhiigga uu dhaco.

Tallaabooyinkaan kaliya ayaa lagu xalliyaa hadduu cadaadiskaaga uu yahay mid la xiriira uurka kaliya, oo horay aadan u qabin cadaadiska dhiigga oo dhacsan.

Haddii cadaadiska uu sii jiro markaa dhashid ka dib ama hadaba uu aad dhibaato kuugu haayo waxaad u laabataa takhtarkaaga una sheegtaa dhibaatadaada markaas waxaa lagu qasbanaan doonaa in laguu qoro daawo cadaadiska kor u soo qaado inkastoo isbadalka jirka ku dhaco xilliyada uurka aysan habbooneyn in lagu xalliyo daawo oo in aad tallaabooyinkaan kore in aad qaadato, taxaddarkaagane aad qabto ay aad u fiicnaan lahayd.

Caafimaad buuxa ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ummu Hafsa Och Hanan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Dhiigga oo dhacsan?
« Reply #4 on: January 08, 2012, 03:11:52 PM »
maashaa alaah doctor aad ayaan kugu mahad celinayaa sharaxaada fiican aad iga siiyay ilaahna hakaa siiyo ajar iyo xasanaad waxaad jeceshahayna alaha kuugu bishaareeyo aamiiiiiin


 

Su'aal: Dhiigga Aabbo iyo aniga ma isku nuuc baa?

Started by Akhaa Binu JowhariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3392
Last post November 16, 2017, 07:56:06 PM
by CilmiSabca
Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 7
Views: 356763
Last post February 22, 2019, 08:54:55 PM
by Duurgube
Baaritaannada Dhiigga (Blood Tests)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 20474
Last post May 22, 2008, 01:58:49 AM
by SomaliDoc
Su'aal:Sidee Loo baadhaa Dhiigga Dhalmadda Ama DNA?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33108
Last post July 21, 2009, 11:42:18 PM
by SomaliDoc
Infakshanka Dhiigga (What is Blood Infection)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 50392
Last post January 17, 2015, 11:12:18 PM
by SomaliDoc