Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?

<< < (2/2)

SomaliDoc:
Cuntada maskaxda iyo kobcinta unguyada neerfaha u roon waxaa ka mid ah:

1- Qudaarta iyo fawaakihda sida karootada, ananaaska iyo cinabka.
2- Proteinska sida hilibka, kalluunka, lowska iyo beerka.
3- Saliidaha fiican sida saliida lawska, saliida zaytuunka iyo saliida kaluunka.
4- Oksajiinka wuxuu muhiim u yahay kobcinta maskaxda cunnooyinka oksajiinka gaarsiiyo maskaxda waxaa ka mid ah basasha, baradhada iyo nacnaaca.
5- Cabidda biyaha ha isku yaraynin
6- Fitamiinnada iyo macaadinta sida fitamiinka A, C iyo E waa fitamiinno jirka ka saaro sunta.
Macaadinta kale oo maskaxda muhiimka ah waxaa ka mid ah Birta, Kalsiyamka, Zinkiga iyo Kopperka. waxaana laga wada helaa, hilibka, ukunta, beerka, kaluunka iyo xubuubka sida digirta.

CMD Adde:
Aad Baad u Mahadsantahay Doctor

Jazakallah

Talooyinkaagi Waan raacay Alxamdulilaah Hadda Xoogaa Waan Caafimaad Qabaa Balse , waxaan dareemayaa, inaan mar waliba ka daalanahay indhaha, iyo indhaha oo i qalalan weeyna iska gaduudanyihiin , inta badan, Marka Arrintaas Iyadana Ma'iga Caawin Kartaa, waana ku Mahadsanid Dr, Talooyinkaaga Waxtarka Leh,



Allah Macaak

SomaliDoc:
Arrintaas waxaa habboon in aad kala xiriirtid takhtar indhaha ku taqasusay si laguu baaro.

CMD:
Aad Baad U Mahadsantahay Dre, Wallow Aan Jawapta Mahad Celinta Lasoo Daahay, Tan Kale Sidaad Sheegtayba ( waxaan rajaynayaa in aad caafimaadkaagii hore soo ceshan doontid inkastoo waqti ay qaadan karto ) Waxaan Ku adkeydstay In Muddo Ah Qowlkaagi Ama Hadalkaagaas, Iyadoo Aan Dareemayo Waxoogaa Inaan Sidii Hore Ka Roonahay 100%, Inta Dhimana Waxan Rajeynayaa Inaan Heli Doono Insha'alh Mana Garan Karo Sidaan Idiinkugu Mahad Celiyo, Balse Allah Ha Idiin Naxariisto Ayaan Idiin Leeyahay , Anne Mar Inta Dhiman Hadii Eey Ii Dhameystiranto Insha'alah Kuma Noqon Doono Sidii Hore Mar Kale Insha'alah, Mahadsanidiin Mahadsanidiin Mahadsanidiin Dhaqaatiirta Sharafta Leh.

FG: Wax Waliba Waxaa Iiga Muhiimsan Waan Is Fahmi Waayey ! ! !, Fikirka Aad Isiiseen Iyo Marxaladi Aan Ku  Jiray Iyo Waxa U Sababta Ahaa, Markaan Intaas Gartey Waxaa Iga Dagay WalWalkii, Waxan Go'aan Saday Inan Dhaqaatiirba U Tagin Anne.
Ugu Dambeyn: 2 Sano Kadib Hadda Ayaan Hurdada HelHelayaa!! Cuntadiina Si Fiican Iigu FuranTay Weliba Isbadal Guud Dareemayaa Alxamdulillaah.

Allah Macaakum

CMD.

Navigation

[0] Message Index

[*] Previous page

Go to full version