Author Topic: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?  (Read 57482 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Naale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
« on: January 06, 2012, 11:20:32 PM »
Asalamu calaykum walaalayaal, magaceyga waa cabdinaasir cali maxamed, waxaan ku noolahay wadanka kenya.

baryahaan dambe waxaan isku arkay marxalad illowshiyo ah, waxaa dhacda in marmarka qaar aan kala saari waayo wixi aan maalin ka hor sameeyay. da'deydana aad ayey u yartahay 22yrs waxaana ahay arday inkastoo aan ku fiicanahy xusuusta casharada, hadana waxaa culeys iga heystaa dhanka xusuusta marka laga hadlaayo howl maalmeedka, sidoo kale waxaa dhacda in dadka qaar oo ay iigu dambesay 5sano ka hor aan xasuusan waayo....marka Dhaqtar maxa igula talin leheed inaan sameeyo walina isbitaal uma tagin waayo waan yareestaa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
« Reply #1 on: January 07, 2012, 02:43:26 PM »


Waxaan ka hadlayaa hilmaanka iyo ilowshaha ay ka sheegtaan dadka dhalinyarada ah ee kama hadlayo kan da'da la xiriirto iyo duqnimada, taaso oo horay dhowr jeer uga hadlay.

Xasuusta marka hore alle ayaa bixiyo isagaane kaa qaadi karo, kuuna soo celin karo waa in aad marka hore rumaysaa arrintaas, midda xigta ma jirto wax daawo ah oo loogu tala galay in qofka hilmaankiisa lagu xalliyo, midda sadaxaad xaaladaha hilmaanka ugu badan ee ka sheegtaan dhalinyarada waa xaalado kumeel gaar ah oo laga gudbo badanaa.

Ogow haddii aad isku aragtid in aad wax xifdin la'dahay ama waxaad xifidisay in aad soo xasuusan wayso taasi macnaheeda ma ahan in cudur xasusuta lumiyo kugu dhacay sida alzheimer-ka oo kale, akhriso waxa xanuunkaan uu yahay:

Ilowga ama hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid noqon karo laakiin waxaa ugu caansan 7 arrimood, kuwaas oo kala ah:
  • Hurdo yarida ama Hurdo la'aanta: Ilaahay wuxuu ugu talagalay in unguyada maskaxda ay nastaan markuu qofka soo daalo ama uu soo jeedo muddo, haddii qofka dhafar uu galo ama hurdo uu waayo siday rabto ha ku timaadee, waxaa imaado hilmaan iyo xasuus la'aan ama wax xifdin ama qabasho la'aan, Akhriso qoraal ku saabsan dhibaatooyinka dhafarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html
  • Daawooyinka qaar waxay keenaan hilmaan ama ilowsho, waa in aad dhakhtarkaaga kala tashataa daawooyinka aad qaadanaysid in ay saamayn kugu yeelan karaan, waxaa ka mid ah daawooyinkaas kuwa dhimirka, kuwa gaaska, kuwa hurdada, kuwa dhiig-karka, kuwa hargabka iyo samboorka ama qufaca.
  • Mukhaadaraatka iyo maandooriyayaasha sida khamriga waxay ugu horeeyaan waxyaabaha xasuusta iyo hilmaanka keeno.
  • Welwelka, Fakarka iyo Diiqada waxay qeyb wayn ka qaataan ilowshaha yo hilmaanka, waana sababta ugu badan ee dhalinyarada aan balwada lahayn u keento, dhalinyaradu waxay dareemaan markuu imtixaanka soo dhaw yahay in aysan waxba xifdin karin tanoo kalo waa welwelka uu ka hayo imtixaanka iyo cabsida ay ka qabaan ayaa keensanayso inay wax xifdin kari waayaan.
  • Daawadashada filimaanta xunxun, waxaa la arkay dadka balwada u tahay dawashada filimaanta jinsiga in ay ka dhaxlaan maqnaansho iyo hilmaan, taasoo loo saariyo in unugyada maskaxda dareenka ay si xad dhaaf ah oo joogto ah u shaqeeyaan, tanoo keenayso in maskaxdu ay ku jirto xaaladaas muddo badan, qofkane ay u keeni karto stress, hurdo qaraw leh iyo hilmaan, waana arrin ku badan dhalinyarada.
  • Siigeysashada oo ah iyadane arrin ay caado ka dhigtaan dhalinyarada ayaa wuxuu hilmaanka iyo wax xifdin la'aantu ay ka mid tahay waxyaabo la sheego in laga dhaxlo, akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaan hadda ka hor: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html

Hilmaanka ku yimaado xaaladahaan kore qofka wuu ka bogsan karaa hadduu joojiyo waxyaabaha dhibka ku hayo, waana ku meel gaar dhibaatada maskaxda gaarayso illaa inuu qofka muddo waday dhibaatadaas, taasoo saamyn joogto ah ku yeelatay maskaxda mooyee.

Hilmaanka & Ilowga wuxuu ka imaan karaa cudur ama jug madaxa gaartay hadda ka hor, ama xanuun qoor-gooye/meningitis hadda ka hor kugu dahcay ama cudur qallal oo aan daawo ka qaadanin, cudurka howlgabka qanjirka thryoid-ka oo ku badan haweenka soomaalida intaba way keeni karaan, waxaa kaloo ka imaan karaa haddii ay maskaxda ku yaraato oksajiinta sida cudurka neefta oo aan daawo loo qaadan ama wadnaha oo howlgabo.
Haddii ay jiraan cudurradaan mid ka mid ah, la xiriir dhakhtar kaa daaweeyo.
Akhriso qanjirka thyroid-ka oo howlgabo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

Talo:
Fadlan ku dadaal alle ku xirnaanta, akhriso quraanka, alle waydiiso inuu hilmaanka kaa qaado awooda xifdintane kuu kordhiyo, kana fogow waxyaabaha alle ka caraysiiyo oo sida aad u jeedidba ay tahay asbaabaha ugu badan ee keeno arrintaan taasoo loo fasiran karo ciqaab xag alle.
Waxaan soo xasuustay sheeko hadda ka hor dhex martay Imaam shaafici iyo shiikhiisa mar uu uga sheegtay wax xifdin la'aanta iyo hilmaanka casharada, wuxuu imaam shaafici shiikhiisa ku jawaabay: ka fogow macsida lle, cilmigu waa nuur, rabina nuurkaas ma siiyo qof ku caasinayo.
Marka aan qaadano talada caafimaad ee sayidnaa imaam shaafici la siiyay alle ha u naxariistee.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Safia2727

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
  • Gender: Female
Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
« Reply #2 on: January 14, 2012, 08:06:36 AM »
 HA way dhacdaa arimahaas waayo maskaxdo wa xan oo go'an ayay xamili kartaa, so don't worry...may be fekerka iskuulka ayaa more kugu ah so waxaad yaraysay howlaha aduunka kale ee just relax and balance your school studies and normal life kaaga waayo waxaa mashquul noqon kartaa inaan phycological ahaan aan maskaxdu wax gaaraann..

Offline Naale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Su'aal: Illowshiyaha badan maxaa keena?
« Reply #3 on: February 18, 2012, 11:07:16 PM »
waa mahadsan tihiin in badan


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55958
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162272
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106967
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57978
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62297
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig